Author Topic: Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin.. (WARBIXIN)  (Read 34320 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Horumar Laga Gaarey Daaweynta Duumada/Malaariyada Ba'an

XIGASHO www.msfaccess.org.

Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin Karta 200,000 Nafood

Warbixin cusub oo ay MSF soo saartey ayaa ugu baaqdey Dowladaha Afrikaanka ah, WHO iyo deeq-bixiyeyaasha in ay si degdeg ah u hirgeliyaan isku beddelidda daawooyinkan

Geneva, 19 Abriil 2011  Daawo la xaqiijiyey in ay yareyneyso geerida carruurta qaba duumada/ malaariyada ba'an ayaa ay waajib tahay in dhaqso looga isticmaalo dalaka Afrika, ayaa uu yiri ururka caalamiga ah ee caafimaadka ee bani'aadamnimada ee Medecins Sans Frontieres/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF). Warbixinteeda cusub oo ay ugu magac dartey Making the Switch ama "Kala Beddelidda", MSF waxa ay ugu baaqeysaa dowladaha Afrikaanka ah in ay raacaan habraacyada cusub ee Ururka Caafimaadka Adduunka uu dhowaan soo saari doono, oo ay daawada waxtarkeedu yar yahay ee quinine ay ku beddelaan artesunate, taas oo sanad kasta baajin karta geerida ku dhowaad 200,000 qof. MSF wax ay sidoo kale ugu baaqeysaa WHO iyo deeq-bixiyeyaasha in ay taageeraan dowladaha si daawo beddeliddan degdegga loogu baahan yahay dhaqso loogu hirgeliyo.

?Marka ay xarunta caafimaadka yimaadaan caruur qaba duumo ba'an, waxaa badanaa lagu arkaa qarqaryo, matag ama waxa ay halis ugu galaan miyir-beel sida qabatin oo kale ah, waxa keliya ee aad u baahan tahayna waa in aad awood u yeelato in aad siiso daawo waxtar leh," ayaa ay tiri Veronique De Clerck, oo ah Isuduwaha Caafimaadka ee MSF ee Uganda. " Tobaneeyo sano, ayaa daawada quinine loo isticmaalayey daaweynta duumada ba'an, laakiin isticmaalkeeda ayaa noqon kara mid adag oo halisna ah, sidaa daraaddeed waxaa la gaarey waqtigii quinine la macasalaameyn lahaa. Daawada artesunate ee aan hadda haysanno waxa ay nafo badan ka badbaadisaa duumada ba'an, waana mid ka ammaan badan, ka fudud oo ka waxtar badan quinine.

Daawada quinine ayaa loo baahan yahay in qofka maalintii saddex-jeer lagu siiyo faleebo tartiib ugu socota taas oo qaadaneyso afar saacadood, waana daaweyn aad ugu culus bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadkaba. Artesunate, marka la barbardhigo, waxaa qofka lagu siin karaa afar daqiiqo oo keliya, iyada oo qofka bukaanka ah daawada looga mudayo sinta ama xidid.

Tijaabo caafimaad oo la sameeyey dhammaadkii 2010-kii ayaa lagu ogaadey in daawada artesunate marka lagu daweeyo carruurta qabta duumada ba?an ay ku dhowaad rubuc is-dhimeyso halista ah in ay ilmuhu dhintaan. Daraasadda oo laga sameeyey sagaal dal oo Afrikaan ah, ayaa lagu ogaadey in 41-kii carruur ah ee la siiyo daawada artesunate beddelkii la siin lahaa quinine, ay taas ku badbaadeyso hal naf. Maaddaama ay adag tahay isticmaalidda daawada quinine, ayaa carruurta loo qoondeeyey in ay qaataan daawada quinine ay ku dhowaad afar-laab ay uga dhowaayeen in ay dhintaan ka hor inta aaney daawadaba qaadan.

MSF ayaa tijaabada kaga qaybqaadatey xarunteeda cilmi-baarista ee Epicetre, oo xarun cilmi-baaris ku leh Uganda. MSF ayaa tan iyo markaa beddeshey borotokoolkeeda daaweynta waxaana ay hadda qorsheyneysaa in ay maamullada caafimaadka qaran ay kala shaqeyso sidii ay isticmaalka daawada artesunate ay bilaha soo socda uga bilaabi lahayd mashaariicdeeda.

Caddeynta la hayo waa mid aad u weyn, laakiin warbixinta MSF waxaa ay si weyn u muujisey in aannu isbeddelka iska iman karin. Iyada oo WHO ay sheegtey in ay dhowaan soo saari doonto habraacyo ay ku talineyso in daawada artesunate loo adeegsado daaweynta duumada ba?an ee carruurta Afrika, Waxa ay sidoo kale ka dooneysaa in ay sameyso qorshe ay dalalka kaga caawineyso in ay kala beddeliddaa sameeyaan. Waa in dowladaha Afrika ay si degdeg ah u beddelaan borotokoolladooda daaweynta waxaana waajib ah in deeq-bixiyeyaashu ay si cad u sheegaan in ay taageeri doonaan kharashka dheeraadka ah ee ku baxaya hawshan, waa halka looga baahdo e. Daawada artesunate ayaa saddex-laab ka qaalisan daawada kale, laakiin lacagta $31 milyan ee doolarka Mareykanka ah ee dheeriga ah ee sanad kasta loogu baahan yahay kala beddelidda daawooyinka waa mid aad u yar marka loo eego ku dhowaad 200,000 ee nafood ee ay cilmi-baarayaashu sheegeen in la badbaadin karo.

Sidan ayaan u taagneyn markii sanadkii 2001-dii ay WHO beddeshey talooyinkeeda ku aaddanaa daaweynta duumada, muddo ayaana ay dalalka ku qaadatey in ay dhab ahaantii kala beddelaan daawooyinka, waxaase aad u yaab badan, in dalalka qaar ay daawooyinka aadka u liita ay weli isticmaalaan iyada oo ay toban sano ka soo wareegatey markii lagu taliyey in la beddelo,  ayaa uu yiri Dr. Martin De Smet, oo isuduwa hawlaha wax ka qabashada duumada ee MSF. Marka laga hadlayo duumada ba?an, waa in WHO ay hubisaa in kala beddelidda daawadu aanu daahin, si nafaha durba loo badbaadiyo. Ma jiraan wax qiil ah oo loo haysto in aan daawada haddadan la kala beddelin.

MSF waxa ay daawada duumada siisey ku dhowaad hal milyan oo qof sanadkii 2010-kii. Duumada ba'an waxa ay sanad kasta dishaa 600,000 oo carruur Afrikaan ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano jir. Sanad kasta, ilaa siddeed milyan oo xaalado duumo oo fudud ah ayaa isu roga duumo ba'an, taas oo ah in ay bukaannadu ka muuqato in xubnahooda ay dhibaato gaartey, xubnahaas oo noqon kara maskaxda, sambabada, kelyaha ama halbowlayaasha dhiigga.

Making the Switch, oo ah warbixinta MSF ee ku baaqeysa in la beddelo borotokoolka daaweynta duumada ba'an ee carruurta waxaa laga soo dejinsan karaa www.msfaccess.org

REPORT IN ENGLISH

Using Artesunate Instead Of Quinine Could Save 200,000 Lives Annually (REPORT)

Revolutionary Advance in Severe Malaria Treatment.

Source: www.msfaccess.org

Using Artesunate Instead Of Quinine Could Save 200,000 Lives Annually

New MSF report calls on African governments, WHO and donors to urgently make the switch

Geneva, 19 April 2011 A drug proven to reduce deaths in children suffering from severe malaria must be immediately rolled out in African countries, says the international medical humanitarian organisation M?decins Sans Fronti?res (MSF). In its new report Making the Switch, MSF calls on African governments to follow new World Health Organization (WHO) guidelines soon to be released, and switch from the far less effective quinine to artesunate, which could avert nearly 200,000 deaths each year. MSF also calls on WHO and donors to support governments so this urgent treatment change can happen quickly.

When children arrive at the clinic with severe malaria, they often are having convulsions, vomiting or at risk of going into shock, and you just want to be able to give them effective treatment quickly, said Veronique De Clerck, Medical Coordinator for MSF in Uganda. For decades, quinine has been used in severe malaria, but it can be both difficult to use and dangerous, so it's time to bid it farewell.  With artesunate, we now have a drug that saves more lives from severe malaria, and is safer, easier and more effective than quinine.

Quinine has to be given three times a day in a slow intravenous drip that takes four hours, a treatment that is burdensome for both patients and health staff. Artesunate, in contrast, can be given in just four minutes, by giving a patient an intravenous or intramuscular injection.

A landmark clinical trial in late 2010 concluded that the use of artesunate to treat children with severe malaria reduces the risk of death by nearly a quarter.  The study, carried out in nine African countries, found that for every 41 children given artesunate over quinine, one extra life was saved.  Because of the complexities of administering quinine, children in the trial who were assigned to receive quinine were almost four times more likely to die before even receiving treatment.

MSF participated in the trial through its research affiliate Epicentre, with a research site in Uganda. MSF has since changed its own treatment protocols and now plans to work with national health authorities to roll out artesunate in its projects over the coming months.

 The evidence is overwhelming, but MSF?s report stresses that change will not happen on its own. While WHO has said it will soon issue new guidelines recommending artesunate for treating severe malaria in children in Africa, it needs to also develop a plan to help countries make this switch.  African governments must urgently change their treatment protocols and donors must send a clear signal to countries that they will support the additional cost where needed.  Artesunate is three times more expensive, but the difference in cost of US$31 million each year for a global switch is very little for the nearly 200,000 lives that researchers say could be saved.

Weve been here before when WHO changed its treatment recommendations for simple malaria in 2001 it took years for countries to actually make the switch, and shockingly, in some countries the far inferior drugs are still being used ten years on, said Dr. Martin De Smet, who coordinates MSF's malaria work.  With severe malaria, WHO needs to make sure that the change is much less sluggish, so lives can be saved immediately.  There?s simply no excuse not to make the switch now.

MSF provided malaria treatment to around one million people in 2010.  Severe malaria kills over 600,000 African children under the age of five annually.  Each year, around eight million simple malaria cases progress to severe malaria, where patients show clinical signs of organ damage, which may involve the brain, lungs, kidneys or blood vessels.

Making the Switch, MSF's new report calling for a change in protocol for the treatment of severe malaria in children can be downloaded from www.msfaccess.org