Author Topic: Asc  (Read 21622 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdinasir Abdulahi Hashi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Asc
« on: May 12, 2011, 12:21:28 AM »
Dhamaan Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha websideka iyo memberska webka waxaan dhaamntiin idinku salaamay 114 Quranka kariimka ah  :)
waxaan marka hore idiinka mahad celinayaa sida qadarinta iyo cilmiga ku dhisan ee aad u garab taagantihiin walaalihiina soomaaliyeed ee aan wax saa u sii waynayn ka fahamsanayn cudurada ku dhaca aadmiga nooc kastaba ha ahaadaane Ilaahayna abaal marin badan ayaan idiinka baryayaa dhamaantiin.

Isbarasho
Magacaygu waa Abdinasir Abdullahi Hashi , da daydu waa 22 ama 23 , waxaan ku noolahay wadanka Sweden . waxaan ka mid ahay dadka la nool cudurada maskaxda. hadana waxaa ii socda daawooyinkii ku haboonaa cuduradayda :)

waxaa ka mid ah cudurada aan qabo
1- Social phabia
2- Depration

waxaan la soo noolaa mudo aad iyo aad u badan oo aan hada halkaan ku soo koobi karin siday noloshaasi u ekayd iyo sida aan hada dareemayo :)

hadaan wax yar ka hadlo cudurada ku dhaca maskaxda waxaan dhihi karaa waa Imtixaanka ugu xun ama xanuunada ugu dhibka badan ee qofka bini aadmiga ah ku dhaca waxaa hubaal ah oo aan inaga wada qarsoonayn inay Maskaxda bini aadmigu tahay meesha ugu muhiimsan ee qofku  ka dhaqdhaqaaqayo. dareen kasta oo jirka qofka bini aadmiga ah ku jiraa wuxuu ku xiran yahay ama uu ka soo baxaa maskaxda.
waxaana aad iyo aad u adag sida ay ku fahmaan dadka aan qabin dhibkaan......  :'(  inkastoo aysan dadka bini aadmiga ah aysan isku si wax u wada fahmin oo ay jiraan dad badan oo fami kara inay dhici karaan in cudura maskaxda ku dhacaa yihiin wax jira walow aysan wax kale ka sii fami karin.

cudurada aan qabo xiligay iigu dhibka badnayd waxay ahyd markaan ku noolaa wadankaygii hooyo. sababtoo ah dadkaygu cilmi iyo garasho uma ay laha xaaladaha ku saabsan caafimaadka bini aadmiga mana aha wax aan ku eedaynayo dadkayga.
waxaa wadankayga somalia ka jira dhibaatooyin aad iyo aad u badan oo ay ugu horayso dhibaatooyin ka dhex dhasha bulshada iyo habdhaqankeeda iyo sida ay maskaxda qofka u korinayaan  :'(  tusaale ahaan maskaxdu waa sida matoorka baabuurka saaran oo kale hadii baabuurka la wado mudo dhaafsiisan xadkii loogu tala galay khasab matoorku wuu kululaanayaa ka dibna waxaa dhacaysa in gaarigaas u ka gaabiyo shaqadii uu horay u qaban jiray. sababtoo ah hadii gaarigaas aan la dayac tirin oo aan saliida iyo kululaysada aan laga badalin ama aan la qaboojin wuxuu halis ugu jiraa in uu fariisto oo uusan shaqo wanaagsan qaban...waxaynu ka hadlaynay waa baabuur wuxuuna ka samaysan yahay bir... maxaad u malaysaa inay ka samaysantahay qofka bini aadmiga ah maskaxdiisu waan wada garankarnaa uma baahna inaan ka hadalno waxa ay ka samaysantahay qiimaha ay leedahayna waan wada ognahay inay baabuur iyo wax la mid ah aysan u dhigmin.

Hadaba su aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaa kulu layn kara maskaxda bini aadmiga oo sabab u noqon kara inay ka gaabiso shaqadii ku haboonayd ?
jawaab...... waxa ugu wayn ee maskaxda cadaadin kara oo ku khasbi kara inaysan qaban shaqadii ku haboonayd waa sida ay ula dhaqmayaan dadkiisa ugu sokeeya ee uu waalidkiis ugu horeeyo iyo qaraabadiisa. dhaqanka kaliya maahan waxa saamaynaya waxaa dhaqanka ka wayn oo maskaxda kululayn kara kuna sii hogaamin kara cuduro kale waa SIDA AY ULA HADLAYAAN BULSHADA UU LA NOOLYAHAY. ma jirto maskax qof bini aadmi ah oo ogolaanaysa in loola dhaqmo si aysan raali ka ahayn........ bini aadmiga oo dhana isku si ayay u samaysan tahay maskaxdoodu kaliya waxaan ku kala duwanahay sida loo soo korayay iyo sida looga ilaaliyay hadalo dhaawici kara.

