Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka SLE?  (Read 8988 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali Boy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waa maxay cudurka SLE?
« on: June 22, 2011, 11:33:30 AM »
sc somali doc waan iidin salaamay hadaba waxaan rabaa in aan ii faahfaahisaan waxa loo yaqaano system lupus erythramatosis (SLE)iyo hadii uu jiro afsoomaali ahaan waxa lagu yaqaano ama eray u gaar ah
cudurkanse mayahay chronic disease thanks our doctors.




Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka SLE?
« Reply #1 on: June 22, 2011, 07:52:58 PM »
Cudurka SLE waxa uu ka mid yahay cudurada "Autoimmune diseases" ama cudurada difaaca jidhka oo isagu is dhibaateeyo. ama difaaci jidhka oo shaqadiisu ahayd in uu ka hor tago waxyaabaha dhibta jidhka u keenaya, ayaa xubnihii dhib u geesaynaya.

Cudurkan Run ahaantii umaan maqal Erey af soomali ah laakiin hadii uu jiro laftaydu waan jeclaan lahaa inaan barto.
Cudurkani waa cudur chronic ah , Qofkii uu ku dhacana laasima. Waxa uu saameeyaa Maqaarka, Kelyaha,Laalaabatooyinka sida jilbaha iyo xusulada,dhiiga iyo xubno kale oo fara badan.

Sababta keenta wali lama aqoonsan cudurkan, laakiin waxa jiro qayb cudurkan ka mid ah oo ay keenaan dawooyinka qaarkood.( 3-6 kabacdi marka dawada la qaato)
Cudurkani waxa uu ku badanyahay dumarka, inta badana waxa uu dhacaa da'aha u dhexeeya 10-50 sanno.

Astaamaha ama sifooyinka cudurkani leeyahay maaha qaar kooban aadna way u kala duwanyihiin, laakiin laalaabatooyinka (jilbaha, Xusulada IWM) ayaa iyagu ah meelaha ugu badan ee cudurka bilawgiisa laga cawdo, laakiin waxa kale oo uu la iman kara
  • Laab xanuun
  • daal fara badan
  • Xumad "qandho"
  • naburo afka ka soo baxa
  • Naburo maqaarka ka soo baxa
  • Kaadida oo dhiig soo raaco
  • Calool xanuun
  • Madax-xanuun iyo shaqsiyada qofka oo isbadal ku yimaad
iyo qaar kale oo farabadan.

Cudurkan waxa lagu baadhaa "antibodies" dhiiga laga helo, sida ANA, Anti-ds DNA, Anti-smith, Antiphospholipid iyo qaar kale.
waxyaabaha kale ee iyana la diro waxa ka mid ah , CBC "Dhiiga" , Raajo laabta ah "chest x-ray", Kaadida "urine-analysis".

Ma jirto daawo ama qaab cudurkan looga bogsan karo, laakiin waa cudur la maarayn karo, hadii qofku qaato dawooyinka NSAIDS, corticosteroids iyo hydroxychloroquine.  Sidoo kale qofkani waa inuu iska jiro qoraxda waayo kolkol waxa ay keni kartaa dhaawac maqaarka ah. Laakiin marwalba daawadu waa ay isbadashaa waxana haboon in qofku kala xidhiidho dhakhtarkiisa.

Haweenayda uurka lihi ee cudurkan qabta waxa looga baahanyahay in ay had iyo jeer la xidhiidho dhakhtarka, waayo dhibaatooyin badan ayuu ku keeni karaa iyada iyo ilmahaba.

**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Offline Somali Boy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka SLE?
« Reply #2 on: June 23, 2011, 12:12:48 PM »
sc doctors waan idin salaamay een suaasheyda waxey tahay waxaan rabaa in aan wax ka ogaado waxa loo soo gaabiyo NECK ee ku dhaca neonatalka isla markaana baby develope some times abdominal distension daaiman baby waxaa laga dhigaa NPO only waxaa la siiyaa IVF kaliya thanks.

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka SLE?
« Reply #3 on: June 23, 2011, 01:24:36 PM »
MA waxa Aad u jeedaa NEC "Necrotizing Enterocolitis" Waayo ma Garan karo cudur kale oo NECK loo soogaabiyo oo sifooyinkaas leh.

NEC "Necrotizing Enterocolitis" Dhamaan sifooyinka aad sheegtay wuu leeyahay, Wuxuu ku dhacaa neonates gaar ahaan kuwa aan buuxsanin sagaalka bilood "Premature" , waxa uu keenaa Abdominal distension , poor feeding etc.
Daawayintiisuna waa in la nasiyo mindhicirada "Bowel rest" sida NPO "nil per oral" iyo IVF oo fluids laga siiyo sidoo kale Antibiotics ayaa la siiyaa.
intaas kuma ekaanayso daawayntu, kolkol ayaa loo baahanaya qaliin si loo jaro qaybta mindhicirka ee dhimatay "resection of necrotic bowel"
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66483
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69507
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62429
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46714
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44968
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc