Author Topic: Talaalada Caruurtaada  (Read 14467 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Talaalada Caruurtaada
« on: November 04, 2007, 04:21:02 AM »
Talaaladu waxay gargaar ka geystaan joojinta cudurka. Ilmaha waxa la siin kara talaalkooda ugu horeeya isla markiiba ka dib
dhalashada. Talaalada ku xiga waxa la siiyaa wakhiyada baadhitaanada wacnaanta ilmaha ee laga sameynayo xafiiska dhakhtarka ama goob caafimaad oo degmada ah.

Talaalada waxa la siiyaa marka ay jiraan da’ahan: 2 bilood, 4 bilood, 6 bilood, 12 bilood, 15-18 bilood, 4-6 sannadood, iyo 11-12 sannadood. Waxa loo baahan yahay talaalo si ilmaha loo qoro dugsiga.

Waxa talaalada af Ingiriisiga loogu yeedhaa “vaccines” ama marmarka qaarkood “immunizations.” Waxa badanaa la bixiyaa iyaga oo ah duris ama irbad. Talaalada qaarkood waxa loo baahan yahay in laga qaato wax ka badan hal qaadasho muddo gudaheed.

Tirada buuxda ee laga qaadanayo talaal kasta waa in la dhameysto si ilmahaaga looga badbaadiyo cudurka.
Haddii talaalada lagu bixiyo jadwal, waxay gargaar ka geystaan in laga badbaado cuduradan culus:

• Cagaarshow/Joonis Nooca B
• Gawracato (Diphtheria)
• Teetano
• Kix, oo waliba loo yaqaano xiiq-dheer
• Ifilada nooca b (Haemophilus influenzae type b)
• Dabaysha (Polio)
• Jadeeco
• Qaamow-qashiir/Teeriyo-tanbuur
• Jadeeco jarmal
• Busbus, oo sidoo kale loo yaqaano hablobaas (varicella)
• Caabuqid Meningokokal (Meningococcal)
• Caabuqid Nuumokokal (Pneumococcal)
• Ifilada/fuluuga (Influenza)
• Cagaarshowga/Jooniska Nooca A (Hepatitis A)

Haddii ilmahaaga aan la siin talaaladaa si looga hortago cuduradaa, la xidhiidh dhakhtarka ilmahaaga ama waaxda caafimaadka ee degmadaada si loo siiyo talaalada loo baahan yahay.

Barnaamijka Talaalada Caruurta (Vaccines for Children Program) ayaa talaalo bilaash ah siiyaa caruurta aan lahayn caymis caafimaad. Dhakhtarka ilmahaaga ayaa kaala hadli doona noocyada talaalada ilmahaagu u baahan yahay, inta qaadasho ee la rabo iyo goorta la
qaadanayo.

Dhakhtarka ilmahaaga ama kalkaalisada weydiiso war qoran oo ku saabsan talaalka.

Ka Dib Marka la Siiyo Talaal
Caruurta qaarkood waxay noqon doonaan kuwo oohin badan, oo casaan iyo barar ku leh meesha irbadda lagaga muday ama duray, ama waxay yeelan doonaan qandho. Taasi waa caadi.

Isla markiiba wac dhakhtarka ilmahaaga haddii ilmahaagu leeyahay mid ka mid ah dhibaatooyinkan:
• Qandho laga qaaday kilkisha oo ka sareysa 100 darajo F ama 38 darajo C
• Suuxdimo ama dubaaxin muruq
• Hurdo ka-toosidda oo dhib ku ah
• Oohin joogto ah oo ka badan 3 saacadood

Diiwaanka Talaalka
Soo qaad diiwaanka ama qoraalka talaalada ilmahaaga wakhti kasta oo aad imanaysid xafiiska dhakhtarka ilmahaaga ama waaxda caafimaadka ee degmadaada. Meel ku kaydso diiwaanka talaalada ilmahaaga.

SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caruurtaada Ka Fogeey Ciyaartaan!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 4571
Last post November 12, 2007, 04:52:04 PM
by Admin