Author Topic: Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)  (Read 79432 times)

0 Members and 7 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)
« on: May 06, 2011, 07:55:37 PM »


Quote
"Ma isku aragtay calool majiir (casiraad) aad u baahan tahay inaad saxarootid si xanuunka kaaga fuqo?, ma leedahay hawo badan oo caloosha ku dhex meeraysato iyo dhuuso badan?, saxarada oo marne adag marne shuban ah weliba ay la socdaan wax sidii malaxdii oo kale ah?, Intaa ma kuu raacsan tahay daal, dhabar xanuun, caajis badan iyo kaadi habeenkii ku qabata?, xanuunkaan ma kuu daran yahay xilliyada aad leedahay welwel, diiqad, fakar badan ama cuntid cunnooyinka qaar sida qamadiga, kaffayga, liinta, caanaha, farmaajada iyo burcadka?"


Xanuunka astaamaha kore leh waxaa loo yaqaanaa  "mindhicirrada kacsan", afka qalaadne lagu dhaho "Irritable bowel syndrome" afka carabigane waxaa lagu dhahaa "Qooloon Casabi" waa xanuun aad ugu badan dunida, wuxuuna ku dhacaa mindhicirrada waawayn "Large intestines", kuwaasoo ka nugul mindhicirrada yaryar "Small intestines"

Xanuunkaan wuxuu ka mid yahay cudurrada aan dhakhso lagu baraarugin, waxaana lagu gartaa kaliya in laga shakki baxo cudurrada kale ee aadka ugu eg sida gaaska boog calooleedka, caabuqa ameebaha, xiidmaha bararan, u dulqaadasho la'aanta lactose-ka, hoos ka akhriso xanuunadaas iyo astaamahooda si ay kuugu kala soocmaan.

Maxaa keeno cudurkaan?
  • Si xaqiiq ah looma ogo waxa keeno mindhicirrada kacsan, laakiin waxaa la ogyahay in dhowr shay ay ka qayb qaataan.
    Maadaama mindhicirrada ay leeyihiin murqo aad u yar yar oo howshoodu tahay in ay ku caawiyaan mindhicirrada in wixii ku jiro ay iska faaruqiyaan, murqahaas ayaa kacsan oo si aan caadi ahayn u shaqaynayo taasoo keenayso in caloosha aysan waxba ku hakanin mararka qaar, xilliyada qaarne ay shaqada joojiyaan oo ay calooshu fadhiisato. Waxyaabaha la arkay inay mindhicirrada kiciyaan waxaa ka mid ah sukulaatada, basbaaska, dufanka, qudaarta qaar, digirta, caanaha iyo waxii laga sameeyay, kaffeyga, daawooyinka qaar, cabitaanada qasan ama gasacadaysan (warshadaysan) iyo khamriga.
  • Arrinta kale ee lala xiriirinayo kacsanaanta mindhicirrada waa cillad neerfaha mindhicirrada oo aanan dhambaallada sidii la rabay u soo gaarsiinayn, taasoo keenayso in calooshu khalkhal galo.
  • Midda sadaxaad waxaa lala xiriirinayaa dhibaato ka dhalatay caabuq ama infekshan aad u daran oo mindhicirrada hadda ka hor ku dhacay, taasoo keentay in bakteeriyo badan ku dul tarantay ama dhacdo isu-dheelli tirnaan bakteeriyada caabuqa keento iyo midda faa'idada u leh dheefshiidka.

Waxyaabaha kiciyo mindhicirrada:
Maadaama cudurkaan uu yahay mid raaga, qofkane hayn kara sanooyin badan, waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay in xanuunka ay kiciyaan ama uga sii dara qofka qaba cudurkaan, waxaana ka mid ah:
  • Stress-ka: Dadka aad u welwela / diiqa ama qaba xanuunka niyadjabka "Depression" ayaa aad loogu arkaa xanuunkaan.
  • Cunnooyinka: waxaa ka mid ah sukulaatada, basbaaska, dufanka, qudaarta qaar, digirta, liinta, kabajka, caanaha iyo waxii laga sameeyay, kaffeyga iyo cabitaananda aashitada leh "Soda".
  • Hormoonada: isbadallada ku dhaca hormoonka khaasatan xilliga caadada waa waqtiga ugu badan ee xanuunkaan ku kaco dumarka,
    sidaa darteed ayaana loola xiriiriyay.

