Author Topic: Su'aal: Maxaa keena dhiiga culus (THICK BLOOD)?  (Read 9876 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Csamad01

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa keena dhiiga culus (THICK BLOOD)?
« on: June 15, 2011, 05:29:01 PM »
Assalamu Calaykum WR WB,

Dhaqtar waa ku salaamay, salaan ka dib waan fiicanahay waxaan rabay inaa ku weydiiyo hadii aa faahfaahin iga siin karto, maanta ayaa Nurse waxay i durtay Teetano, MPR iyo ANTI POLIO injection, waxaas markee iga qaaday ka dib ayay iga qaaday HB test ka dib waxay i dhahday dhiigaadu waa culus yahay (THICK BLOOD) oo waxay i tiri waa 178 g/l , marka dhakhtaroow waxaan jeclahay inaa ku weeydiiyo waa Lix su'aal.

1. Maxaa keena Dhiiga culeyska ah ( THICK BLOOD)?

2. Cudur miyuu ka dhashaa mise si kale buu u yimaadaa?/ hadii Cudur uu ka dhasho cudurka noocee waaye

3. Halistiisu halkee gaarsiisan tahay?

4. Maxaase u daawo ah?

5. Daawo ma leeyahay oo mala daaweyn karaa?

6. Keebaa wanaagsan inuu dhiiga culus uu hoos gaaro uu ka hoos maro 178 g/l iyo inuu kor maro.

FADLAN DHAKHTAR waxaan kaa codsanayaa inaa jawaab deg deg ah isoo siiso, hada Nurseka waxay i dhahday igu soo noqo 2 maalin ka dib hadii weli sidiisa uu ahaado waxaan kuu dirayaa dhakhtar ama isbitaal.

MAHADSANID.

C/samad Daahir Maxamuud




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena dhiiga culus (THICK BLOOD)?
« Reply #1 on: June 16, 2011, 08:40:57 PM »
Thick Blood ama dhiigga culus waa xaalad uu dhiigga heerka xinjiroobiddiisa ay sarreyso, magaciisa caafimaad ahne waa "Hypercoagulability", tani waa haddii dhiiggu uu dhoqdo mid culus oo dhegdheg ah taasoo ka badan sida dabiiciga.
Cilladaan dhiig culeyska waxay ka dhalataa dhibaato ka jirta habka iyo qaabka xinjiroobidda dhiigga.

Dhiigga culus wuxuu caqabad ku noqdaa wareegga dhiiga taasoo saameyso heerka oksajiinka, gaarsiinta nafaqada iyo hormoonnada jirka meelihiisa kala duwan, tan

waxay keentaa astaamo cudurro badan oo ka dhashaan jirka oo ay ku yaraato walxaha nafaqada leh sida hormoonnada, oksajiinka iyo macaaadinta kalaba.

Markii wareegga dhiigga si dabiici ah u shaqeynayo, xinjiroobista waxay dhacdaa markii dhaawac qofka gaaro si dhiigbaxa u istaago. dheecaan burburiye

"enzyme" loo yaqaanno "Thrombin ayaa dhiigga lagu soo daayaa kaasoo asal u ah xinjiroobista dhiigga.

Haddii xinjir samaysanto, waa in howsha dheecaankaas uu hakadaa oo wax waliba sidii dabiiciga ay ku soo laabtaan, laakiin haddii dhib ay ka jirto xagga

xinjiroobidda tani ma dhacayso oo dheecaankii wuu sii shaqeynayaa taasoo keeneyso in dhiiggii uu cuslaado.

Dhibaatooyinka kale uu keeni karo dhiigga culus waxaa ka mid ah in uu ku dhex-xinjiroobo jirka gudihiisaa taasoo keeni karto in uu xannibo wareegga dhiigga.

Cudurrada keeni kara dhiigga culus waxay u kala qaybsamaan kuwa dhaxal ah oo lagu dhasho iyo kuwo qofka ku dhici karo oo halkaan lagu soo koobi karin.
Sababaha qaar oo keena dhiigga culus waa wax iska sahlan umana baahan wax daawo ah oo way iska baab'aan.

Baaritaanno dhowr ah ayaad u baahantahay in lagugu sameeyo si loo ogaado waxa dhiiggaaga culeys ka dhigay, waxaa ka mid ah in tirokoob lagu sameeyo unugyada dhiigga cascas, in tirokoob lagu sameeyo unugyada huubada "platelets" , in la xisaabo waqtiga xijiroobidda, in dheecaannada ka qaybqaato xinjiroobidda heerarkooda la ogaado iyo kuwa kalaba.

Waxba haka walwalin arintaan dhiigga culus, waa xaalad ku dhici karto qof waliba qasabne maahan inuu cudur yahay, haddii aad fuuqbaxdo ama aa aad u dhidido dhiiiggaaga wuu cuslaanayaa, haddii biyo badan aad cabtid dhiiggaaga caadi ayuu ku soo noqon karaa, sidoo kale haweenka uurka leh waxay yeelan karaan dhiig culus.

Halista ka dhalan karto dhiig culeyska way siyaaddaa mar walba aad weynaato.

F.G Cabbirka meesha ku qoran oo 178 g/l maahan mid ka tarjumayo culeyska dhiigga ee waa heerka birta dhiiggaaga "Hemoglobin" sida caadiga ah heerka birta dhigga markii lagu cabbiraayo qiyaasta g/l wuxuu u dhaxeeyaa 120 g/L to 160 g/L

Baaritaannada lagu ogaado culeyska dhiigga waa kuwa kale oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo xusay, xitaa marmarka qaar waxaa lagu fahmi karaa aragga socodka dhiigga iyo dhakhso xinjiroobidiisa taasoo ka badanayso 15 daqiiqo.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Csamad01

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Maxaa keena dhiiga culus (THICK BLOOD)?
« Reply #2 on: June 17, 2011, 12:39:21 AM »
Mahadsanid Dhakhtar sida wanaagsan aa iigu sharaxday, waxaan rabaa inaa ogaado 178 g/l, markii uu cabirka macdanta keento, ma waxaa a dhihi karaa waa cudur, mise marba heer ayuu isku badalaa, teeda kale Dhakhtar, maxaa keeni kara inuu heerka macdantu kor ugu kacdo sida caadiga ah.

Mahadsanid markale Dhakhtar allaha kaa abaal mariyo, cilmigaa inoogu faa'idaynayso.

C/samad Daahir Maxamuud

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena dhiiga culus (THICK BLOOD)?
« Reply #3 on: June 20, 2011, 01:15:28 PM »
Cabbirkaagan cudur maahan, waxa badiyayne waxaa laga yaabaa dhiigga culus.

Baaritaankaaga wax dhib ah ma lahan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55862
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162169
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106865
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57879
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62206
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig