Author Topic: Su'aal: Waxan qabay gaastaric oo aan daawo u qaatay lkn.....?  (Read 5459 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Deeqcali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Asc bacda sln waxan qabay gaastaric oo aan daawo u qaatay lkn hada waxan daremaa maalmahan laabjeex  marka uu kacyo waxaan daremaa xabadka ilaa dhuunta xanuun ku faafayo hal mar hadana dagaayo xitaa caanaha wax ima taro lkn markan iska matajiyo biyaha kulul habenki waan  hurdaa hadi an iska matajina hurdo ma jirto waxaa kalo jira marka uu laabta kaso bilowdo hadaan labada quun aan cadaadsho xanuunka wuu yaraana micnaha quumanka waa labada dhinac e qanjirada ku jiraan e qeybta sare ee dhuunta dhagaha hoostoda w/towfiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxan qabay gaastaric oo aan daawo u qaatay lkn.....?
« Reply #1 on: July 19, 2011, 06:05:02 PM »
Biyo kulul oo kugu soo rogmada ama afka kaaga buuxsamo waxay calaamad u tahay cudurka laab-jeexa.

Sababaha
# Daawooyinka qaarkood
# Aashitada caloosha oo badata
# Aalkolo cabbid
# Aad wax u cunid ama cunidda cuntooyin aad u kulul oo basbaas leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Daryeelkaaga
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato.
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.
# Takhtarkaaga la soco.

Si looga hortago dhibaato mustaqbalka timaadda:
# Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh, cunto aashito ku badan tahay sida bambeelmo, ama wixii cunto ah ee calooshaada dhibaya.
# Ka fogow cabitaannada aalkoladu ku jirto ama kafeyiinta, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
# Cun qaybo yar oo cunto ah markiiba. Cuntada ha iska badin ama cuntada ha ka boodin.
# Jooji ama yaree sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:
# Isku aragto matag dhiig leh ama baroon mugdi ah.
# Ay saxaradaadu dhiig leedahay ama madowdahay.
# Aad noqoto mid aad u liita ama war-wareeya markaad istaagto.
# Calool xanuun xun qabto.
# Isku aragto heerkulka ka sarreeya 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.
# Isku aragto xanuun ama matagid soconaysa wax ka badan dhowr saacadood.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: