Author Topic: Xubno Ku Beerid Jir Kale  (Read 9380 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline MuslimDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 103
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Muslim then Doctor
Xubno Ku Beerid Jir Kale
« on: October 19, 2007, 08:27:46 AM »
Su'aashu waxa ay aheed: " Diintu maxey ka qabtaa in lagugu beero xubno qof kale laga soo saaray?"

Bismilahi Al-rahman Al-rahim
Islaamku wuu karaameeyay biniaadanka isagoo nool iyo isagoo dhinsanba, isagoo dhinsan waxa uu karaamad u yeelay qabrigiisa, iyo jirkiisaba, rasuulka (صلي الله عليه وسلم) waxa uu yiri: "Qof dhintay laftiisa oo la jabiyo waxa ay la mid tahay iyadoo la jabiyay isagoo nool" waxaa wariyey axmed, abu-daud iyo ibnu-majah.
Laakiin islaamka waxa uu wax walba u yeelay xal waxa uuna ka mid dhigay ilaha laga qaato shareecada waxa loo yaqaano "Al-Qiyaas".
Qiyaaskan oo ah macnihiisa in wax dhacay oo aysan daliil uga soo aroorin kitaabka quraanka iyo xadiithka nabiga lagu fiiriyo wax iyadoo kale ah oo ay sameeyeen nabiga iyo saxaabadiisa lagana qiyaas qaato, taasi oo macnaheeda ah in diinteena aysan caqliga hawl gab ka dhigin.
Wax yaabaha ilaahay xarimay waxaa ka mid ah meytka, dhiiga iyo in la cuno hilibka doofaarka (إنما حرم عليكم الميتة والدم ولحم الخنزير وما أهل به لغير الله) lakiin ilaahey wuu noo xalaaleeyay marki ay timaado baahi, lagana maarmi waayo (فمن إضطر غير باق ولا عاد فلا إثم عليه).
Marka anagoo ka qiyaas qaadaneyno aayadii hore waxa noo soo baxaya arimahaan soo socdo:
1- Waxa yaabahaas loo baneeyay baahi darteed waa inuu ka faaideystaa qof nool.
2- Insaankii nool oo waayo xibin jirkiisa ka mid ah sida, indhihiisa, kilyihiisa, beerkiisa ama xubin kalaba waxa uu soo galay "حكم المضطر" taasi oo ugu jirta isaga maslaxad.
3- Qof dhintay xubintiisa oo lagu beero qof nool shurudo ayey leedahay:
  • In qofkaasi dhintay xubitiisa oo ka dardaarmay, haduusan dardaarmine laga idin qaato ahalkiisa
.
  • In ay xaaran tahay hadii qof xoog ama idin la'aan loogala baxo xubin jirkiisa
.
  • In xubintaas lala baxay waa inay noqotaa mid la isticmaali karo oo uu dhaqtar ansixiyaa
.

MuslimDoc



The Muslim doctor shares with the Muslim patient the two main characteristics:
the faith in God and destiny, and the conviction that there is a cure for every disease.


 

Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?

Started by CabdallahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5849
Last post December 15, 2016, 11:42:14 AM
by SomaliDoc
BARNAAMIJKA KA HORTAGGA SOA/AIDS – EE DADKA QAXOOTIGA AHI QAXOOTIGA KALE U SAME

Started by dr-awaleBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13579
Last post December 16, 2008, 07:11:42 PM
by dr-awale
Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase cal

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20786
Last post February 18, 2011, 08:44:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun baan raba inaan ogaado inuu jiro iyo in kale?

Started by Muna O.HamariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6509
Last post January 02, 2013, 09:52:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qof afar jeer la qalay ilmo kale a dhali karaa?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10221
Last post July 05, 2010, 11:00:01 PM
by SomaliDoc