Author Topic: Su'aal: Maxaa keeni karo qof wadnaha ka xanuunsan, baaristune caadi tahay?  (Read 8198 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qays

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Asc  
Waxaan ahay ardey dhigta jaamacah Hope University ee hargeesa, Somalia waxaana rabaa inaan wax ka ogaado waxaa jira dad wadnaha laga qabto markii la baarana laga waayo wax diseases ah marka qofka noocaas ah mala dhihi karaa waa qof nafsad ahaan u xanuunsanayo mise waxaa jira dhibaatooyin kale oo xanibaya in la ogaado xanuunkaas?

waad mahadsan tihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Inkastoo ay fiicnaan lahayd in aad warbixin naga siisid xanuunka uu dareemayo qofka aad ka hadlayso, laakiin haddii aan wax yar kaaga taabto cudurrada wadnaha ku dhaco way badanyihiin, badankoodna waxay ka muuqdaan bukaanka markii la baarayo, baarintaannada lagu sameeyane waa lagu arka ha noqdo mashiinka wadnaha ama kumbuyuutarka wadnaha.

Waxaa jira cudur loo yaqaanno "Precordial Catch Syndrome" waa xanuun ay qofku uu ka dareemo wadnaha, wuxuuna u badanyahay caruurta iyo dhalinyarada, xanuunku waa mid aad u daran oo in wax lagugu mudayo oo kale ah taasoo laga dareemo feeraha dhinaca bidix meesha wadnaha ku aadan, xanuunkaas oo ka sii daro markii la neefsanayo.

Badanaa dadka xanuunkaan markuu qabto aad ayay u walwalaan oo waxaa u sawiranto in wadna qabad uu qabo oo laga yaabo in wadnaha uu istaago.
Xanuunkaan wuxuu socdaa ilbiriqsiyo illaa daqiiqado, waxoogaa kadibne wuu iska baaba'aa.
Waxaa laga yaabaa inuu xanuunka la socdo wadna boodbood cabsi leh.

Xanuunkaan dhibaatadiisa intaa ma dhaafsiisna, wax dhib ah uu wadnaha u keenana ma jiraan, sababta ka dambeysa xanuunkaan lama garanayo, baaritaanne laguma ogaado, wax daawo ahne malahan.

Badanaa dadka wadnaha ka sheegto, takhaatiirtune ay tiraahdo waxba ma qabto waxay u badanyihiin xanuunkaan, haduusan qofku qabin cudur nafsaani ah oo isagu aaminsanyahay inuu wadnaha ka jiranyahay iyadoo uusan ka jiranayn.

Waxaan filayaa in su'aashaadu sida aad dooneysay aan u fahmay.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55881
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162188
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106887
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57898
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62222
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig