Author Topic: Su'aal: Xinjir xidhay xididada araga ee maskaxda?  (Read 8374 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qawdhan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Xinjir xidhay xididada araga ee maskaxda?
« on: July 05, 2011, 11:56:14 AM »
marka hore waxan aad ugu mahad naqayaa dhamman dhakhtarada wada hawshan aad ka u mihimka ah. waxan doonayaa inaad talooyin iyo warbixin faah faahsan iga siisan su,aalahan hoose:-
qofkamida familkayga ay aroor uun ku soo toosay isaga oo aan waxaba arkeen xaladas markii aan is dhakhso ahna dhakhtiir ugu geynay ee sawiro laga qaday [ct. scan] waxay jawabtii noqotay inay qaybta dambe ee maskaxadu aynay cadi uu shaqayneyn taasi oo ay  dhakhtaradu noo sheegeen inay sababtay xididdada dhiga u qada inay xinjiri xidhay.
markaas waxan doonayaa inad dhowr waxa iga soo jawabtaan ina soo faah faahisan
1.maxa laga qaban kara?
2.qabkee ugu fiicaan ee wax lo ga qaban karaa?
3.maxaa kale ee ay keeni kartaa indha la,aanta ka sakoow?
4.rajo intee leeg ayuu leyahay inu aragiisii ugusoo noqdo?
5.haddii qaybta dambe ee maskaxdu qalashay maa la daweeyn karaa?
6.waxa  kale oo indho la,aanta uu dheer iloowsho ama xasuutiisi oo gabisay taas maxaa iyana keenay?


wadanka oo aan la hayn dhakhtiir neerfaha  ah oo lagu kal soonaado iyo dawo neerfaha ah oo aan oolin darteed wali wax loo qabtay ma jirto ama dawo uu qatay, muddada uu qabayna waa laba bilood.
waxan idinka codsanyaa inaad jawaabo, talooyin faah faahsan iyo dawada ugu fiicaan  ee aan siinkaro
aad ii soo dirtaan aadbaad uu mahad santiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xinjir xidhay xididada araga ee maskaxda?
« Reply #1 on: July 10, 2011, 09:26:16 PM »
Central Rentinal Artery Occlusion (CRAO) waa Owdmidda Xididka dhexe ee qebta dambe ee isha.
Cudurkaan markii ugu horreysay waxaa la ogaaday markii uu ahaa sanadka 1859, iyadoo calaamadihiisu ay ahaayeen indho beelis daran oo degdeg ah oo xanuun la'aan ah.

Wixii ka soo billawday sanadkaas ayaa baaritaan dheer waxaa lagu sameeyay cudurkaan oo la ogaaday in xididka quudiya qeybta dambe ee isha in ay xinjir fadhiisato sidaa darteedne uu araagu lumo.

Indho-beelidda waxay noqon kartaa hal il ama labadaba, wuxuuna u badanyahay ragga da'da ah, halista cudurkaanne way korortaa kullamaa da'du ay weynaato.

Calaamadda lagu garto kaliya ayaa ah in qofku si kadis ah uu hal mar indho beelo iyadoo wax xanuun ah uusan la socon, waxaa laga yaabaa in ay ka horreyso aragga uu luma muddo ilbiriqsiyo ama daqiiqado ah kadibne qofka uu sidiisii ku soo laabto.
Waxaa laga yaabaa in qofka uu horay u qabay madax xanuun joogto ah, kabuubyo daanka ah, daqnasho basad ah, cunno xumo iyo miisaanka uu lumo.

Xanuunnada la xiriir kara cudurkaan oo keeni kara waxaa ugu horreysa cudurrada wadnaha ku dhaco sida wadna gariirka, cudurrada xinjiroobidda dhiigga saameeya, kolostaroolka iyo caabuq ku dhaca dahaarka hoose ee wadnaha "Endocarditis".

