Author Topic: Su'aal: Xanuun daba gibinta ah?  (Read 7140 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Samawada

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Xanuun daba gibinta ah?
« on: June 16, 2011, 04:46:20 AM »
Asalamu calaykum walaal waxan rabaa inaan ogaado xanuun iga haya daba gibinta oo i xanuunta wax jug ah igama gaarin waxayna i xanuuntaa mar walbo gaar ahan waxay iigu xanuun badan tahay subaxdii markaan hurdeda ka soo tooso xanuunkane waa sidii qof dabo dabo u dhacay camal mana dhicin jasaaka laahum kheyr wabilaahi towfiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun daba gibinta ah?
« Reply #1 on: June 16, 2011, 09:00:47 PM »
Xanuunka daba-gibinta "Coccydynia" waa xanuun laga dareebo lafta ugu dambeysa lafdhabarta kuna aadan jeexa barida.

Waa muhiim in xanuunka aad dareemeyso la hubiyo inuu laftaas uu xiriir la leeyayhay iyo in kale taasoo lagu hubiyo, baaris kabuubis oo ah cirbad kabuubiso oo lagu duro agagaarka lafta daba-gibinta, haddii xanuunka isla markii baaba'o cilladu waa lafta-dabagibinta, laakiin hadduu sii jiro waa cillad kale oo agagaarkaas ka dhalatay sida in buro ka soo baxday oo kale in murqaha lafta ka agdhaw ay bukaan.

Waxa kale oo lagu ogaan karo in lafta uu dhaawac gaaray sida jab ama tarar oo kale waa in raajo la saaro.

Xanuunka daba-gibinta waxaa keeno jug ama jug la'aan, haddii qofka si aan sax ahayn u fadhiisto ama uu baaskiil ama fardo fuulka uu badsado wuu yimaadaa xanuunkaan.

Badanaa xanuunkaan hadduu jug la'aan uu yimaado waa dhib in la gartaa sababta keentay.

Daaweyntu waa laba mid: qalliin iyo qalliin la'aan.

Daaweynta qalliin la'aanta waxaa ka mid ah: xanuun baabi'iyaal, neerfaha quudiya lafta oo la dilo, in cadaadiska laga ilaaliyo oo lagu fadhiisto barkin loogu tala galay, in haddii saxaradu adagtahay la jilciyo.

Daawenta qalliinka waxaa la bixinayaa lafta oo dhan waa haddii buro ka soo baxdo ama kaankaro lafta saameysay.

Haddii si aad ah u cayilantahay ama si aad ah u caateysantahay, miisaankaaga maarey si xanuunka kaaga yaraado.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33252
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32300
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23500
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41615
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29416
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc