Author Topic: Su'aal: Caado wareer cirbad aan qaatay ka dib?  (Read 8224 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Osman77

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Caado wareer cirbad aan qaatay ka dib?
« on: July 11, 2011, 02:26:36 AM »
marka hore wad salaman tihiin bahada somali doqtars salin kadib  waxan wayahn danbe iisku arkay cado wareer ama dhiig oo iga wareero wuxuna  iga maqnada  wig ama labo wiig waxan hada kahor qatay cirbad sadex bilood ah oo ilmaha fogan shaha ah   mudo dhowr 5 bil lago joga il markan qatay kadib warer badan ban isku arakay maxa talo ah oo ad iga siin laheden walalayal arinkas adin ka oo mahadsan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caado wareer cirbad aan qaatay ka dib?
« Reply #1 on: July 19, 2011, 06:52:39 PM »
Depo Provera waa hormoon loo isticmaalo uur ka hortegida. Waxaa loo qaataa cirbad ahaan saameyntiisuna waxay jireysaa ilaa saddex bilood. Waxay la mid tahay progesterone, oo ah mid ka mid ah labada hormoon ee ugu weyn ee uu sameeyo ugxansidaha naagtu inta xilligeeda caadiga ah lagu jiro.

Siday u shaqeyso
Markay qofka dumarka ahi qaadato Depo Provera, jirkeedu wuxuu dareemaa joogitaanka hormoonka saa daraadeed hormoonkeedii waa “la demiyaa”. Sababtan awgeed,
ugxansidaheedu ma soo deyn doono ukun waana sida uurka looga hortago. Tani waxay aad ula mid tahay sida “kiniinigu” u shaqeeyo. Depo Provera waxaa sidoo kale
loo isticmaalaa daaweynta cudurka dumarka ee (endometriosis).

Sida wanaagsan ee uu u shaqeeyo
Depo Provera aad bay u tahay hab uurka lagaga hortago oo waxtar leh, wayna ka waxtar badan tahay kiniiniga laysku daray. Haddii 100 naagood isticmaalaan Depo Provera muddo 1 sanno ah, hal naag ah oo ka mid ah dumarkaas ayaa uureysaneysa, taas micnaheedu waxaa weeye 99 ma uureysan doonaan. Ma jiro hal hab oo uur ka lagaga hortago oo waxtarkiisu dhameystiran yahay.
Depo Provera waxtarkeedu wuu sii soconayaa haddii saddexdii biloodba la duro markay wakhtigeedii tahay.

Waxyeelada

Caaddada
Sababtoo ah heerka hormoonka oo hooseeya, dumarka badidoodu waxaa ku dhaca xariiq ku sameysanta ilmo galeenka iyo caadada oo ka yaraata. Laba ilaa saddex cirbadood ka dib, dumar badani wax caada ah mehi doonaan gebi ahaan sababtoo ah ma jiro wax soo daynaya caadada.
Dumarka qaarkii waxay helayaan dhiig aan micno lahayn, oo badanaa ah mid fudud oo aan caadi ahayn. Wakhtiyada qaarkood qofka dumarka waxaa ku dhacaya dhiig bax badan oo dhib badan, oo badanaa lagu xaddidi karo ku daaweynta hormoon.

Waxyeelada kale
Ø Waxaa sidoo kale mar marka qaarkood dhacda in culeyskaagu wax yar kordho inkastoo dumarka badidoodu ayna yeelan wax isbedel ah qaarkoodna culeykaaba ka dhaca
Ø Dumarka qaarkii waxaa laga yaabaa in madax xannuunku dhibo, uurku jirta iyo niyadooda oo isbedesha
Ø Dumarka qaarkood xiisaha galmada ayaa ka yaraada, gaar ahaan dumarka qaba niyad jabka
Ø Tiro yar oo dumar ah ayaa arka waxyeelooyin kale, oo laga yaabo wareer iyo qas laakiin aan khatar ahayn. Tan waxaa ka mid ah xasaasiyada oo ku kacda, ceshadka dareeraha iyo naasaha oo xannuuna.

Faa’iidooyinka iyo faa’iido la’aanta Depo Provera?

Faa’iidooyinka
Ø Depo Provera aad ayey wax tar u leedahay inayna shaqeyn la’aanteeduna aad bay u yar tahay .
Ø Dumar badan caada la’aantu waa u faa’iido iyadoo ka nasaneysa astaamaha sida dareenka caadada ka horeeya iyo xannuunka caadada.
Ø Depo Provera waxaa sidoo kale laga yaabaa inay yareyso qaar ka mid ah khatarta kansarka ku dhaca ugxan sidaha, kansarka ilmo galeenka endometrial (uterine), endometriosis iyo infekshinka lafaha miskaha.
Ø Waa la duraa 12 toddobaadba wax kalena oo in la qabto ama in la xasuusto sameyntooda oo loo baahan yahay ma jirto.

Faa’iido darooyinka
Ø Dumarka qaarkii ma rabaan inay arkaan dhakhtarkooda saddexdii biloodba mar si ay cirbad u qaataan.
Ø Dumarka qaarkii waxaa ku dhacda waxyeelo sida horeba loo sharxay, oo laga yaabo mid aan wanaagsaneyn ama fiicneyn.
Ø Mar haddii cirbada la siiyo , hormoonka lama saari karo. Haddii ay qofka dumarka ahi rabto inay joojiso Depo Provera waa inay sugtaa si ay u dhammaato . dumarka qaarkii, caadadu si tartiib ah ayey ku soo noqotaa ka dib marka la joojiyo cirbada qaadashadeeda; mar marka qaarkood waxay qaadataa ilaa 6 ama 12 bilood. Si kastaba ha ahaatee, in ka badan kala bar ayaa uureysanaya 12 bilood gudahood in ka badan 90 boqolkiiba laba sanno gudahood.

Waxyaalaha kale ee ah inaad ka fekerto
Heerarka Hormoonku aad bay u hoseeyaan markaad isticmaaleyso Depo Provera, markaa waxaa jira dareen ah in tani keento in lafa qaar dhuubtaan (osteoporosis) dumarka isticmaala Depo Provera wakhti dheer. Muhimada tan weli lama oga, laakiinse isbedelada ayaa la rajeynayaa inay u dhacaan si tartiib ah marka loo eego kuwa dhaca marka caadadu kaa dhammaato iyo oo isbedesha marka cirbadaha la joojiyo.

Dumarku waxay caam ahaan ka welwelaan daawooyinka nooc kasta oo ay doonaan iyo kansarka. Inkastoo ay aad u adag tahay in la xaqiijiyo khatar li’ hameystiran, Depo Provera laguma arag inay wax saameyn ah ku leedahay kansarka naasaha ku dhaca. Waa in la ogaadaa in waxyeelo laysaga ilaalin karo kansarka ugxansidaha iyo xariiqda ilmo galeenku waa wax suurto gal ah. wax waxyeelo ilmaha sameysmaya ahna lama arag inay dhaceyso haddii Depo Provera la siiyo markay qofka dumarka ahi uurka leedahay ama mar mar dhif ah oo ay naagtu uur qaado iyadoo cirbada ka hortaga uurka qaadatey.

Yaa isticmaali kara Depo Provera?
Depo Provera waxaa isticmaali kara dumarka badidooda oo aan lahayn wax dhibaato caafimaad oo khatar ah iyo dumar badan oo isticmaala noocyo kale oo uur qaadida lagaga hortago. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inay ku haboon tahay dumarka aan qaadan Karin kiniiniga isku jira sababo caafimaad awgood.

Yaan isticmaaleynin Depo Provera?
Depo Provera kuma haboona dumarka qaba waxyaalahan soo socda:
Ø Dhiigbax ama qaadanaya daawada ka hortagta xinjirowga dhiiga
Ø Dhiigitaan aan caadi ahayn oo la ogaan
Ø Hiddo noocyo ka mid ah kansarkar
Ø Dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah oo kale.
Ø Haddii aad uur leedahay
Ø Haddii aad dooneyso inaad uur qaado 12 bilood gudahood.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, waad na weydiin kartaa.
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?

Started by AlkatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 69876
Last post April 29, 2016, 09:52:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27785
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: qoor xanuun iyo madax wareer xilliyada qaar?

Started by Sanka HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16310
Last post July 30, 2010, 08:43:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaskeyga aad u jeclahay ayaa caada wareer iga qabto?

Started by BaariyowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3873
Last post April 11, 2016, 12:48:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun iyo wareer iyo culees lala soo tooso?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3221
Last post May 27, 2016, 08:47:28 PM
by SomaliDoc