Author Topic: Cilladda Argagaxa iyo Neef Qabadka.!  (Read 27952 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Cilladda Argagaxa iyo Neef Qabadka.!
« on: June 21, 2011, 08:22:50 PM »
a/c dhamaan asxaabta halkaan soo gaha iyo waliba dhamaan dhaqatarada soomaliyeed oo walalaheena hagar laanta  nooga haqab tiraya aqoontooda well done ilaheeey khayr iyo xasanaad ha idinku badalo bacda salaan walalayaal waxaan qabaa hal suaal ah waa maxay panic attack maxaa kena panic attacka dawo ma loo qaadan karaa  ilaa mudo inte laeeg buu ku hayn karaa marka walalayaal naga soo siiya war tafatiran idinkoo mahadsan .




                                              thankx  :-\




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Panic attack?
« Reply #1 on: June 29, 2011, 08:55:28 PM »


Ciladda argagaxa "Panic Disorder" ama "Panic Attack" waa nooc ka mid ah ciladda wallaaca iyo welwelka. Waxaa uu keenaa argagax, oo ah dareen cabsi oo aan sabab lahayn. Waxaa badanaa lagu qaldaa xanuunka wadnaha sida wadne qabadka maadaama qofku uu dareemayo astaamo u badan dhinaca wadnaha, laakiin markii baaritaan la sameeyo waxba laguma arko, waxay kaloo dadka u saariyaa arrimo kale sida jinniga, ruuxaanta IWM.

Qofka wuxuu si lama filaan ah u dareemi karaa calaamadahaan hoose:
• Cabsi iyo welwel in qofku dhiman rabo oo kale.
• Garaaca wadnaha oo bata
• Dhidid badan
• Jarayn jirka ah
• Shafka oo ku xanuuna / Laab-ciriiri
• Neefsashada oo dhib kugu noqota
• Dareen in lagu ceejin rabo oo kale
• Lalabo iyo matag
• Dawakhaad
• Jirka meelo ka mid ah oo aad ka dareentid kabaabyo ama in wax lagu mudmudayo oo kale khaasatan gacmaha iyo faraha.

Argagaxa waxaa uu imaan karaa xilli kasta, oo meel kasta ayuu ka dhici karaa digniin la’aan.
Waxaad ku noolaaneysaa cabsi oo ad ka qabto inuu markale kugu dhaco waxaana suuragal ah inaad ka fogaato meelaha uu hore kugu qabsaday. Dadka qaarkiisa, cabsida ayaa noqota mid ay noloshooda qabaan mana ay ka baxaan guryahooda.
Waxaa laga yaabaa cabsi uu qofka ka qabo cillada argagaxa inuu dareemo inuu noloshiisa ka howlgabo, tusaale: hadduu cilladaan argagaxa ay ku qabato qofka safar dhaxdii, wuxuu ka fogaanayaa inuu safro, haddii ay ku dhex qabato suuqa, wuxuu iska ilaalinayaa inuu suuqa tago.

  • Ciladda argagaxa waxay ku badan tahay haweenka marka ragga loo eego.
  • Caadi ahaan waxay billaabataa marka dadku dhallinyaro yihiin, waxaana lagu tiriyaa xanuunada casriga, tanoo aad ugu soo badanayso dunida.
  • Mararka qaarkooda waxay billaabataa marka uu qofka haysto kadeed badan, niyadjab iyo culeys dhinaca guriga ama shaqada ah.
  • Xanuunka wuxuu qofku hayaa muddo gaaban sida 10 illaa 15 daqiiqo, kadib caadi ayuu ku soo laabtaa.
  • Dadka badankiisa ayaa daaweynta ku bogsada.

Daaweynta waxay ku tusin kartaa sida loo aqoonsado islamarkaana loo beddelo qaabka aad u fakarto inta aysan keenin argagax. Daawooyinka ayaa sidoo kale ku caawin kara.
Xanuunkaan marka ugu horreyso wuxuu u ekaan karaa cillad wadnaha ku timaado sida Wadne Qabad oo kale, laakiin markii wadnaha la baaro wax cillad ah laguma arko.

Haddii aad dareemayso cilladaan waa muhiim in aad la xiriirto dhakhtar ku taqasusay cudurrada cilmu-nafsiga isagaa kaa caawin doono xanuunkaagaa insha'llah, waxaa jiro siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay wada sheekaysi, jimicsiga neefsasahda iyo mid jir ahaaneed, daawayn iyo siyaabo kalaba.
Fadlan ku dadaal quraanka iyo alle ku xirnaanta, dad badan oo xanuunkaan qabo waxay ku raystaan quraanka markii lagu akhriyo iyo markii ay akhriyaanba maadaama uu ka khafiifinayo xaaladda kadeed ee markaas ku jiraan.

Xanuunada U Ekaan karo Cilladda Argagaxa:

Haddii aad u baahan tahay talo dheeraad ah oo ku saabsan xanuunkaan igala soo xiriir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?

Started by KadarhusseinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5751
Last post April 29, 2016, 09:38:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan leeyahay neef dhanka xubinta taranka?

Started by ChoukriBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10579
Last post January 14, 2015, 12:30:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena xubinta taranka oo neef ka soo baxdo?

Started by BishaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 105588
Last post December 19, 2009, 08:23:02 PM
by SomaliDoc
Cilladaha Keeno Daalka iyo Neef-tuurka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 56006
Last post November 11, 2016, 12:55:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Neef ama asmo dawada ma leedahy?

Started by Afnaan.abdulleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3926
Last post March 22, 2016, 04:39:00 PM
by SomaliDoc