Author Topic: Su'aal: Waa maxay premonopouse calaamadahee lagu gartaa?  (Read 7533 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Fawziya

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Waa maxay premonopouse calaamadahee lagu gartaa?
« on: May 31, 2011, 09:08:54 PM »
waa maxay premonopouse calaamadahee lagu gartaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay premonopouse calaamadahee lagu gartaa?
« Reply #1 on: June 05, 2011, 08:53:56 PM »
Dhalmo-daysku waa marxalad ka mid ah nolosha haweenka. Waxay bilaabantaa marka ay haweenayda ka joogsado imaanshaha dhiiga caadada ee bisha 12 bilood oo isku xiga.
Estrogen waa dheecaan (hormone) ay sameeyaan ukun-sideyaashu (ovaries). Mudo ah dhawr bilood oo ka horeeya dhalmo-dayska, waxay ukun-sideyaashu soo saaraan estrogen ka yar intii hore. Marka ay sii yaraato estrogen, waxa yimaada isbeddelo jirka ah iyo calaamadaha dhalmo-dayska.
Dhalmo-daysku waxa uu dhacaa:
• Isaga oo ka tirsan gabowga dabiiciga ah
• Marka ukun-sideyaasha la saaro
• Marka shucaac ama kiimo-ku-daweyn (chemotherapy) ay beddelaan ukun-sideyaasha
• Marka jirku soo saaro estrogen intii hore ka yar

Calaamadaha
Haween badan ayaa leh calaamado leh raaxo-daro. Badanaa kuwaa waa laga ladnaadaa mudo ka dib. Dhakhtarkaaga kala hadal isbeddelada jirkaaga sababta oo ah waxa jira ikhtiyaar ah daweyn iyo sababta oo ah iyada oo laga yaabo in ay jiri karaan calaamado dhibaatooyin caafimaad oo kale.

Calaamadaha ugu badan ee dhalmo-daysku waa:
• Isbeddelo ah caadada ama dhiigga bishii mar yimaada
• Gubasho ama dareen ah diirimaad iyo dhidid
• Dhibaatooyin ah hurdada
• Isbeddelo ah niyadda
• Madax-xanuun
• Dareen ah walwal
• Hoosta haweenayda oo qalasha
• Rabitaan la’aan xagga galmada ama galmada oo xanuun leh
• Maqaarka ama timaha oo qalala.

Calaamadaha Ay Tahay In Loo Sheego Dhakhtarkaaga
Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahan, wac xafiiska dhakhtarkaaga. Waxa laga yaabaa inaad u baahan tahay in lagu arko si aad u bilawdid daweyn ama si loo ogaado haddii dhibaatadu ka timi wax kale oo aan ahayn dhalmo-dayska.
• Caado ama dhiig aan wakhti joogto ah lahayn
• Dheecaan mudo dheer jira oo ka imanaya hoosta haweenayda
• Hoosta haweenayda oo cuncunta, gubata ama xajiimoota
• Kaadida oo badata ama leh gubasho
• Walwal ama diiqad saameysa hurdada, xiriirka dadka iyo shaqada

Siyaabaha Loo Maamulo Calaamadahaaga
Dhakhtarkaaga kala hadal siyaabaha loo maamulo calaamadahaaga dhalmo-dayska. Daweynnada qaarkood waxay leeyihiin waxyeelooyin ay tahay in laga fiirsado.
Si Aad Gargaar Ugu Heshid Maamulista Dareenka Gubasashada:
• Iska ilaali waxyaabaha kiciya dareenka gubashada ah sida:
 Shucuur xoog leh
 Dharka kugu dhagan
 Kulaylka
 Cuntada iyo cabitaanada leh kafeyin sida shukulaatada, kafeega, shaaha iyo cabitaanada fudud
 Khamri
 Cuntooyinka leh basbaas sida basbaaska dhego-yare (cayenne) ama qorfe
• Is qabooji
 Seexo qol qabow
 Isticmaal marawaxado maalinimada
 Dhar iska dul gasho. Dharka qaar saar marka ugu horeysa ee aad dareentid calaamadaha gubashada.
• U neefso si xoog leh oo tartiib ah oo aad caloosha dhaqaajinaysid si aad u nafistid. Halkii daqiiqo neefso 6 ilaa 8 jeer. Tijaabi tan mudo ah 15 daqiiqadood subixii iyo fiidkii.
• Cuntadaada ku dar cuntooyinka ah “soy” maalin kasta sida caanaha “soy” ama tofu.
• La hadal dhakhtarkaaga ama nafaqo-yaqaanka ka hor inta aadan isbeddel ku sameynin cuntadaada ama ku darin fitamiino ama geedo.
Cuntooyinka iyo geedaha qaarkood sida “yam”, xididka Ginseng, fitamiinka E, fitamiinka isku jira ee leh B iyo “C Complex” iyo macdanta ‘singi’ (zinc) waxay leeyihiin illo dabiici ah oo laga helo estrogen oo kaa caawini doona yareynta dareenka gubashada ah.
• Maalin kasta samee jimicsi mudo ah 30 daqiiqadood ama ka badan.
• Hel ama bilaw koox taageero.