fadlan walaalayaal adinkoo iga raali ah markaan qodobkan hoose akhrinaysaan waxaan idinka codsanayaa inaan ka saarno diinta waayo diin kama hadlayno.

maskaxda bini aadmigu siday wax ku fahantaa waa si aad iyo aad ufudud oo basiid ah waa hadii loola hadlo si dagan oo naxariis leh oo qadarin ku jirto hadii kale waligaaba hadal waxba kama daadagayaan.
farqiga u dhexeeya maskaxda lagu soo koriyay dhib iyo qaxar iyo qaylo iyo dil garaac iyo cay ...... iyo maskaxda lagu soo koriyay hadal dagan jawi dagan naxariis waalidnimo iyo qadarin.... waxaad ogaan kartaa markaad u soo baxdo wadamadan qurbaha iyo sida ay wadamadoodu u eg yihiin iyo dooga ka baxayaa sida uu u cagaaran yahay guryaha ay ku jiraan siday u qurux badan yihiin . walow aysan diin meesha oolin hadana waxay aaminsan yihiin ayaga iyo alle subxaanahu watacaalaa ayay ka dhexaysaa maahan shaqo inoo taala.

dadka ku nool yurub maahan in ilaahay siiyay maskax teena ka duwan oo wax lala yaabo ah  maskaxda qofka yurubianka ah ku jirtaa waa mid kugu jirta lakiin maskaxdeena way wayday sidii loo kobcin lahaa ul iyo qaylana maskax kuma toosto.
iga raali ahaada !!!!!!!!!!!

Mahadsanidin
Abdinasir Abdullahi
Sweden








Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Asc
« Reply #1 on: May 26, 2011, 07:27:32 PM »
Walaal Abdinasir waad ku mahadsantahay fikradda aad ka dhiibatay sida soomalaida ula dhaqamaan dadka maskaxda ka xanuunsan, waana wax laga dhaxo waxa ka taagan dalkeenna.

Usbuucii hore ayay aheyd markii soomaliya ay noqotay wadanka ugu xun oo ay dad xanuunnada maskaxda qabo ku noolyihiin, taasoo laga eegay dhowr dhinac:
1- Xanuunnada maskaxda oo aad u soo badanaya, si xawli ahne ku socoda kana badna wadamada kale
2- Daryeel ku habboon dadkaan iyagoo aysan haysan.
3- Bulshadii oo aan caawineyn qofka xanuunsan ama qaab aan sax ahayn ula dhaqmayo.

warbixinta oo halkan aad ka akhrisan kartaan, ayaa waxaa ka muuqda dad maskaxda ka xanuunsan oo lagu xiray silsilado weyn oo dhagax weyn lagu sii xiray sidii dad dambi galay oo maxaabiis oo kale ah.
waxaa intaa ka sii daran meesha ay ku xiranyihiin maahan guryahooda ee waa meel lagu magacaabay in ay daryeesho dadka xanuunnada maskxada qabo.

bukaannadaan silsiladaha lugaha looga xiray oo qaabka sawirada ka muuqdo loola dhaqmay in ay caafimaadaan iskaba daayee way ka sii darayaan maxaayeelay dadkaas malahan isku xanuun, dadka yaqaanno cilmiga caafimaadka maskaxda way ka fahmi karaan sawirka kaliya dadka cudurrada ay qabaan.
In si isku mid ah loola dhaqmo ama loo daaweeyo maahan dadka qaba cudurrada maskaxda.

Soomaalida waxay taqaannaa kaliya "WAALLI" ee mataqaanno cudurrada maskaxda iyo qeybihiisa kala duwan, cudurrada maskaxda waxay la mid yihiin cudurrada kale oo jirka ku dhaca waana cudurro la daweyn karo oo magacyo leh laakiin haddii qof waliba oo maskaxda ka jiran la yiraahdo jinni ayuu qabaa ama waa la sixray, goormaa hormar gaareynaa, caruurteenna maskaxda ka xanuunsanaysa iyo kuwa xanuunsan doonaba u daryeeli doonnaa!!

Waa su'aal aan jawaab loo heyn....

Allaa mahad leh.
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!