Author Topic: Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care)  (Read 40728 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care)
« on: October 27, 2007, 12:23:11 AM »


Daryeelka dhalmada ka horreeya waa daryeel caafimaad oo aad heleysid inta aad uurka leedahay. Qorsheyso booqasho dhalmada ka horreysa isla marka ay kula noqoto in aad uur leedahay.

Booqashooyinkaan waxay kaa caawinayaan in aad uur caafimaad leh lahaato waxaana lagu ogaan karaa dhibaatooyinka ka hor inta aysan
kuwo daran kugu noqon adiga ama ilmahaaga.

Takhtarkaaga wuxuu dooni doonaa in uu ku arko 4-6 toddobaad ee kastaba mar 6-da bilood ee ugu horreysa ee uurka.
Waxaad u baahan doontaa in aad takhtarkaaga aragto in badan waqtiga saddexda bilood ee ugu danbeysa uurka.

Haddii aad dhibaatooyin qabto, takhtarku waxaa laga yaabaa in uu rabo in uu ku arko in badan ama baaritaan badan kugu sameeyo.

Maxaa laga filayaa Booqashooyinkaaga Dhalmada ka Horreeya

Booqashadaada ugu horreysa waxay noqon doontaa booqashada ugu dheer.
Waqtiga booqashadan:
• Waxaa lagaa hubinayaa dhererkaaga, miisaanka iyo cadaadiska dhiigga.
• Dhiig ayaa lagaa qaadayaa si lagaaga baaro cudur iyo heerar hooseeya ee birta ama feerada. Waxaa lagu weydiin doonaa haddii aad dooneysid in lagaa baaro HIV.
• Waxaad u baahan doontaa in aad sambal kaadi ah geyso si looga baaro jeermis, sonkor iyo borotiin.
• Waxaa laguu qiyaasi doonaa taariikhda aad dhaleysid, qiyaasta maalinta laga yaabo in uu ilmuhu dhasho.
• Waxaa lagu weydiin doonaa su’aalo adiga, lammaanahaaga, qoyskaaga, iyo daawooyinka iyo daawo geedoodka aad qaadato ku saabsan.
• Takhtarkaagu wuxuu kugu sameyn doonaa imtixaan jidh ahaaneed oo ay ku jiraan imtixaan sinaha ah oo uu la socdo dariiqada lagaga baadho kansarka ilma galeenka ee pap smear.
• Takhtarku wuxuu kuu sheegi doonaa in aad billowdo qaadashada fitamiin leh folic acid dhalmada ka hor.
• Ballan u sameyso booqashadaada ku xigta.

Marka la joogo booqashooyinka dhalmada ka horreeya oo dhan:
• Waxaa lagaa hubinayaa cadaadiska dhiigga, miisaanka, kaadida, iyo caafimaadka guud.
• Xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga iyo koritaankiisa ayaa la hubinayaa.
• Baaritaanno kale sida baarid dhiig ama ultrasound ayaa laga yaabaa in la sameeyo.
• Weydii su'aalo oo la qaybso wixii walaac ah ee adiga naftaada iyo ilmahaaga idinku saabsan.

Baaritaannada
Waxaa laga yaabaa in aad marto baaritaannada soo socda:

Baaritaanno dhiig si lagaaga baaro:
• Nooca dhiigga
• Heerka birta
• Waraabow
• Cagaarshowga ama Jooniska Nooca B (Hepatitis B)
• Jadeeco
• Baaritaanka Alpha-fetoprotein (AFP)—Baaritaankan waxaa lagu hubinayaa halis korodhtay ee noocyada cilladaha lagu dhasho qaarkood ee ilmahaaga. Waxaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 ilaa 20 toddobaad ee uurka.
Haddii natiijada baaritaanku ay sarreyso, baaritaanno badan ayaa la sameyn doonaa.
• Baaritaanka Rh factor Baaritaankan waxaa lagu hubiyaa in lagu arko
Haddii Rh-kaagu uu jiro iyo haddii uusan jirin.
• HIV Haweenka oo dhan waa in ay tixgeliyaan in dhiigga laga baarayo si looga hubiyo HIV. Hooyooyinku waxay cudurkaan u gudbin karaan ilmahooda waqtiga uurka, foosha iyo naas nuujinta.
Natiijooyinka baaritaanku waa qarsoodi.
• Dhiig yarida unugga Sikal (Sickel Cell) loo yaqaanno waa lagaa baari doonaa haddii aad halis ugu jirtid.

Ultrasound
Waxaad ugu yaraan mari doontaa 1 ultrasound waqtiga uurkaaga.
Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu sameeyo ultrasoundyo badan si uu u hubiyo koritaanka ama xaaladda ilmaha.

Amniocentesis
Baaritaankaan waxaa lagu hubiyaa cudur hiddo-side waxaana badanaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 iyo 18 toddobaad ee uurka. Takhtarku wuxuu cirbad gelinayaa caloosha haweeneyda si uu u soo saaro dheecaan xoogaa ah oo yar ee unugyada ilmaha ku hareereysan (amniotic).
Dheecaanka waxaa loo dirayaa shaybaar si loo baaro.

Baaritaanka u dulqaadashada sonkorta (Glucose tolerance test (GTT))
Inta u dhexeysa 24 iyo 28 toddobaad ee uurka, waxaa lagaa baari doonaa sonkor dhiig oo sarreysa ee uurka, oo loo yaqaanno sonkorowga uurka (gestational). Waxaa lagu siin doonaa cabitaan macaan si aad u cabto ka dibna sambal dhiig ah ayaa lagaa qaadi doonaa.

Baaritaanka diiqo la'aanta
Baaritaankaan wuxuu makiinad gaar ah ku diiwaan gelinayaa xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga. Baaritaankan xanuun ma lahan wuxuuna ku lug leeyahay gaballo sharooto ah oo caloosha lagaaga dhejiyo.

Waqti kasta oo uurkaaga ka mid ah, isla markiiba dhakhatarkaaga la xiriir haddii aad:
• Xuubkaagu ama kiishka biyuhu dillaaco ama dalooshamo.
• Wax dhiig ahi kaa yimaado.
• Aad casiraad ama maroojin isku aragto taasoo ku qabanaysa in ka badan 4-6 goor saacad gudeheeda.

Haddii aad su'aalo qabtid noogu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daryeelka Dhalmada ka Hor (Prenatal Care) - 2
« Reply #1 on: October 29, 2007, 01:10:09 AM »
Hooyadu markay dhasho, waxay u baahan tahay daryeel gooni ah oo ka duwan kan kore, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=624.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Emergency WASH Experts (Coordinator and Specialist level) - Dadaab, Kenya (CARE)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 12172
Last post August 09, 2011, 04:37:49 PM
by Admin
SOOL AND SANAAG EMERGENCY LIVELIHOOD PROJECT FINAL EVALUATION, SOMALIA (CARE)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 10473
Last post April 14, 2012, 02:05:10 AM
by Admin
Health Care Financing Study Consultant - Save the Children (Puntland)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 17231
Last post January 18, 2010, 04:09:25 PM
by Admin
Final Evaluation for Access to Primary Health Care - Consultant (Puntland)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 9932
Last post January 25, 2010, 05:09:10 PM
by Admin
BOOK: Health Care Services in Transitional Somalia: Challenges & Recommendations

Started by Waxbaro!Board Other Medical Careers

Replies: 0
Views: 22702
Last post December 22, 2010, 06:25:57 PM
by Waxbaro!