Author Topic: Su'aal: waa maxay dialysis?  (Read 4581 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: waa maxay dialysis?
« on: June 26, 2011, 09:42:32 AM »
waxaan geeyey gabar walaashey hospital ku yaalo nairobi, aad ayey u xanuunsaneed dhaqtarkii la geeyeyna wuxuu ka sheegey kidney failure aa jiro marka waxaan u sameyneynaa dialysis ayuu yiri. Waana u socotaa howsha hadda maalin kastana dhiig ayuu ka qaadaa waxbaa u dhiman buu ku hayaa marka waxaan rabaa shaqada dialysiska inaan ogaado.




Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Su'aal: waa maxay dialysis?
« Reply #1 on: June 28, 2011, 01:48:37 PM »
Marka kalyuhu "Kidneys" ay caafimaad qabaan, Waxa ay qabtaan shaqooyin faro badan oo ay ka mid yihiin
  • In ay dhiiga nadiifiyaan, kana saaraan sunaha iyo walxaha dhaawaca u gaysan kara
  • In ay sameeyaan hoormoono "Hormones" loogu baahanyahay xoojinta lafaha iyo samaynta dhiiga
  • In ay dheeli tiraan cusbada, biyaha iyo macdanaha jidhka

Sidaa aawadeed marka kalyuhu hawl gabaan "Kidney failure" , shaqooyinkan kor ku xusan ayaa loo baahanya walax qabata, Ilaa inta qofka kalyo cusub loo galinayo amaba kuwiisii hore bogsanayaan waxa uu u baahanyahay Dialysis si uu hawshaasi u qabto.

Dialysis-ku waa mashiin qabanaya qaar ka mid ah hawlihii kalida, Sida nadiifinta dhiiga, laakiin qofku waxa uu u baahanayaa inuu qaato daawooyin iyo waliba macdanaha qaarkood. Qofku waxa uu dialysis-ka u aadaa kolba inta baahidiisu tahay , dadka qaar maalin walba qaarkoodna usbuucii hal mar, dhakhtarkaaga ayaana go'aamin kara.

Si aad warbixin dheeraada uga hesho hawlgabka kalyaha Guji Halkan


**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: waa maxay dialysis?
« Reply #2 on: June 29, 2011, 08:56:58 PM »
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlaayo "Dialysis" http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66622
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69633
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62566
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46826
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45058
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc