Author Topic: Su'aal: Talaalka hooyada ama ilmaha?  (Read 8552 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
Su'aal: Talaalka hooyada ama ilmaha?
« on: July 15, 2011, 01:40:44 PM »
salaan ka dib waad mahad santihiin dhamaantiin gaar ahaan dhaqaatiirta webkan
waxaan rabaa 1 su aal oo ah talaalka hooyada ama ilmaha sida aynu wada ognahay
intabadan waxaa jira in talaal ka aynaan sidiisa u fulin oo ay ugu wayntahay in aan dad xirfad uleh loo dhiibin markaa hadaan sidiisa loo fulin maxaa dhib ka iman karan muxuuse faaiido lee yahay
daawada talaalka se maadadeed  sida kaneecada jadeecada iwm waad mahad santihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Talaalka hooyada ama ilmaha?
« Reply #1 on: July 19, 2011, 05:55:06 PM »
Talaaladu waxay gargaar ka geystaan joojinta cudurka. talaalkooda ugu horeeya isla markiiba ka dib dhalashada. Talaalada ku xiga waxa la siiyaa wakhiyada baadhitaanada wacnaanta ilmaha ee laga sameynayo xafiiska dhakhtarka ama goob caafimaad oo degmada ah. Talaalada waxa la siiyaa marka ay jiraan da’ahan: 2 bilood, 4 bilood, 6 bilood, 12 bilood, 15-18 bilood, 4-6 sannadood, iyo 11-12 sannadood. Waxa loo baahan yahay talaalo si ilmaha loo qoro dugsiga.
Waxa talaalada af Ingiriisiga loogu yeedhaa “vaccines” ama marmarka qaarkood “immunizations.” Waxa badanaa la bixiyaa iyaga oo ah duris ama irbad. Talaalada qaarkood waxa loo baahan yahay in laga qaato wax ka badan hal qaadasho muddo gudaheed. Tirada buuxda ee laga qaadanayo talaal kasta waa in la dhameysto si ilmahaaga looga badbaadiyo cudurka.
Haddii talaalada lagu bixiyo jadwal, waxay gargaar ka geystaan in laga badbaado cuduradan culus:
• Cagaarshow/Joonis Nooca B
• Gawracato (Diphtheria)
• Teetano
• Kix, oo waliba loo yaqaano xiiq-dheer
• Ifilada nooca b (Haemophilus influenzae type b)
• Dabaysha (Polio)
• Jadeeco
• Qaamow-qashiir/Teeriyo-tanbuur
• Jadeeco jarmal
• Busbus, oo sidoo kale loo yaqaano hablobaas (varicella)
• Caabuqid Meningokokal (Meningococcal)
• Caabuqid Nuumokokal (Pneumococcal)
• Ifilada/fuluuga (Influenza)
• Cagaarshowga/Jooniska Nooca A (Hepatitis A)

Haddii ilmahaaga aan la siin talaaladaa si looga hortago cuduradaa, la xidhiidh dhakhtarka ilmahaaga ama waaxda caafimaadka ee degmadaada si loo siiyo talaalada loo baahan yahay. Barnaamijka Talaalada Caruurta (Vaccines for Children Program) ayaa talaalo bilaash ah siiyaa caruurta. Dhakhtarka ilmahaaga ayaa kaala hadli doona noocyada talaalada ilmahaagu u baahan yahay, inta qaadasho ee la rabo iyo goorta la qaadanayo.

Ka Dib Marka la Siiyo Talaal
Caruurta qaarkood waxay noqon doonaan kuwo oohin badan, oo casaan iyo barar ku leh meesha irbadda lagaga muday ama duray, ama waxay yeelan doonaan qandho. Taasi waa caadi. Isla markiiba wac dhakhtarka ilmahaaga haddii ilmahaagu leeyahay mid ka mid ah dhibaatooyinkan:
• Qandho laga qaaday kilkisha oo ka sareysa 100 darajo F ama 38 darajo C
• Suuxdimo ama dubaaxin muruq
• Hurdo ka-toosidda oo dhib ku ah
• Oohin joogto ah oo ka badan 3 saacadood

Diiwaanka Talaalka
Soo qaad diiwaanka ama qoraalka talaalada ilmahaaga wakhti kasta oo aad imanaysid xafiiska dhakhtarka ilmahaaga ama waaxda caafimaadka ee degmadaada. Meel ku kaydso diiwaanka talaalada ilmahaaga.

La hadal dhakhtarka ilmahaaga ama kalkaalisada haddii aad qabtid su’aalo ama walaac.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44021
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14389
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12471
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 36241
Last post February 28, 2016, 02:40:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: daawada ilmaha lagu soo rido iyo uurka qoolan?

Started by Baxsan 1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13832
Last post September 27, 2015, 11:02:07 AM
by SomaliDoc