Author Topic: Xaruntii Caafimaadka ee Empratooriyadii CeelGaab oo loo Howlgeliyey 20sano.....  (Read 4177 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Xaruntii Caafimaadka ee Empratooriyadii Ceel Gaab oo dib loo Howlgeliyey Muddo labaatan Sanno ka dib

XIGASHO: www.somalitalk.com.

Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda federalka Soomaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ay Wehliyaan Qaar ka mid ah Masuuliyiinta wasaaraddasi ayaa maanta muddo 20 Sanno ka dib Dib u furay Xaruntii hore ee Ex Ambolatoriyadii Ceel gaab ee Degmadda Waaberi magaaladda muqdisho

Xaruntaan oo ka kooban laba Qeybood oo kala ah Bukan Socod Eegto iyo MCH oo loogu tala galay in wax loogaga qabto daaweeynta Caruurta iyo Haweenka iyo dadka kale ayaa waxaa dib u habeeynteedda iyo dayactirkeedaba fuliyay Hay-adda lagu magacaabo Hay-adda dhawrista iyo Horumarinta Soomaliya, iyadoo dhinaca maalgelintana ay ka qeyb qaadatay Hay-adda lagu magacabo RSL.

Furitaanka Ambolatoriyadda Ceelgaab oo ay goob joogayaal ka ahayeen xubno kala duwan oo kakala socday qeybaha Bulshadda ayaa waxaa ka mid ahaa Kuxigeenka dhinaca arimaha bulshadda ee Gobolka banaadir,Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banadir G/Sare Axmed Xasan maalin Gudoomiyaha degmadda waaberi Axmed Faal iyo xubno kale.

Wasiirka Cafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo munasabadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu amaan iyo Bogaadin u jeediyay Hay-adihii fuliyay Hawshaasi Qiimaha badan oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid Bulshadda Soomaliyeed ay baahi weyn u qabtay muddo 20 sanno ah kadib in dib loo furo maanta Goohaha ugu muhiimsan ee udub dhaxaad u ah bulshadda soomaliyeed gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo xiligaan ay haystaan dhibaatooyin xagga caafimaadka ah waxaana uu xusay in ay xarumahaan wax badan oo dhinaca cafimaadka ah ka bedeli doonaan.

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in Wasaaradiisu ay mudnaanta kowaad siineyso sidii mar kale bulshadda ku dhaqan Muqdisho ay u heli lahaayeen goobo Badan oo ay si deg deg ah uga helaan wixii adeeg caafimaad ah ee ay uga baahan yihiin dhinaca dawladda, waxaana uu xusay in xaruntaan maanta la furay aysan ku ekaan doonin oo kaliya, balse ay Jiri doonaan kuwo kale oo sidaan iyo si la mid ah dib loogu furi doono Bulshadda Soomaliyeed, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu ay u taagan tahay sidii shacbiga soomaaliyeed ay uga haqabtirilaheyd dhinaca hawlaha Caafimaadka, waxaana uu wasiirku ku celceliyay baahidda caafimaad ee xiligaan taagan iyo sida ay Wasaaraddu uga go?an tahay wax ka qabashadda intii awooddeedda ah ee ay u saamaxdo duruuftu iyadoo la kaashaneyso Hay-adaha kala duwan ee wax gargaara

Sidoo kale waxa munaasabadaasi ka hadlay masuuliyiinta Hay,ada Dhawrista iyo Horumarinta Somaaliyeed waxaana ay sheegeen in ay xaruntaan ku gabagabeeyeen muddo kooban iyagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dhinacoodda diyaar ka tahay sidii loogu bilaabi lahaa adeegyadda caafimaad ee ay umado uga baahan tahay.

Xarunta Ex Ambolatoryaddii Ceel Gaab ayaa waxay ay noqoneysa xaruntii muddo 20 sanno kadib ay dib u hawlgasho maanta kadib burburkii ku dhacay dalka 1990kii wixii ka dambeeyay waana xarun aad iyo aad qadiimi u ah.