Author Topic: SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?  (Read 39297 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
 ASC WR WB  DHAMMAAN TAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED ,  IYO HOWL WADEENADA WEBKAAN QIIMAHA  IYO FAA IIDADA LEH .
WAXAAN RABAA IN WAX LA IIGA IFTIIMIYO FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU LEEYAHAY SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA , IYADOO AAN MAQALNO IN QOFKII XOOG LEH AMA AAN DHAXANTA KARIN AMA AAN DAALIN LA YIRAAHDO WAA QUBA CUN AMA QUBUU KUSOO KORAY , AMA WAXAAN MAQALNAA IN SUBAGGA QUBADA UU WAXTAR WEYN UU U LEEYAHAY XAGGA GALMADA, MUXUU KAGA DUWAN YAHAY SUBAGGA XAYAWAANADA KALE ?
WAADMAHADSAN TIHIIN .




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Qubadu waa xayawaan diin-ka u eg oo ku nool badda, wuxuu ka mid yahay xayawaanada ka sii dabar go'ayo dunida.

Caafimaad ahaan lama xaqiijin lamana garanayo faaido gooni ah ay leedahay cunidda hilibka ama cabidda subaga qubada.
Fikradda ah in ukunta qubada ama hilibkeeda lagu daaweeyo kacsi darrada waa arrin aan la hubin waana wax ay aaminsanyihiin qowmiyaat badan oo soomaalidu ka mid tahay waxayna fikraddaan ka soo jeeddaa shiineeskii hore oo sida la sheego hammi yarida ku daaweyn jiray cunista qubada.

Xitaa soomaalidu way ku kala duwanyihiin meesha faaidada ku jirto qubada qaar waxay leeyihiin, subagga, qaar hilibka, qaar ukunta, qaar xubnaha taranka IWM.

Waxyaabaha kale ee la aamisanyahay ayaa waxay ka mid ah in dhiigga qubada lagu daaweeyo cudurrada maqaarka sida baraska iyo cudurka sonkorowga .

Qowmiyaatka ku nool xeebaha oo soomaalidu ka mid tahay waxay ku tiirsanyihiin qubo cunidda taasoo leh borotiin badan, inkastoo qubada lagu tiriyo xayawaannada ka sii dabargo'ayo dunida sidaa darteedne aanan laga ogoleyn wadamo badan in la ugaarsado.

Akhriso qoraal ku saabsan Hammi yarida ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan Hammi yarida dumarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
ASC WR WB .
SUBAGGA QUBADA KOLOSTOROOL MALEEYAHAY ?  IN LACABBO AMA CUNTADA LAGU DARSADO KEEFAA IIDO BADAN ?
WAAD MAHADSAN TIHIIN

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kolostaroolka wuu ku badanyahay ukunta iyo subagga quabada labadaba.
In la cuno iyo in la cabo wax farqi ah uma dhaxeeyaan.!!!
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10265
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6514
Last post March 02, 2016, 01:48:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunidda Hilibka Sagaarada Ma U Fiican Yahay Caafimaadka?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 17194
Last post November 22, 2011, 04:35:50 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keena hilibka ka sareeya cidiyaha oo dildilaaca?

Started by BoqorkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5739
Last post April 04, 2016, 01:23:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Subaga iyo hilibka libaax badeedka (indho buur)

Started by AbucabdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5086
Last post April 24, 2016, 02:51:59 PM
by SomaliDoc