Yuu ku badan yahay xanuunkaan?
  • Da'da ka yar 45 sano
  • Haweenka
  • Haddii uu jiro qof qoyska ah oo qaba cudurkaan, adigane halis ayaa ugu jirtaa.
  • Hadduu qofka qabo xanuun nafsi ah sida diiqada, welwelka, haweenta gurigeeda dhib ka haysto, caruur iyagoo yar la faraxumeeyay iyo wixii kaloo saamayn karo shakhsiyadda qofka waa lagu arkaa cudurkaan.

Calaamadaha Mindhicirrada kacsan:
  • Xanuun casiraad leh
  • Hawo caloosha dhex meeraysato
  • Dibbiro
  • Calool istaag
  • Shuban
  • Dareen in saxaro ku hayso adigoo musqusha ka soo baxay
  • Casiraadda oo kaa joogsato markaad saxarooto (Waa astaanta kaliya oo la dhihi karo xanuunkaan ayuu khaas u yahay)!
  • Malax soo raacda saxarada ama axalo sidii candhuufta u eg.
  • Dhiig-yari
  • Kaadi badan khaasatan habeenkii la dareemo
  • Murqo xanuun iyo daal aad u badan


Xanuunada lagu qaldo cudurka mindhicirrada kacsan:
Maadaama cudurkaan uusan lahayn baaritaan u gooni ah oo lagu ogaan karo, astaamihiisuna ay aad u fara badan yihiin una ekaan karo xanuuno kale oo bulshada ku badan, waxaa muhiim ah in qofku aqoon u yeesho xanuunadaas kale iyo farqiga u dhaxeeyo, sidaa darteed akhriso warbixinta cudurradaan hoose:

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Maadaama garashada xanuunkaan uu dhib badan yahay waa in dhakhtarku kula yeeshaa waraysi aad u dheer iyadoo lagu waydiinayo astaamo badan oo u baahan in waraysiga lagu kala sooco kuwaasoo adiga ama qoyskaaga la xiriira, kadibne wiisito in lagaaga sameeyo caloosha si looga shakki baxo xanuunada qaar, kadib waraysigaas iyo baaritaankaas ka dib waxaa laguu diri karaa baaritaano kooban oo lagu xaqiijinayo ama lagu beeninayo xanuunada uu dhakhtarka kaaga shakkisan yahay, baaritaanadaas waxay isugu jiri karaan, dhiig, saxaro, kumbuyuutarro kala duwan.
Ogow xanuunkaan ma lahan baaritaan u gooni ah, waana sababta aan badanaa si dhakhso ah loo garan, looguna qaldo cudurro kale.

Sidee loo daaweeyaa mindhicirrada kacsan?
Waxaa laga yaabaa iney qaadato daaweyntu waqti dheer, laakiin waad ogaan doontaa siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu xakameyn karo xanuunkaaga. Waxaa laga yaabaa:
  • Inaad ka fogaatid daawooyinka aan laguu qorin, cuntooyinka qaar, iyo walwalka calaamadaha uga sii daraya.
  • Inaad cuntid cunno faybarku (buunshuhu) ku badan yahay. Cuntooyinkaasi waxaa ka mid ah qamadiga buunshaha leh, rootiga miraha aan buunshaha laga saarin laga sameeyey iyo siiriyaalka, digirta cagaaran, miraha iyo khudradda fresh-ka ah.
  • Inaad qaadatid daawooyin hoos loogu dhigayo astaamaha cudurkaan, kuwaasoo dhowr nuuc ah waxayna ku xiran tahay qaabka xanuunka kuu hayo, waxaa laga yaabaa daawada adiga wax kuu tari waysay in qof kale wax u tarto, sidaa darteed baaritaanka iyo daaweynta cudurkaan waa laguu salaynayaa qaabka laguu hayo iyo warbixinta lagaa qaadan "Tailoring"

Haddii aad iskaga shakkisan tahay xanuunkaan ama u baahan tahay in talo dheeraad ah lagu siiyo, fadlan toos ii gala soo xiriir qeybta farriimaha "messages" ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Abualisom

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)
« Reply #1 on: February 02, 2023, 11:27:16 AM »
Asalamu Aleykum warahmatu Laah,

Waxaan fahmi waayey jumladan (Casiraadda oo kaa joogsato markaad saxarooto) faah-faahin ma iga siin kartaa?


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46431
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28886
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18407
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95923
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27053
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc