Author Topic: Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah  (Read 56010 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah
« on: June 09, 2011, 10:03:48 PM »


Hordhac
Faaliggu waa natiijada ka timaada waxyeello ku dhacday maskaxda, taasoo ka timi dhiigbax dhexdeeda ka dhacay ama dhiig la'aan daran oo ku dhacday qayb ka tirsan maskaxda, halkaana waxaa si gaaban ama si jooogto ah u joogsatada shaqadii ay qaybtaasi qaban jirtay. Faaliggu waa dhacdo dhakhso u timaada oo, si muddo gaaban ah ama joogto ah, qas u galisa habka maskaxdu u shaqeyso. Faaliggu waxay ku kala duwanaan karaan darnaanta taasoo noqon karta tamar-dari muruq oo jirta muddo gaaban ilaa dhibaato sii daran oo keeni karta geeri. Faaliggu waa sababta saddexaad ee ugu tirada badan sababaha geerida keena gudaha wadamada horumaray. Waxay badanaa ku dhacaan dadka da'da weyn laakiin hal nooc (subarachnoid haemorrhage) ayaa ku dhaca dadka da'da yar.
Dhacdooyinka faaliggu waa 1 qof shantii boqol (500) ee qof. Waxaa jira laba nooc guud oo ah faalig:

A-Dhiig-bax maskaxda ah (cerebral haemorrhage): oo ah dhiig-bax ah gudaha ama agagaarka maskaxda.

B-Xinjir-sameysan maskaxda ah (cerebral thrombosis): oo ah marka ay xididada dhiigga ee maskaxdu ay gufeysmaan, taasoo badanaa ka timaada xinjir dhiig.

Dhiig-baxa maskaxda ah ayaa badanaa labada sii culus waana ka keena geeri badan oo aan la filaynin. Faaligga waxaa badanaa ogeysiis u ah nooc ah weeraro muddo gaaban oo ah dhiig-yaraan ku dhacday xubin jidh (transient ischaemic attacks) (TIAs), kuwaasoo loo yaqaano `faaligyo yaryar'. Kuwaa waa inaan marna la iska iloobin.

Calaamadaha
Calaamadda ugu horeysa ee dhiig-bax maskaxeed (cerebral haemorrhage) caadi ahaan waxaa weeye madax-xanuun degdeg ah oo daran. Waxaa kaa si dhakhso ah ugu xiga qayb jidhka ah oo hawlgab noqota sida qalal ku dhaca hal dhinac oo jidhka ah, hal il oo araggu ka lumo, indhaha oo dhinac u rogma oon la dhaqaajin karin iyo marmarka qaarkood suuxid u eeg ta qalalka. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah:

tamar-dari ku dhacda hal dhinac oo jidhka ah, dhibaatooyin hadalka ah (asphasia), faham la'aan, aragga oo muddo gaaban luma, dhaqaaqa oo waxyeeleysan (hemiplegia). dawakh (vertigo), lallabo, matag, madax-xanuun, maqalka oo luma, xusuusta oo lunta, shakhsiyadda iyo caqliga qofka oo si tartiib ah u beddelma, liqidda oo dhib ah, dawakhsanaan, miyirka oo luma, iyo suuxdin qallal.

Badanaa miyirku waxa uu lumaa goor hore marka dhiig-baxu yahay mid weyn waxaana laga yaabaa inaanu dib u soo noqon. In ka badan kala badh dadka sidaa loo qabto waxay ku dhintaan gudaha dhawr saacadood ama maalmood. Dadka uu miyirku ku soo noqdo badanaa waxay yeeshaan xoogaa ah qalal, kaasoo noqon kara mid daran. Dhiig-baxa intaa ka yar (oo caadi ahaan ah mid ka yimaada xannibanka halbowle maskaxeed (cerebral thromboses) waxa uu maskaxda u keenaa dhaawac intaa ka yar waxaana laga yaabaa inaanay dhicin miyir la'aan, ee kaliya la arko calaamadaha dhaawaca gaadhay habka dareemeyaasha sida qalal ama dhaqdhaqaaq waxyeeloobay. Kaasi waxa uu inta badan u daran yahay isla ka dib marka uu dhaco faaliggu laakiin waa laga soo ladnaa marka cadka maskaxda ee bararay ee ku yaalla agagaarka barta dhaawacu yaraado. Bararku waxa uu muddo gaaban qas galiya hawlaha dareemeyaasha, marka uu bararku sii yaraadana hawsha dareemuhu way soo noqotaa. Waxaa kale oo dhaca ka-ladnaan, ilaa xad ah, iyadoo sababtu tahay dhiigga baxsaday oo dib loo nuugay. Marka ka-ladnaantu bilaabanto, waxaa jira soo-hagaag gaabinaya laakiin badanaa ah mid roon, haddii aan dhiig-bax kale dhicinna waxaa laga yaabaa in natiijada ugu dambeysaa ay noqoto mid fiican. Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa inay jiri doonto xoogaa ah naafo joogto ah.

Sababaha
Sababta ugu weyn ee keenta faaligga waa cudurka halbowleyaasha, gaar ahaan gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis) (lakabyo dufan ah oo ku sameysma gidaarka xidid dhiig). Faaligga intiisa badan waxaa sababa halbowle soo yaraadaa, xinjir dhiig (thrombosis), ama dhaawac jidheed oo gaadha qayb maskaxda ah iyadoo sababtu tahay dhiig-bax gudaha ama dibadda ah. Dhiig-baxa ah gudaha maskaxdu waxa uu caadi ahaan ka yimaadaa dilaac ku dhaca halbowle yar kaasoo ah mid dhaawacmay oo uu dafiiciyay gufeysan (atherosclerosis), ka dibna waxa uu la dilaacaa cadaadiska dhiigga ee sareeya. Cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig-karku waxa uu keeni karaa gufeysan halbowle (atherosclerosis) waana sababta ugu weyn ee keenta faaligga. Dhiig-baxu waxa uu ka dhici karaa meel kasta oo ah maskaxda, calaamaduhunu waxay hadba ku xidhan yihiin meesha uu ka dhacay. Saameyntu ama waxyeeladu waxay aad uga muuqataa qaybaha maskaxda ee shaqo ku leh dhaqaaqa, dareenka, hadalka iyo aragga, oo ku yaalla meelo isku dhaw. Dhiig-bax ka dhaca qaybta hoose ee maskaxda (jiridda maskaxda) aad buu khatar u yahay sababta oo ah waxa uu saameeyaa hawlaha lagama-maarmaan u ah jidhka sida neefsashada iyo garaaca wadnaha. Bararo yaryar oo kuuskuus ah (aneurysms) oo ku sameysama halbowleyaasha ka hooseeya maskaxda ayaa sabab u noqda faalig ku dhaca dadka da'da yar.
Gureysan xidid maskaxeed (cerebral thrombosis), ama gufeysan yar (minor embolism) (oo ah marka qayb yar oo ah dhiig ama dufan uu gufeeyo xidid dhiig) waxa uu keeni karaa saameyn ama waxyeellooyin u eeg kuwa uu keeno dhiig-baxa maskaxdu laakiin caadi ahaan wuu ka waxyeelo yar yahay, ka-ladnaantiisu way ka suurogal fiican tahay. Faaligga ka yimaada gufeysan xidid dhiig (thrombosis) ama gufeysan yar oo soo noqnoqday ayaa ku dhici kara dad leh gufeysan (atherosclerosis) halbowle qoorta ah ama laamihiisa, ama dadka leh albaabo wadne (valves) oo cudur qaba cudur wadne kuwaasoo ay ku sameysmeen xinjiro dhiig oo yaryar, ka dibna inta ay go'aan dhiiggu uu u qaado xagga sare iyo maskaxda.

Cillad-sheegid
Cillad-sheegidda waxaa la sameeyaa iyadoo la isticmaalayo calaamadaha iyo tilmaamaha la yaqaano. Caadi ahaan meesha maskaxda dhaawac ka gaadhay waxaa lagu garan karaa saameynta jidhka soo gaadhay. Waxaa kale oo gargaar yeelan kara sawirro maskaxda ah xaaladaha qaarkood Daaweynta Ka dib faalig, waxaa xoogga la saaraa in qofka dib loogu soo celiyo nolol caadi ah intii suurogal ah (dhaqan-celin). Qofka si joogto ah iskugu daya inuu socda ka dib faalig yar ayaa u badan in dhaqdhaqaaqi u soo noqdo marka la barbardhigo qofka isagu iska jiifa sariirta. Qaybo cisbitaal oo u gaar ah faaligga (waa qaybo cisbitaal oo loogu talogalay daryeelka iyo dhaqan-celinta dadka faaliggu ku dhacay) ayaa laga arkay inay si weyn u hagaajiyaan ladnaanta, sidoo kale waxa ah gargaarka dhaqan-celinta ee laga helo beesha.

Dhib-korodh
Waxaa dhib-korodhku gaadhi kartaa tiro badan oo ah hawlaha maskaxda waxaan ka mid noqon kara:
qalal leh darnaan kala duwan, oo caadi ahaan saameeya hal dhinac oo jidhka ah, dareenka oo luma halkaana aad moodid in qaybtaasi aanay qofka ku oolin, aragga oo luma, dhibaatooyin hadal oo ah fahmidda, hadlidda ama labadaba (aphasia), xusuus lumid, tirinta oo aan la awoodin, awoodda ashyaada oo lagu garto dareen oo lunta, kaadi ama saxaro hejin la'aan, isbeddelo ku dhaca shakhsiyadda qofka, iyo, liqidda oo dhib ah.
Nasiib-darro, xaaladihii halista keenayay awgood oo wali meesha jooga ka dib faaligga ugu horeeya, waxaa marwalba suurogal ah faalig kale oo dhaca oo sii biiriya naafada. Qof kasta oo noolaaday ka dib faalig waa inuu si xoog ah u ogaado sababaha halista keena waana inuu sameeyo wax kasta oo suurogal ah si uu u yareeyo halista.

Ka-hortagga
Habka ugu fiican ee lagu yareyn karo halista faaligga waa adiga oo yeesha hab nololeed caafimaad leh, oo leh cunto fiican, miisaan xakameyn, jimicsi joogto ah, iyo cadaadiska dhiigga oo si joogta ah loo cabbiro. Waxaa muhiim ah inaadan sigaar cabbin. Sigaar-cabka waxaa ku sii badan halbowle gufeysanka (atherosclerosis) marka la barbardhigo sigaar-ma-cabbeyaasha. Waxaa taa lagu muujiyay baadhitaano geeri ka dib oo badan. Sigaar-cabbistu waxay kordhisa garaaca wadnaha waxaana ay sare u qaadaa cadaadiska dhiigga, labadaa oo ah sababo lala xidhiidhiyay halbowle gufeysanka (atherosclerosis). Cadaadiska dhiigga ee sarreeya waxa uu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn sababaha faaligga. Sigaar-cabbistu waxay kordhisaa isku-dhagdhaga qurubyada unugyada qaarkood ee ku jira dhiigga, kuwaasoo la yidhaahdo balaataletyo (platelets). Waxay kuwaasi lagama-maarmaan u yihiin xinjirowga, waxaana dhacaysa in isku-dhagdhagga kordhay uu si hubaal ah u kordhinayo halista xinjir ku-sameysanta halbowle wadne (Thrombosis). Neefta kaarboon hal oksaydh (carbon monoxide) ee aad la nuugtid qiiqa sigaarka waxay si weyn u yareysaa awoodda uu dhiiggu ku qaadi karo oksijiinta loo wado jidhka dhamaantii. Dadka halis sare u ah xinjiro dhiig oo sameysma waxaa lagula talinayaa inay qaataan daawooyinka sida asbiriin ama warfarin oo yareeya suurogalka in taasi dhacdo halkaana waxay ku yareeyaan halista faaligga.
Dadka uu u dhaco dhafoor-xanuun (migraine) waxay halis dheeraad ah u yihiin faaligga. Dhafoor-xanuunku (migraine) waxa uu badanaa ku sii daran yahay dumarka, waxaana lala xidhiidhiyay heerarka isbeddelaya ee hormoonka la yidhaahdo estaroojen (oestrogen). Haddii aad leedahay dhafoor-xanuun daran oo leh calaamado dhib maskaxeed (neurological) (dhafoor-xanuunka caanka ah), qaadasha kiniinka lidka uurka ee isku-darka ah (combined contraceptive pill) waxa uu dhafoor-xanuunka (migraine) ka dhigi karaa mid sii daran waxaana uu kordhin karaa halista faaligga. Calaamadaha dhib maskaxeed (neurological) waxaa ka mid ah dhibaatooyin ah xagga hadalka iyo aragga, iyo kabuubyo ama jidhidhico ku dhacday adin ama hal dhinac oo ah jidhka. Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahaa, waa inaad ka fiirsatid inaad u beddelatid kiniin ah kaliya `progesterone'.

Su'aalo
Faaligga: su'aalo iyo jawaabo ku saabsan cudurka faaligga haddii aad qabto waxaan diyaar u ahay in aan kaa haqab tirno baahida aqoon oo dheeriga ah ooaad uga baahan karto cudurkaan, wixii aad su'aal ama walaac aad qabto iigu soo dir qeybta su'aalaha.

Cudurka Faaliga waa cudur halis ah dhawaanahaanne ku soo batay wadankeenna, waana cudur laga hortagi karo.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Faaliga (Stroke) - Cudur Halis Ah
« Reply #1 on: October 18, 2011, 10:02:16 AM »
Dhakhtar calaamadahaan aad sheegtay waxaan ku arkay nin isagoo xanuunsan aan wehel ahaan ula joogay sanadkii 1997-dii, intaas aad sheegtay ayaan ku wada arkay, wuxuuna dhintay isla waagaa (AUN). Haddaba Dhakhtar ninkaas lama garanayo sababtuu u dhintay, intuusan dhiman wuxuu afka, sanka & gadaal ka sii daayey dhiig xoog leh indhuhuna waxay le'ekaadeen labo xabo oo ukunta digaagga ah, ka dibna wuu dhintay, marxuumkaasi (around 48 yrs old) waxaanu uu cuni jiray tubaakada nooca magaadka leh, wuxuuna sidoo kale cabi jiray sigaarka (mid-smoker with qad chewer and tobacco under lip setter).
Sidaa darteed Dhakhtar Su'aashayda & walaaca cusub ee i galay waxaa weeyeen maadaama uu qoraalkan faaliggu i xasuusiyey dhacdo aan ka duwaneyn;-
- qofka u dhinta faaligga ma dhiig baxayaa wax yar ka hor intuusan dhimanin?
- ma la isku gubdiyaa cudurkaan?
- taabashada, wax la wadaaga, la cunteynta IWM ma lagu kala qaadi karaa?
- cudurrada la dhaxlo amuu ka mid yahay?
Mahadsanid.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Faaliga (Stroke) - Cudur Halis Ah
« Reply #2 on: October 29, 2011, 11:33:16 AM »
Qasab maahan qofka u dhimanayo faalijka in uu sanka iyo afka ka keeno dhiig, laakiin way dhici kartaa inkastoo ay jiraan cudurro dhowr ah oo sidaa ka dhigi karo qofka intuusan dhiman ka hor.

Cudurkaan ma la isku gudbiyo mana ahan cudurrada faafa.

Taabashada wax la wadaaga iyo la cuntenyntaba toona laguma gudbiyo.

Cudurka sidiisa looma dhaxlo laakiin waxa keeno ayaa dhaxal ku imaan karo,sida kor ku xusan faalijka wuxuu ku dhacaa laba sabab:
1- Dhiig kar aan la korntoroolin oo maskaxda dhiigga ku furto taasoo ka dhalan karto dhiig kar dhaxal ku yimid oo qofka u nugulyahay inuu dhiig kar ku dhaco ama uu sameeyay wax ku kicin karo sida tubaakada oo kale.
2- In xidida maskaxda ay xinjir fariisato taasoo ka imaan karto cillad xidida ah ama cillad socodka dhiigga ah iyadoo sigaar cabiddane uu xididada baabi'yo kaan qeyb qaato xinjiroobidda dhiigga, waa haddii qofka uu sigaarka cabi jiray muddo dheer.

Waxaan filayaa in aad fahantay su'aalahaaga laakin fadlan qoraalka dib ugu laabo oo mar kale akhri si aad u fahantid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdikadir abdi jama

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah
« Reply #3 on: June 30, 2018, 08:20:49 AM »
Runtiii cudurkaan waa mid halis badan oo sanada haana aad ugu soo badanayaa geyiga soomaalida khatartiisuna aad u badan tahay marka laga hadlaayo somaliduna ma haystaan adeegyo caafimaad oo ka jawaabi karaaa mar uu cudurkaan ku dhaco waxaana u sabab ah nadaamkii dowliga aha oo lumay adeegyadii cafimadkana jeebka uu ugalay burcad hospitalada furatay dadkana dawooyin sababi kara cudurkaa u miisaa runtii waxaan oran karaa waa nasiib daro wayn oo ina haysta hadanahay somaali
Markaa Dr ma la oran karaa dawadan layska cuno qayb bay ka tahay inuu sii bato cudurkaan


 

Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9138
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 17806
Last post May 20, 2012, 01:27:19 PM
by SomaliDoc
Isbitaal Banaadir oo la gaarsiiyay dad uu soo ritay cudur Shubanbiyoodka....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6836
Last post April 27, 2011, 06:03:54 PM
by Drkheyre
Su'aal: Ma is dhihi karnaa dhareerka waa cudur xun mase wa wax caadi ah?

Started by BuraaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8499
Last post April 30, 2011, 08:18:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudur ka hayo dhabarka ilaa faryarta lugta?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6049
Last post September 11, 2015, 12:51:15 PM
by SomaliDoc