Si aad hurdada caawinaad ugu heshid:
• Isku day inaad is qaboojisid habeenkii. Qolka ka dhig mid qabow oo xiro dhar khafiif ah.
• Yaree ama iska ilaali kiniinka seexashada.
• Samee jimicsi mudo ah 30 daqiiqadood maalin kasta.
• Iska ilaali kafeyin ama khamri, fiidkii.
• Qaado qubeys diiran wakhtiga hurdada ama ka dib marka aad soo toostid habeenkii.
• Qaado siriyaal iyo caano wakhtiga hurdada ama ka dib marka aad soo toostid.
• Seexo oo soo toos isku wakhti maalin kasta, xiitaa maalmaha aan la shaqeynaynin.
• Iska ilaali cuntada habeenkii goor dambe iyo cuntooyin fudud oo aad qaadatid seexashada ka hor.

Si aad gargaar ugu heshid isbeddelada niyadda ama dareenka walwalka ah:
• U neefso si xoog leh oo tartiib ah adiga oo dhaqaajinaya caloosha.
• Isticmaal sawiro jimicsi oo ku haga ama jimicsiyada isdabcinta ee ku jira cajalad, DVD ama CD.
• Baro inaad isticmaashid warcelinta bayoloojiga ah (biofeedback).
• Iska ilaali dawooyinka dejiyeyaasha ah (tranquilizers).
• Ku biir koox taageero.
• Raadso la-talin ama gargaar kale haddii loo baahdo.

Si aad gargaar ugu heshid qalalka hoosta haweenayda ama dhibaatooyinka galmada:
• Tijaabi subkiyeyaal iyo labeen wakhtiga galmada si ay kaaga caawiyaan qalalka hoosta ama galmada xanuunka leh. Subkiye ku saleysan biyo ma burburin doono maadada “latex” ee ku jirta cinjirka galmada (Kondomka).
• Wax ka baro alaabooyin ama maadooyin kale – ujeedooyinkooda, waxyeelooyinkooda iyo sida amaanka leh ee loo isticmaalo.
Dhakhtarkaaga kala hadal alaabooyinka sida:
 Kiriim ah estrogen oo yareysa danqashada
 Kiriim ah testosterone oo kordhisa rabitaanka galmada
 Alaabooyinka kaa caawinaya soo-celinta qoyanaanta hoosta haweenayda iyo raaxada
• Xidho nigis ama matante cudbi ah.
• Samee jimicsiyada Kegel maalin kasta si ay u xoogeystaan muruqyada xukuma kaadi-haysta.
• Kordhi ciyaarta ka horeysa galmada iyo dareen-kicinta si ay u korodho qoyaanka dabiiciga ah.
• Kala hadal wehelkaaga isbeddelada jirkaaga iyo dareenkaaga.

Si aad caawinaad ugu heshid maqaarka iyo timaha qalalan:
• Mari kiriim maqaarka qalalan 2 jeer maalin kasta. Ha isticmaalin kiriim leh cadar adag ama aalkolo. Waxay keeni karaan qalal dheeraad ah.
• Shanlee timahaaga marrar intii hore ka badan, si ay u kala fidaan saliidaha dabiiciga ah ee timahaaga.
• Isticmaal timo hagaajiye (conditioner) ama qalal-bii’iye (moisturizer) wakhti kasta oo aad dhaqdid timahaaga.
• Yaree wakhtiga aad joogtid qorraxda oo isticmaal gaashaan-qorrax (sunscreen) oo leh ugu yaraan 45 SPF maalin kasta. Xiro koofiyad ama masar/safaleeti.
• Yaree kiimikooyinka qalajinaya timahaaga.

Dawooyinka Dhalmo-dayska
Waxa jira dawooyin caawinaad ka geysan kara calaamadaha dhalmodayska laakiin leh waxyeelo badan. Dhakhtarkaaga kala hadal halista, faa’iidooyinka iyo ikhtiyaarka ugu fiican marka la eego baahiyahaaga gaarka ah.
• Daweynta ah Siinta Hormoon (Hormone Replacement Therapy):
 Estrogen waxay daweyn kartaa calaamadaha dhalmo-dayska, waxana ay caawinaad ka geysataa ka-hortagga cudur wadnaha ah, faaligga, kansarka malawadka, cudurka Alzheimer iyo lafokhafiifsanka (osteoporosis). Waxa kale oo ay kordhin kartaa halista cuduro kale sidaa daraadeed waxa laga yaabaa in aanay doorasho fiican u ahayn haweenka qaarkood. Estrogen waxa lagu keenaa qaab ah kiniin ama dhejis aad ku dhejinaysid maqaarkaaga.
 Progestin waxay daweyn kartaa calaamadaha dhalmo-dayska waxana ay gargaar ka geysan kartaa ka-hortagga lumista lafta, ee loo yaqaano lafo-khafiifsanka iyo kansarka ilmo-galeenka. Marka aad qaadanaysid progestin waxa caadi ah inay kuu sii socoto ama kuu bilaabanto helista caadada. Progestin waxa ku timaadaa qaab ah kiniin ama mudis. Haddii lagaa saaray ilmo-galeenka, uma baahnid inaad qaadatid progestin.
 Estrogen iyo Progestin wada-jir ayaa loo qaadan karaa.
• Clonidine waa dawo loo isticmaalo in lagu daweeyo cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig-karka laakiin waxa kale oo ay haweenka qaarkood ka caawin kartaa dareenka gubashada oo ay ka nafisaan. Waxay ku timaadaa qaab ah kiniin ama iyada oo ah dhejis lagu dhejinayo maqaarkaaga.
• Bellergal waxay keentaa in laga nafiso dareenka gubashada ah laakiin waxay sababi kartaa waxyeelooyin kale oo aan raaxo lahayn sida af qalalan, arag isku darsan iyo hurdo.
• Selective Serotonin Reuptake Inhibitors (SSRI) waa koox dawooyin oo lagu daweeyo diiqada ama walwalka. Marka qadarkoodu yar yahay, qaar ka mid ah dawooyinka kooxdan ayaa la arkay in ay caawinaad ka geystaan yareynta dareenka gubashada ah.

Dawooyin Kale
Waxa laga yaabaa inaad ka faa’iidaysatid daweyn kale oo lagu maamulayo dhibka dhalmo-dayska. Haween badan ayaa tijaabiya geedo, fitamiino ama noocyo cunto. La hadal dhakhtarkaaga ama farmasiilaha ka hor inta aadan qaadan qaar kuwaa ka mid ah sababta oo ah waxa dhici karta in aanay ammaan kuu ahayn. Baro halista ama faa’iidooyinka ay u yeelan karaan caafimaadkaaga. Waxa laga yaabaa inay jiraan saameynno ama falgallo imanaya marka aad kuwaa la isticmaashid dawooyinkaaga ama daweynnadaada kale.
Haweenka qaarkood waxay nafisaad ka helaan cibaadeysiga, duugduuga/ riix-riixida, irbadaha shiinaha, jimicsiga iyo daweynno kale. Waxa laga yaabaa in kuwaasi caawiyaan caafimaadka guud iyo wacnaanta.
Inta ay ku jiraan dhalmo-dayska iyo ka dib, waxay haweenku halis dheeraad ah u yihiin cudurka wadnaha iyo lafo-khafiifsan. Waxay tani la xiriirtaa isbeddelada xagga dheecaanada ama hormoonada. Waxa aad qaadi kartaa talaabooyin aad ku yareynaysid halistaada iyo kuwo aad caafimaad ku helaysid.

Caafimaadkaaga
Si aad u yareysid halistaada cudur wadnaha ah iyo lafo-khafiifsanka oo aad u hagaajisid caafimaadkaaga guud:
• Ha cabin sigaar ama ha isticmaalin waxyaabaha ka sameyn tubaakada.
• Khamriga ha cabin.
• Cun noocyo kala duwan oo ah cagaar, khudaar iyo xabuublay aan qolofta laga saarin.
• Cun cuntooyin uu ku badan yahay kaalsiyam, fitamiin D ama qaado iyaga oo gooni ah.
• Yaree milixda/cusbada, kolesteroolka iyo dufanka ku jira cuntadaada.
• Yaree kafeyinta.
• Miisaankaagu ha ahaado mid caafimaad leh.
• Maalin kasta samee jimicsi ah 30 daqiiqadood. Socodka iyo dhisidda muruqyada ayaa ah doorasho fician.

Na weydii haddii aad qabtid su’aalo ama walaac ku saabsan dhalmo-dayska ama daweynta calaamadahaaga.
http://www.somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 72729
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 75679
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 69384
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 53445
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51436
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc