A-Qeexid:Ilka isku xoqidda ama Ilka jiririqsiga waa xaalad dhacda marka uu qofku hurdo, inta badannaa dadku kama warhayaanin marka ay isku xoqoyaanin ilkahooda, balse waxaa dhacday in ay mararka qaarkood xannuun dareemanin kolkay hurdada ka soo toosanin. Caafimaad ama Cilmi ahaan ahaan Ilka jiririqsiga waxaa loo yaqaan
"bruxism"B- Waxyaabaha sababa1.
Cadaadis(Stress): Dhaqaatiirta badankood waxay isku raaceen in Ilka jiririqsiga ay sababto Cadaadis uu qofku la kulmo. Caddaadisku waxaa uu wax u gaysan karraa hannaan hurdada ee qofka, haddii qofka uu qofku la kulmo waxyaabo hurdada ka qasa waxaa dhici karta in qofku isaga oo aan ogayn uu in bilaabo ilka isku Jiriqsiga.
2.
Xanaaq (Angry): waxaa jirra tusaalooyin badan oo qofku uu ilkihiisa isku xoqqo isaga oo qof ama shay u xanaaqsan, inta badanaa dadka cilmi nafsiga barta waxay isku raaceen in xanaaqu yahay sababta ugu weyn ee uu qofku ilkaha iskugu xoqqo xiliyadda maalintii . Waxaa jirta xaalad uu qofku xanaaqa isku celiyo sababo awgood, haddii uu qofku waayo wax uu xaniiqa ku dulbaab?iyo (replacement), dabadeed waxaa uu bilaabin in uu ilkaha isku qoxo, dadka sidaas oo kale ku dhaqma waxaa in uu la tashaddaa dadka cilminafsiga u saaxiibka ah.
3.
Xiliga koridda iyo hormaridda ilkaha: Tani waa sababta ay caruurta ilkaha isugu xoqaanin xiliyadda ay hurdanin. Inta badannaa caruurta todoba jirka ah, ama ka yar, kilkahoodu waa kuwo ku jirra xaaladda korimadda, mararka qaarkoodna waxay keentaa xanuun ka imada meesha uu ilugu ka soo bixin, siddaas awgeed caruurtu waxay isku xoqaanin ilkaha.
4.
Cuduro la xiriira: Waxaa jirra baaritaano badan oo ku tusin in ay jiranin cudurro la xiriirta ilka jirirqsiga, sidda cudurka loo yaqaan Parkinson's disease( cudur ku dhaca habdhis nerfaha) ama Huntington disease (waxa uu keenaa maarayn la?aan xagga socodka tasona ka imanay isla maarayn la'aan ka jirta ururidda murqaha). Dadka ay cuduraasi ku dhacanin, waxaa dhici karta in ay ilkaha isku xoqaanin.
5.
Daawooyin: Waxaa jirra daawooyinka la siiyo si loo daaweeyo xaaladda loo yaqaan Depression, daawooyinkaas waxaa ay mararka qarkood sababaanin Ilka jiriqsiga, waxaana daawooyin kaas ka mid ah: antidepressants.
6.Waxaa jirra qofka oo ilka jiriqsiga ku bilaaba yaraan, wadana illaa uu da?wayn gaaro, markaas oo ay caado u noqoto.
C-Calaamadaha Ilka Jiriqsiga:- Sharqanta Jiririqsiga xiliga hurdada
- Waji xannuun, siiba Kalagoysyadda Daamanka.
- Madax xanuun Subaxii
- Ilkaha oo ay wax yeelo soo gaarto.
D- Khatarta ay keeni karto Ilka Jiririqsiga-
Ilka dhumid: Ilka jiriqsiga waxaa ay keeni kartaa ilkaha qofka oo ay wax yeelo gaarto, iyo ilkaha oo kala data.
-
Maqalka Dhumid (Hearing loss): Mararka qaarkood waxay keentaa maqalka qofka oo dhumma, inkastoo anan garaynaynin habka uu ku imanayo, balse waan baarin.
-
Temporomandibular disorders (TMD):Cudurkaan oo inta badannaa daamanka dhibaato u gaysta daamanka, kala gays yadda daamanta iyo Muruqyadda maamulaha calalinta iyo dhaq dhaajinta daamanka. cudurkaanin waxaa uu imaada qofku markuu ilkaha xoqqo taasoo caadis wayn dul dhigta temporomandibular joint-ka. Calaamadaha cudurkaan waxaa ka mid ah:
-
Daaman xanuun
- Afka oo aadan kala qaadi Karin.
- Daamanka oo meel ama dhinac ku dhegga
- Daal aad wajiga ka dareemin
- Dhinac wajiga ka mid ah oo barara.E- Daaweynta/Joojinta Ilka jiririqsigaHabka daawayn ee ilka jiriqsiga waxa ay ku xiran waxyaabaha Sababay ee xaaladda ilka jiririqsiga. Waxaa hoos ka helin dhoor hab oo daawayn karayo:
1.
Maaraynta Caddaadis: Dawaawaynteedu waa adiga oo la tashadda dadka aqoon u leh xagga cilmiga nafsaaniga si loo ogaado waxa keenay caddaadis (Stress)-ka uu qofku dareemin. Inta badannaana qofku waa in uu ku dadaalaa in uu baritaan dheer ku sameeyo waxa caddaadiska ku keenin, dabadeedna uu ka takhaluso. Maaraynta caddaadis waa habka ugu badan ee loo daweeyo ilka jiririqsiga.
2.
Qalabka ilkaha: Dhaqaatiirka inta badannaa waxaa ay dadka siyaanin Qalab loo yaqaan ? Mouth Guards? ama ?Af waardiye?, kaasoona habbeenkii la xirto si uu u joojiyo ilka Jiririqsiga.
3. Haddii Ilka Jiriqsiga ay sababtay qofka oo caado ka dhigta, waxaa habboon in habdhaqankaas laga bedelo, Waana in uu qofku la tashadaa dadka ku takhusay ?Behaviour Therapy?
4.
Daawooyin: Haddii ay jiriqsiga sabbatay daawo (e.g Anti-depressions) uu qofku qaatay, waa in daawadda laga joojiya, ama mid ka habboon loogu bedella ama hadba wixii macquul ah.
5.
Qaliin: Waxaa jirra dadka badan oo habkaan door bidda si ay ilka jiririqsiga u joojiyaanin. Xaaladdaan oo kale dhaqtarku waxaa uu ilka ku xirin qalab ( sidda birta jilicsan ee curiyaha copper) si uu ilkaha iyo dushooda kore u qaabeeyo. Waana jiraanin habab kale oo qaliinka loo sameeyo.
F.G Waa la'i sixi karayaa...!
Shenamic