Author Topic: DIGNIIN: JOOJI ISTICMAALKA FASCO CREAM!  (Read 13239 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
DIGNIIN: JOOJI ISTICMAALKA FASCO CREAM!
« on: May 26, 2011, 07:12:02 PM »

KAREEMKAAN OO LOO ISTICMAALO IN KORKA LAGU IFIYO AMA LAGU CADEEYO WAXAA LAGU SAMEEYAY WADAMA EESHIYA, WAXAA KU QORAN KAREEMKAAN IN LAGA SUUBIYAY WALXO DABIICI AH OO JIRKA FAAIDO UGU JIRA.

KAREEMKAAN OO BAARITAAN LAGU SAMEEYAY LAGU OGAADAY IN AY KU JIRTO MAADADA MEERKURIGA "MERCURY" OO AH MAADDO SUN HALIS AH OO QOFKU U DHIMAN KARO HADDUU KU SUMOOBO, WAXAA LA ARKAY HEERKA MEERKURIGA KU JIRA KAREEMKAAN INUU GAARSIISANYAHAY 4600 MALYANKIIBA.

KAREEMKAAN WAXAA AAD U ISTICMAALO DUMARKA SOOMAALIYEED KUWA WADANKA JOOGA IYO KUWA DIBADAHA KU NOOL LABADABA, BAARITAANKAAN WARBIXINTIISA OO SHALAY AY SOO SAARTAY QAYBTA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTTA AYAA WAXAY BOOQATAY DUKAAMO KU YAALLA XAAFADDA SOOMAALIDA U BADANTAHAY "CEDAR-RIVERSIDE - MINNEAPOLIS", WARAYSI LALA YEESHAY MILKIILAYAASHA DUKAAMADAAS AYAA SHEEGAY IN AYSAN WAX DHIB AH KU OGEYN KAREEMKAAN, SOOMALIDANE AY AAD U ISTICMAASHO.

MAADADA MEERKURIGA WAXAA SI SAHLAN LOOGA NUUGAA OOGADA KORE EE JIRKA.

SABABTA KEENTAY IN SOOMAALIDA AAD AY U ISTICMAALAN KAREEMKAAN AYAA AH BEENTA KU QORAN BAAKADKA KAREEMKA OO SHEEGEYSO IN AY TAHAY DABIICI 100% LAGANA SAMEEYAY FITAMIINNO IYO GEEDO NAFAQO LEH.

KAREEMKAAN WUXUU WATAA MAGACYO KALA AH: FASCO HERBAL CREAM AMA FC LEMON HERBAL WHITENING CREAM.

FADLAN GAARSII FARRIINTAAN EHELKAAGA IYO ASXAABTAADA.


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


 

Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 18655
Last post December 10, 2013, 07:14:30 PM
by CMD
Su'aal: Isticmaalka kareemKa fisiliinka xiliga galmada?

Started by PrincejeyteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10189
Last post April 08, 2017, 05:33:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaiidada ay leedahay isticmaalka barida?

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 7645
Last post February 14, 2017, 09:55:07 PM
by Jamaaluddiin
5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada

Started by PharmacistBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13183
Last post December 22, 2007, 02:59:14 AM
by Pharmacist
Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 4
Views: 44274
Last post January 19, 2008, 02:55:05 PM
by Diagnostic