Cudurradaan waxay keenaan in dhiggu uu xinjiroobo taasoo u sahlayso xinjirtu in dhiigga ay raacdo iyadoo xeri karto xididada yaryar ee maskaxda sida xididka dhexe ee isha.

Qofka xanuunkaan qaba waa in laga baaraa cudurrada keena xinjiroobidda dhiigga iyo cudurrada ku dhaca wadnaha, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in xinjirtu a fadhiisato xidido kale oo ka qatarsan xididkaan taasoo keeni karto Faaliga.

Cudurrda kale ay qabaan dadka dhibaatadaan ku dhacdo waxaa ka mid ah: dhiigkarka, sonkorowga, cudrrda ku dhaca dhiigga.
Daawooyinka keeno xinjiroobista waxaa ka mid ah daawooyinka looga hortago uurka.

Xanuunnada kale ee lagu qaldi karo xanuunkaan waxaa ka mid ah Jeexitaanka iy Soo-goidda qaybta dambe ee isha "Retinal Tear and Detachment"

Hadduu horay qofka u qabay kaadi-macaan/ Sonkorow, si kadis ahne u indho beelay waxay noqon kartaa Indho-beelka Sonkorowga

Baaritaannada muhiimka ah oo lagu ogaan karo meehsa cilladaan ay ka timid waxaa ka mid ah: Tirokoob unugyada dhiigga (CBC), ESR, Waqtiga xinjiroobista (CT), Sonkorta, Kolostaroolka, Qiyaasta dufanka, Beeris dhiig lagu ogaanayo bakteeriyada ku dhacdo wadnaha.

Baaritaannada kale oo muhiimka ah waxaa ka mid ah: raajada CT ama MRI iyo Kumbuyuutarka wadnaha.

Daweyntu waa laba qeeb:
1- Farsamo daaweed sida daliigis isha ah "Ocular Message", Yarayn cadaadiska isha "AC Paracentesis".
2- Daawo cirbado ama kaniiniyaal ah oo lagu yareynayo cadaadiska isha, daawo lagu ballaarinayo xidida yaryar ee isha si qulqulka dhiigga u gaaro qeybta dambe ee isha, Oksajiin isha la siinayo si aysan u dhiman maadaama dhiigga uu ka xirmay.

Daaweyntaan waa in isla markii dhibaatadu dhacdo la billaabo si araggii uu u soo laabto laakiin haddii ay daahdo waxay keeneysaa in qeybta dambe isha ay qallasho oo unugyadii ay dhintaan taas oo ah halista ugu badan ee ka dhalat haddii aan daaweyn dhakhso ah aan lala gaarin bukaanka.

Waxaa kaloo jira daawooyin kale oo badan oo lagu daaweeyo xanuunkaan iyo daawooyin kale oo loogu talo galay in lagu xalliyo dhibka asalka ah sida xinjiroobista dhiigga oo kale, wadna xanuunka, dhiig-karka ama sonkoworga.

Xanuunkaan waa xanuun kadis ah, daaweyntiisane waxay shaqo fiican qabataa markii billaw ay tahay, waxaana daaweyn kara takhtar ku taqasusay indhaha oo heesta qalabkii iyo daawadii loogu talo galay xanuunkaan "CRAO"

Tillaabda muhiimka ah waa in la xalliyaa xijirta xirtay xididkaan meesha ay ka timid iyo wax keenay in la xalliyo hadii kale xidido hor leh ayay xeri kartaa.

90% dadka qaba xanuunkaan, arag la'aantu way sii jirtaa.

Talo: Fadlan bukaankaan la xiriirsii takhtar aqoon u leh cudurkiisa, waxaadna ogaataa soo laabashada araggu rajadeedu way yartahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41850
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 42238
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 31119
Last post March 17, 2008, 06:18:55 PM
by SomaliDoc
Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21099
Last post May 29, 2009, 08:18:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena faaliga ku dhaca qaybta danbe ee maskaxda?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8352
Last post November 21, 2011, 10:05:19 PM
by SomaliDoc