Author Topic: Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?  (Read 7308 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shuuriye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
A S C WALAAL WAXAA  MUDDO BADAN IGUSOONOQNOQDO  CABEEB  MARBA MEELGOONI AH AYUU IIGASOOBAXAA OO AFKA GUDIHIISA AH. HADA  LABADDII BILOODBA MAR AYUU CARABKA IIGASOOBAXAA KASOO XANUUNBADAN IGUHAYO. DHAQTARKA IN BADAN AYAAN USHEEGTAY HALMAR AYEEY BOOMAATO LOOYAQAAN BANGELA AYEEY IIQOREEN WAX AYTAREEYSAANA MAJIRTO.            
MUDO LABAATANSANO KABADANA WUU IHAYAA XANUUNKAN. EE BALTALO WALAALNIMO KEENA WASALAAMA CALEEYKUM.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?
« Reply #1 on: May 19, 2011, 08:43:10 PM »
Cudurka cabeebka waxaa keeno fangas, waana cudur fudud oo la daaweyn karo laakiin haddii uu soo laalaabto sida aad ka cabanayso waxay calaamad u noqon kartaa in difaaca jirkaaga uu hooseeyo sidaa darteed waa in aad takhtar u tagtaa si laguu baaro, loona ogaado waxa difaaca jirkaaga hoos u dhigay.

Midda kale bamaato la yiraahdo "Bangela" horay u ma maqal ee noo soo sheega mgaceeda saxda ah oo aan magac ganacsi ahayn.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15140
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18562
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa wajiga iiga soo baxay baro yaryar oo badan?

Started by ZazkyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8939
Last post April 23, 2013, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa Killida bidix iiga yaallo labo fiixood?

Started by AaminoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6020
Last post December 22, 2014, 09:08:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xameetida ayaa dhagax la iiga sheegay qaliinkna waa ka baqay?

Started by IimaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7366
Last post June 05, 2015, 07:12:44 PM
by SomaliDoc