Author Topic: Su'aal: Walaalayaal waa maxay Qarawgu ama Hadurku?  (Read 5332 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mahamoud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Walaalayaal waa maxay Qarawgu ama Hadurku?
« on: June 19, 2011, 02:34:58 AM »
scww illahay ayaa mahad iskaleh. waxaa halkan kasalaamayaa dhamaan akhiyaara noogu deeqay aqoontooda iyo afkaartooda illaahay waxaan ugu baryayaa inuu ka jasaasi siiyo .aniga waxaan u baahanahay walaal laba suaaloo,,, jawaabtooda iinsha allaah
1 waxa jira wiil yar oo 11 jir ah wiilkaasi markuu seexdo habeenkii waa Qarwaayaa oo islahadlaayaa ama Hadraayaa Habeenkii inta badan waxanu uu ahaa mudo badan oo sanado ah haddeer wakhtigan xaadirka ahna waa kusoo batay,, maxay tahay sababtu ??
2 gabar xaasa oo shan caruura hada dhashay ....laakin aan dhalin mudo laba sano ah ,,, waxay bilawday haddeer muda laga joogo 6 bilood Qufac ,markay boor ama dhas gasho ama habeenkii ,,dhaaakhtiirtiina waxay leeyahiin wax ku hayaa majiraan waamaxy sababtu ,,walaalayaa iigu soo dedaala jawaabahaa illahay ayaa wax oge intii karaankiina ah iinsha allaah tacalaa byby




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Walaalayaal waa maxay Qarawgu ama Hadurku?
« Reply #1 on: June 20, 2011, 02:00:54 PM »
Qarawgu waa cabsi ama qaylo ka yeerto qof hurdo, caafimaad ahaanne waxaa la yiraahdaa "Nightmares amd Night terrors", Calwasaadku waa markii qofku uu hurdada ku dhex hadlo (Somniloquy) ama ka soo istaago sariirtiisa uu socdo (Somnaambulism) ama fadhiisto isagoo hurdaayo.
Qarawgu iyo Calwasaadku waa laba arrin oo kala duwan oo si kala duwan loo maareeyo.

Labadba caruurtu way ku dhacdaa, haddii cunuggaagu uu qabo calwasaad kaliya oo aan la socon wax kale wax dhibaato ah ma lahan wayna ka baaba'aysaa 4% oo ka mid ah caruurta ayaa wada calwasaadka illaa inta ay ka qaan gaarayaan. 50% ka mid ah caruurta oo idil way calwasaadan waqti ka mid noloshooda.

Haddii calwasaadku uu leeyahay in cunuggu uu ka soo istaago sariirtiisa waa arrin u baahan in lag taxaddaro maadaama laga yaabo in uu is dhawaaco ama meel ka dhaco sida balkoonada oo kale isagoo aan ka warqabin.
Hadalka calwasaadku wuxuu noqon karaa hadal kooban ama hadal dheer oo laga yaabo qofka dhagaysanayo inuu fahmo ama uusan fahmin labadaba.

Calwasaadku wuxuu ku badanyahay qoysas gooni ah oo waa arrin dhaxalka la xiriirta, wuxuuna ku badanyahay carruurta da'da iskuulka ah.
Haddii wax kale aad ku aragtay cunuggaaga aan ka ahayn isla hadliddaas isagoo hurda waad noo sheegi kartaa si aan kaaga jaahil bixinno.

Gabadha qufacayso muddada lexda bilood ah waxay u baahantahay takhtar xaaladeeda ogaado, wiisiteeyo ama baaro si loo ogaado wax hayo, qufaca hadduu raago wuxuu calaamad u noqon karaa waxyaabo badan oo qaarkood haddii aan la daaweyn halis noqon kara.

La xiriiri takhtar aqoon u leh cabashada hooyadaan xanuunsan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 68278
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 71510
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64324
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48810
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46840
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc