Author Topic: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.  (Read 90662 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Salamu Alaikum

Waxaan maanta xubnaheenna sharafta leh la socodsiinaynaa meel walba ay joogaan in uu hirgalay heliddii qaamuus caafimaad oo af-soomaali iyo english ah.

Qaamuuskaan caafimaad waa kii ugu horeeyey noociisa ah. Ma jiro mid la mid ah. Waa qaamuus si wanaagsan looga soo shaqeeyey aadna u anfaca isticmaalka guriga, ardayda barata maadada caafimaadka, ama kuwa barta kalkaaliyenimada, dadka la shaqeeya waaxaha caafimaad iyo xiriirka u dhaxeeya takhtarka iyo bukaanka.

Wuxuu ka koobanyahay in ka badan 5000 oo erey, oo isugu jira cudurada, daawooyinka, cilada hiddo wadeyaalka firkooda iyo sida loo daaweeyo. Waxaa kale oo sii dheer qaliinka iyo sida loola xaajoodo takhtarka nooc walba uu yahay.

Qaamuuskaan oo qoristuusu qaadatay muddo dhan 3 sano ayaa waxuu soo gabagaboobay bishii January ee bilawga sanadkaan 2011.
Qaamuuskaan waxaa qoray Dr. Liibaan Ali Diriye oo ah takhtar ku taqasusay cilmiga dhiigga "Heamtology"  ahna qoraa xiiseeya qoraallada caafimaadka kuna nool dalka ingiriiska.
 
Ardayda caafimaadka ka barato dalka gudihiisa waxaan ugu bishaaraynaynaa in qaamuuskaan ay ku heli doonaan si bilaash ah iyadoo qoraaga ku talo jiro inuu soo booqdo bilaha soo socdo jaamacadaha caafimaadka ee ka jira dalka.

Qaamuuskaan warbixintiisa waxaad ka heli kartaan webka (www.pharmedic.org.uk)


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Shenamic

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 44
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #1 on: April 22, 2011, 11:15:25 PM »

Waxaanu Codsanin Haddii la heli karro ama Macquul noqoto in qaybta Buubaagta lagu darro, si aanu uga faa'iidaysanno.
Waxaa jirta arday badan oo aan si toosa u helli karrin iyaddoo ay ugu wacan tahay meelaha ay dunnidda
ka joogaan oo laga yaabo in aan buugan laga heli karin meelaha suuqyadda ah.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #2 on: April 22, 2011, 11:26:34 PM »
Anagoo dareensan baahida loo qabo qaamuus caafimaad, ardayda oo idline aysan wada heli karin ayaan waxaan wadnaa qorsho qaamuus caafimaad oo u gaar ah webka, kaasoo qof waliba uu ka baaran karo erayada uu rabo webka gudihiisa.

Waxaan rajaynaynaa in dhowaan aan hergalinno "SomaliDoc Online Dictionary".

Waana idin la socodsiin doonnaa wixii ka soo cusboonaada.
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Abdirasaaq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #3 on: April 24, 2011, 09:03:54 PM »
Waad mahadsantihiin sida wacan ee aad ugu dadaalaysiin dhalinta soomaaliyeed iyo dhalinyarada\ ardayda wax barato.. waana idinkaga fadhinaa intaan iyo inkabadan insha allaah, allahana idinka abaal mariyo, dhamaan intii kaqaybqaataday soo saaristaa waxii waxtar uleh umada somaaliyeed..

mahadsanidiin

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #4 on: April 24, 2011, 10:06:04 PM »
Good work.....

People actually need this , esp students  and health-care workers..\
Good job
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Offline MuslimDoc

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 103
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Muslim then Doctor
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #5 on: April 25, 2011, 05:24:50 PM »
Masha'llah waa mashruuc aad qiimo iyo waxtar leh.

Way ku mahadsanyihiin dadka juhdiga ku bixiyay qoridda buugaan.
The Muslim doctor shares with the Muslim patient the two main characteristics:
the faith in God and destiny, and the conviction that there is a cure for every disease.

Offline Mohamud Farah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #6 on: April 26, 2011, 10:04:37 AM »
A/C Xageen kaheli karaa qaamuuskaan?

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #7 on: April 26, 2011, 06:28:38 PM »
A/C Xageen kaheli karaa qaamuuskaan?

Qaamuuskaan warbixintiisa waxaad ka heli kartaan webka (www.pharmedic.org.uk)
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Mutaweli

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #8 on: April 27, 2011, 02:03:29 PM »
Salaam Caleykum WW,

walaal yal booggan wa  boog aad iyo aad uu fiicaan. waxaan  isticmalla  asigoo english ah  oo ah  dabcaadi OXFORD clinically boogan boog la miid ah oo medical dictionarry ah ma jiro,marka hadana waa hor mar aad iyo aad uu weyn in an helno asigo  luuqadeni ah oo noo fuduud fahamkiisa, madama  ay noogo adagtahay kelmadaha  qaar oo greek ah iyo macnaheeda oo ah english oo anaga uu dhan. walaaladeen sida Dr Mahdi walaal waxan ka  cood saneyna in aan noo shegtiid meesha laga  iibsan karo waa uu na anfaca hadi aano  nahay somalida  wax ka  barada  dhan  cafimaadka. waan jeclan laha in saas oo kale loo  turjuumo all bogagta  clinical Medicineka ah iyo pathologiga iyo physiologiga oo ay uu bahan yahiin ardaydeena in aay  fahmaan  qasatan kuwa joogo wadanka oo ku adag englishka. ma adiinku  dhereynaayo wadna ku mahad san tahiin.Hussein Haji

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #9 on: April 28, 2011, 09:21:56 PM »
Salaam Caleykum WW,

walaal yal booggan wa  boog aad iyo aad uu fiicaan. waxaan  isticmalla  asigoo english ah  oo ah  dabcaadi OXFORD clinically boogan boog la miid ah oo medical dictionarry ah ma jiro,marka hadana waa hor mar aad iyo aad uu weyn in an helno asigo  luuqadeni ah oo noo fuduud fahamkiisa, madama  ay noogo adagtahay kelmadaha  qaar oo greek ah iyo macnaheeda oo ah english oo anaga uu dhan. walaaladeen sida Dr Mahdi walaal waxan ka  cood saneyna in aan noo shegtiid meesha laga  iibsan karo waa uu na anfaca hadi aano  nahay somalida  wax ka  barada  dhan  cafimaadka. waan jeclan laha in saas oo kale loo  turjuumo all bogagta  clinical Medicineka ah iyo pathologiga iyo physiologiga oo ay uu bahan yahiin ardaydeena in aay  fahmaan  qasatan kuwa joogo wadanka oo ku adag englishka. ma adiinku  dhereynaayo wadna ku mahad san tahiin.Hussein Haji


Walaal Mutawell, waxaad qaamuuskaan ku heli kartaa adigoo la xiriira qoraaga.
waxaadna kala xiriri kartaa webkaan: (www.pharmedic.org.uk)
Markaa webka gashid waxaad ka sii doorataa qeybta: Contact Us.
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Mutaweli

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #10 on: May 05, 2011, 10:46:45 PM »
wadku mahad san tahay walaal wan la xariiri doona inshallah.

Offline Muna O.Hamari

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #11 on: May 08, 2011, 07:40:28 PM »
Asalammu Aliekum

Dear Doctors
aad baan idin salaamay waxaan jeclaan lahayn in aad baaadhisaan helitaankiisa
haddi aanu nahay ardayda ku nool dalka somalia


Offline Burhaninho

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #12 on: August 08, 2011, 02:32:46 AM »
Tani caadi ma ahan! waa soo dhaweynayaa qaamuskaan, zaa'id ayaan ugu baahanaa maadaama erayad caafimaadka qaarkood aadan layman's aadan ugu fasiri karin waalidka.

Offline Abdi Hashi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #13 on: September 11, 2011, 10:26:03 PM »
waan idin salaamay; walaal waxaan doonayaa inaad ii sheegtaan sidii aan ku heli karo qaamuus caafimaad aniga oo joogaa Jigjiga Ethiopian

Offline Dr Lee

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Qaamuus Caafimaad - First Somali /English Medical Dictionary.
« Reply #14 on: September 12, 2011, 09:19:57 PM »
Walaal Abdi, Qaamuuska waxaad ka heli kartaa, sida uu Dr Mahdi kor ugu xusay websiteka www.pharmedic.org.uk adigoo riixaya halka ku qoran contact us.


 

Hello Somali Doctors & to all da other Doctors from all over da world.

Started by KhatraBoard New Members

Replies: 5
Views: 31694
Last post February 12, 2011, 08:31:41 PM
by Dr.Adnan
"I would like to this to be Sticky" aka.. Medical school info.

Started by DANGOBoard I want to Study Medicine

Replies: 0
Views: 20432
Last post November 08, 2008, 07:05:19 AM
by DANGO
IRC Medical Officer (Kakuma) and Nurses (Hagadera / Kakuma) Jobs in Kenya

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 30002
Last post September 20, 2011, 08:59:33 AM
by Admin
"VACANCY" Medical Doctor Based in Jowhar Somalia (100%)

Started by DrkheyreBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 30876
Last post December 02, 2011, 06:13:19 PM
by Drkheyre
(VACANCY) Medical Doctor, Nurse, Assistant Nurse, Feeding Assist - MSF Holland

Started by DrkheyreBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 22156
Last post June 29, 2011, 04:43:11 PM
by Drkheyre