Author Topic: Su'aal: maxaa keena qaboow daran oo loo adkaysan karin?  (Read 6853 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: maxaa keena qaboow daran oo loo adkaysan karin?
« on: June 26, 2011, 02:01:23 PM »
a/s dhamaan asxaabta isugu timaada  webkaan somali doctor waan idin salaamay dhamantiin bacda salaan waxaan si gaar ahaaneed u salamayaa dhaqatrada sida gaar ahaneed ugu taagan inay cawiyaan walalahooda soomaaliyeed oo u taagan sida ay ugu sharaxaan caafimaadka iyo waliba sida  ay ugu sheegaan ama advice u siiyaan badca intaas waxaan rabaa inaan weydiiyo aniga suaal aan qabo oo ah waxaan rabaa inaad ii sheegtaan waxa keena ama u sababa ah suashaydaan oo ah .

 maxaa keena qaboowga saaidka ah ama aan u adkaysan waayo mar marka qaarkood dhaxan kasta ama ha yaraato ama ha weynaato tan kale maxaa sababa maxaase daawo loo qataa inaad isoo sharaxdaan baan rabaa tan kale waxaan dareemaa wareer marka ay i adkadaan murqaha garbaha hadaan howl yar qabto  dhagax bay i noqdaan bal tana isoo sheega waxa keena


                                                                               waad mahadsan tihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxaa keena qaboow daran oo loo adkaysan karin?
« Reply #1 on: June 30, 2011, 12:12:43 AM »
Haddii aad qabto calaamadahaan soo socda:
Qabowga oo aadan u adkeysan karin
Saxaro adeyg
Diiqad / Niyad jab
Daal iyo dhacsanaan
Caadada oo kaa wareerto
Kala-goysyo iyo murqo xanuun
Kor qallayl / qarfad
Timo iyo cidiyo khafiif ah oo si sahlan u jabi kara
Tabardarri
Miisaanka oo kordho ku tala gal la'aan

Haddii xanuunka uu kugu fogaaday waxaa dareemi kartaa:
Dhadhanka iyo Urinta oo yaraata
Wajiga oo ka barartid, cagaha iyo gacmaha
Hadalka oo aadan boobsiin karin
Maqaarka oo adkaada
Tinta suniyaha oo baaba'a

Calaamadahaan kor ku xusan waxay tilmaamayaan cudurka loo yaqaanno "Hypothyroidism" oo ah dheecaannada qanjirka toroodhka oo hooseeya.
Haddii cudurkaan aad qabto waa cudur la daaweyn kaor oo sahlan wuxuu u baahanyahay kaliya in la hubiyo iyadoo la cabiro qiyaasta hormoonnaa qanjirkaan.

Haddii aadan isku ogeyn, fadlan la xiriir takhtar, baaritaan hakugu sameeyo.

Haddii calaamadahaas kore aadan wada lahayn, maxaa calaamado aad ka leedahay ama meesha aan ku xusneyn oo aad dareentaa?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55986
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162296
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106995
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57998
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62315
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig