Author Topic: Is-baadhka Xiniinyaha (Testicular Examination)  (Read 9306 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Is-baadhka Xiniinyaha (Testicular Examination)
« on: May 06, 2011, 08:04:50 PM »
Is-baadhka Xiniinyaha (Testicular Examination)

Raggu waa inay baadhaan xiniinyahooda bil kasta laga bilaabo marka ay yihiin tobneeyo-jir. Kaansarta ku dhacda xiniinyaha badanaa waa la daweyn karaa haddii goor hore la helo.

Talaabooyinka
1. Ka dib marka aad qaadatid qubays ama maydhasho diiran, hor joogso muraayad. Eeg wax barar ah oo ku yaalaa agagaarka xiniinyaha.
2. Isticmaal labada gacmood si aad u dareentid xiniin kasta. Farahaaga saar hoosta xiniin kasta iyada oo suulashaadu dusha saaran yihiin.
3. Si tartiib ah xiniin kasta ku wareeji suulashaada iyo farahaaga. Dareen wax buro ah. Waa inaanad dareemin wax xanuun ah marka aad tan sameynaysid. Waxa aad dareemi doontaa wax jilicsan oo aad tuubo moodid oo ka dambeeya xiniinta, kaasoo kaydiya isla markaana qaada manida.

Isla markiiba u tag dhakhtarkaaga haddii aad leedahay:
# Meel kuusan ama buruq
# Xiniin weynaatay ama yaraatay
# Dareen ah culays ama qadar weyn oo ah dheecaan oo ku jira maqaarka ku wareegsan xiniinyaha
# Xanuun ah xiniinyaha, cawrada ama caloosha
# Naaso danqanaya ama weynaaday

La hadal dhakhtarkaaga haddii aad qabtid su?aalo ama walaac ku saabsan is-baadhistaada.
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Kuus kuus xiniinyaha dhexdooda?

Started by YoungAbdirahmanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 4511
Last post April 16, 2019, 12:04:29 PM
by YoungAbdirahman
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18508
Last post January 07, 2012, 02:02:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?

Started by AlmuwaxidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 7443
Last post July 18, 2015, 02:44:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii dareen kacsi dareemo xiniinyaha way yaraadaan?

Started by HoOYoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8904
Last post August 10, 2015, 10:51:52 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa jira cuncun xiniinyaha ah, maxaa dawo ah?

Started by Abdirahman AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6055
Last post May 20, 2016, 09:24:28 PM
by SomaliDoc