Author Topic: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?  (Read 27237 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bardacad33

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« on: May 10, 2011, 04:42:02 PM »
waad salaaman tihiin dhamaan dhaqatiir ta hadaan u gudbo su.aashayda waa walaa labada garab salko dan ayaa layga ga dhagan ya
hay ilaa iyo labada naasod hostooda marka mar mar ayey igu ka caan marka qabawga saa idka ayaa dareema oo xataa waxaa ka loo
ila xanuuna qadaadka ama jeegada ilaa iyo indha ha hoostooda iyo gacmaha marka walaal iga jahil bixiya

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« Reply #1 on: May 11, 2011, 02:22:02 PM »

Xanuun labada garab salkooda ah ama inta u dhaxaysa waxaa keeni kara jug ama murqo xanuun.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro meel kale ku dhaca sida: wadna qabad soo socda, xanuun xamiito, kaankaro beer iyo gastrikada.

Xanuunka hadduu la socdo daqnasho markii la taabto ama la riixo meelaha aad ka cabanayso, haddii jimicsi samaysid ama iskala jiidid kaa tagayo waxay u badantahay in ay tahay mruqo xanuun.
Hadii xanuunku la socdo lafaha oo jucjucsama ama dhawaaq sameeya ama markaa dhaqdhaqaaq sameyso kaaga dara waxay u badantahay lafo xanuun.
Haddii xanuunka markaa neefsato, hamaansato ama halaaqyooto ku xanuuno feeraha ama salka garabkisa waxaad ka cabanaysaa cudur ku dhaca dahaarka sanbabada oo loo yaqaanno "Pleurisy" ama waxa soomalida u taqaanno koolbo aaryo.
Haddii xanuunku uu siyaado markaa wax liqaysid ama cunno cuntid, laabjeexne aad qabtid waxay u badantahay xanuunka inuu ka dhashay gaastriko dhaawac gaarsiisay jidiinka.
Haddii xanuunku la socdo markaa oroddo ama hawl culus qabato waxaa laga yaabaa in wadnaha uu la xiriiro.

Fadlan la xiriir dhakhtar kaa hubin karo xanuunkaaga, haddii aad welwesan tahay.

Halkaan ka akhriso qoraallo la xiriira su'aashaada:
1- Murqo-Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html
2- Koolba-aaryo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1970.0.html
3- Dhabar-Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html
4- Wadna-Xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,668.0.html
5- Wadne-Qabad: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html
6- Gaastiriko: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
7- Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html

Haddii aad su'aal qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline Bardacad33

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« Reply #2 on: May 11, 2011, 05:29:16 PM »
walaal hada ka hor dhawr jeer ayaan utagay dhaqatir kala duwan oo uu ku jiro mid neerfaha qabisan
marka waa layso qoray irbado iyo kiniyo nerfa ha ah marka walaa markaan isticmaalo dawada markii way
iga jabaysaa marka  waxaa kalo l iiqabana yaa dhan ka margiya ha iyo neer faha marka walaal mar kaan jimicsado
waa nafisayaa markii la ii riixriixo na sidookale waan nafisaa

Offline Bardacad33

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« Reply #3 on: May 12, 2011, 04:21:40 PM »
walaa marka aan qabow dareemo waxaa  isku kay dhagaya garabka salkii iyo naaska bidix  labada garab waa is ku mid
markaan qabowga dareemo ayuu igu kacayaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« Reply #4 on: May 14, 2011, 10:31:15 PM »
Maxaad nooga sheegi kartaa baaritaannada lagugu sameeyay waxay ahaayeen iyo jawaabahaba?
Daawooyinka laguu soo qoray iyo kuwa aad ku fiicnaatayba noo sheeg iyadane?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline Bardacad33

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« Reply #5 on: May 15, 2011, 10:00:55 AM »
walaal wa irbad  digloofen iyo nerabiyoon  iyo waaxaan ka loo utagay fisatarabiyo oo way itoobeen labada garab dhexdooda
waxaa ka lo layga qabtaa habeen kii ga canta midig waxaad moo daa in  idaalay so oo ilaa iyo garab ka walaa ii dulqaata fadlan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Labada garab salkooda ayaa laygaga dhaganyahay?
« Reply #6 on: May 19, 2011, 07:49:53 PM »
Maxaad nooga sheegi kartaa baaritaannada lagugu sameeyay waxay ahaayeen iyo jawaabahaba?

Baaritaannada waxaa lagu fahmi karaa waxa aad ka cabanaysid in ay yihiin cudur lafo, muruq, ama labadaba.

Tusaale baaritaannada muhiimka u ah xaaladaada ayaa ka mid ah: baaritaanno dhiig sida ESR, Rh Factor iyo Raajo.

Haddii ay jiraan baaritaanno sheybaareed oo lagugu sameeyay iyo jawaabahooda noo sheeg.

Midda kale oo muhiimka ah waxay tahay, takhtarka aad u tagtay waa noociis?