Author Topic: Su'aal: Calcium problem?  (Read 4570 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Odawaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Calcium problem?
« on: May 30, 2011, 02:43:01 PM »
asc wrb ,salaan kadib waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta  somaaliyeed adeega ay bulashada u hayaan .
intaa kadib waxan doonayaa inay doctrada  ila eegaan natiijo baaritaan aan isku sameyay kadibna ay ii sharaxaan waxay ka dhigatan  waayo doctarada ajnaibiga waad fiican tahay iyo xanuunkaas ayaa ku hayo ee dawadan qaado waxan ahayn oo faahfahin ah kuma siinayan .
hadaba aan idiin sharaxo xanuunka i hayo ,waxaan ahay 24 jir mudo sanadahan dambe  ayan   dareemayay xanuun lafta dheer ee u dhaxayso jilibaha ilaa anqowga  siiba markan ku bada cayaaro  markay jug i gaartana aysan dhaqso soo kabanin  tim ama xaad badan oo an lugaha kulahaana ay meelaha qaar ka gurmaan waxaan u tagay doctor waxuu ii sheegay in calmium problem i haysto oo u in la saxo u bahan yahay waxuu ii qoray Calcimagon-D3 , 2 comrimé par jour (maalintii laba xabo inaan calaajiyo)  laba usbuuc markaan qaatay ayuu baaritaan kale ii diray waad  soo kabatay ayuu dhahay natiijadaas hada ma hayo lkn kaniinkii waan sii waday bil kadib ayuu baaritaan kale i diray waxaa soo baxday natiijadan :

ANALYSE                                                                    Ofas(result)

Calcium                                                                      1223.00

Albumine                                                                    1021.00

Phosphatase alcaline                                                     1027.00

PTH(molècule in tacte)                                                  1595.00

1-25-Dihydroxyvit.D                                                      1000.00

prise de sang                                                               4701.00

NB natiijadan doctorka kalama tashan balanta lama gaarin lkn laboratoire ayaa toos iigu soo diray waana baaritaankii sadexaad markaan bil cunay daawada ilaa hadana waan wadaa bil iyo wax la jiro ayaan wadaa wax is badal wayna ma dareemaayo hadan ku bad cayaaro xanuunkii wan dareemaa mida kale x-ray la isaray waxay soo dhaheen lafahaaga waxay u baahan yihiin (amèlioration)=" improvement`" taasi  maxay la micno tahay ?waxii su aal ah oo inaan idiin faahfahiyo aad rabtaan isoo weydiiya .
waad mahadsan tihiin.





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Calcium problem?
« Reply #1 on: June 09, 2011, 10:19:13 PM »
Jawaabta sheybaarka kor ku qoran waxay u baahantahay faahfaahin ama sixid, maxaa yeelay heerka dabiiciga ee kaalshiyamka jirka waxaa lagu cabbiraa laba cabbir: cabbirka kowaad waa mmol/l cabbirka labaadne waa mg/dl cabirka aad soo qortay ee 1223 ma ahan mid sax ah waxaa cabbirka heerka kalshiyamka dhiigga laga rabaa inta u dhaxeysa 2.2-2.6 mmol/L  oo u dhiganta (9-10.5 mg/dL).

Marka warqaddii sheybaarka ku laabo ee cabbirka la isticmaalay soo sheeg, haddii ay jiraan dhibcooyin kala qaybinaysay tirada oo aad ka tagtayne ku dar si tirada saxda u soo baxdo.

Mahadsanid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Pope: 'Condoms increase problem of Aids'

Started by Waxbaro!Board Health News and Events

Replies: 1
Views: 5886
Last post March 18, 2009, 10:57:17 AM
by Dr.Adnan
Epilepsy 'is a global health problem'

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7870
Last post September 30, 2012, 10:34:41 AM
by Drkheyre
Discover SD Forums without problem!

Started by AdminBoard Announcements

Replies: 0
Views: 24801
Last post January 27, 2007, 07:06:02 PM
by Admin
Problem with the clinical videos?!

Started by LommmambaBoard Requests & Recommendations

Replies: 1
Views: 7634
Last post December 12, 2009, 07:27:01 PM
by AnticGod
Su'aal: Digestion problem waa maxay?

Started by CabdulahiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5868
Last post August 08, 2011, 08:49:34 PM
by SomaliDoc