Author Topic: Su'aal: waa maxay Kegel Exercise?  (Read 26802 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: waa maxay Kegel Exercise?
« on: July 13, 2011, 03:12:40 PM »
asc walaal marka hore waan idin salaamaya, salaan ka bacdi waxaad ii sharaxdaan kegel tichnique ama kegel exercise waa maxay, dhibaatadisa maxaa ka mid ah, faa'iidadiisu intee ayay leegtahay? walaal ii sharaxa waadna mahadsan tihiin my dear doctors. wsc


Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: waa maxay Kegel Exercise?
« Reply #1 on: July 19, 2011, 06:17:05 PM »


Jimicsiga Kegel wuxuu ka caawiyaa murqaha minka ka hooseeyo, kaadihaysta iyo malawadkaba in ay adkaadaan, wuxuu wax u taraa ragga iyo dumarka, kuwaas oo ka sheegto in kaadida, shahwada ama saxarada ay ka farabaxsato, dhibaatooyinkaan oo yimaado markii:
  • La waynaado/ la duqoobo
  • Miisaan ku fuulo ama aad cayisho
  • Hooyadu ay dhasho
  • Qalliin xagga hoose lagaaga sameeyo
  • Qalliin qanjirka ragga ma prostate-ka lagaa jaro
  • Dadka dhaawac ama jug ka gaartay dhabarka, kuwaasoo kaadida ceshan karin

Waxaa kaloo jimicsigaan sameeyo haweenka uurka leh si dhalmada ugu fududaato, fadlan kala tasho dhakhtarkaaga in aad samayn kartid marka hore.

Waxaa jimicsigaan la samayn karaa iyadoo la taagan yahay ama la jiifo, waxaad samayn kartaa adigoo wax cunayo, ama miiskaaga shaqada fadhisid ama baabuur wadid ama TV aad daawaynayso.

Maadaama murqaha miskaha ku jiro ay kontaroolaan kaadida, saxarada, kacsiga, biyo-baxa, haddii ay dabacsanaan ku timaado murqahaas, waxaa dhumo kontaroolka.

Fikradda jimicsigaan waa in aad adkaysaa murqahaas, waxaadna ku adkayn kartaa in aad niyaysato ama samaysid sidii qof kaadin rabo ama saxaro soo saari rabo "jiirasho" ama "docasho", taasoo aad dhowr jeer ku celcelisid, waxa keenaysaa in murqaha ay adkaadaan, waxaa kaloo samayn kartaa markii aad musqusha ku fadhiisatid, iska dhig qof kaadida soo saari rab ama saxarada, kadib jooji oo haki, hadane isku day, hadane jooji, tan waxay kuu soo celinaysaa in murqaha ay kontaroolka helaan.

Waxaa kaloo samayn kartaa iyadoo kaadihaystaada aysan kaadi ku jirin in aad kadalloobsatid, hadane istaagtid hadane kadalloobsatid dhowr jeer oo isku xigxiga.
Marka aad jimicsigaan samaynaysid waa in aad si aayayr ah u dheefsataa.

Si aad wax iskaga dareentid waa in jimicsigaan aad samaysaa 4 illaa 6 usbuuc.

Haddii aad wax isbadal ah iska waysid, fadlan la xiriir dhakhtar kaa caawin kara xal qalliin lagu xoojinayo murqahaas.
Haweenka waxay u tagi karaan dhakhtar "Gynecologist" ah, Ragguna waxay u tagayaan dhakhtar "Urologist" ah.
Fadlan ka daawo halkaan filin ku tusinayo sida loo sameeyo jimicsigaan:
<a href="http://www.youtube.com/v/VfmWkHSOi7U&rel=0" target="_blank">http://www.youtube.com/v/VfmWkHSOi7U&rel=0</a>

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67366
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70526
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63345
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47890
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46066
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc