Author Topic: Hadii aan Ogaan Lahaa!!  (Read 4678 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Hadii aan Ogaan Lahaa!!
« on: November 01, 2007, 12:11:39 AM »
Maxuu qofku fikradiisa u badalaa markuu "Caafimaad" barto, ugana shalaayaa inuu doortay, uuna u dhahaa hadii aan ogaan lahaa maba aan baran lahayn!!

Dad badan oo sidaa dhahayo baan arkay, sababtune waa shaqo adag, fikrada qofka uu ka heestane ay ka duwantahay waxa saxda ah ee meesha ka jiro.

"Qofku markuu arko dhakhtarka oo saf loogu jiro, oo isagoo shaatigiisa cad wata qoorta samaacadane u saarantahay wuxuu niyeystaa inuu dhakhtarkaa noqdo lakin sheekada saasi way ka duwantahay."

Taasi waxa ay ku tusineysaa in qofkii u soo galay ama u bartay caafimaad inuu lacag ama magac uu ka helo uu aad u qaldanyahay ayne jiraan meelo kale oo ka fudud oo intaas laga heli karo, waxaadne ogaataa 57% dadka aduunka ugu lacagta badan iskool sare ma dhameen, laga bilaabo Bill Gate.

Markuu qofku galo oo riyada uu ka baxo ayuu is badalaa, uuna dhahaa hadii aan ogaan lahaa dhibkaan maba galeen!!!

Waxaan aad ula yaabay inaan anagu kaliya aysan dhaheysan mushkiladaan oo maanta aan akhriyey warqad laga diyaariyey dhakhaatiir mareykan oo caan ah, muddo 20 ilaa 30 sano ahne ku jiray shaqada caafimaadka.

Dhakhaatiirtani waxaa la waydiiyay su'aalo dhawr ah ra'yigoodane laga waydiiyay.

Dhakhaatiirtani oo gareysa ilaa 1,170 u dhaxeyso 50 ilaa 65 jir ah ayay aheed sidatan jawaabaha ay ka bixiyeen su'aalahan.

  • Shaqadaada ma sii wadi doontaa?
24% - shaqada waan ka tagni doonaa inta u dhaxeysa 3da sano ee soo socota.
14% - Waxay ku fikirayaan inay shaqada ka fadhiistaan.
7% - waxaan raadineynaa shaqo caafimaad la xariirta lakin bukaan aan la tacaamuleyn.
3% - waxaan raadineynaa shaqo caafimaad aan lug ku laheen.

  • Sidee u yareen kartaa tirada bukaanka aad daaweyso?
12% - waxay shaqeen doonaan part-time.
8% - bukaano cusub qaadan mayno, ama qaabilida ayaan yareyneynaa.
4% - waxaan shaqeyneynaa waqtiyo go'an.

  • Dhakhaatiirta cusub ee ku soo biirtay shaqada ka waram?
68% - dhakhaatiirtaan yaryar awood u malaha inay u shaqeeyaan sida ay u shaqeeyaan dhakhaatiirtii ka horeysay.

  • Maxaad ra'yi ah oo shaqadaada ka qabtaa?
57% - Ilmaheena caafimaad ma akhrin doonaan.
44% - Caafimaad ma dooran laheen hadii gadaal la ii celiyo 20 ilaa 40 sano.

Caafimaad ha baran hadii aad lacag, magac aad u dooratay amaba lagugu qasbay!! waa iga talo

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Hadii aan Ogaan Lahaa!!
« Reply #1 on: November 01, 2007, 04:44:35 PM »
Thanks Waxbaro.
mawduucan aad iyo ad ayuu ugu fiicanyahay qof alaale qofkii moodo in fikrada barshada cafimaadka loo barto ay tahay kaliya lacag iyo waji ama faan. bal arinta ay tahay shaqo insaaniyad marka ugu horaysa iyo marka ugu danbaysaba, ee risqigana iyo sharafta ay gacanta ALLAh ku jiraan.
waxana rabaa in aan halkan ugu shego all somali dctors iyo Somali medical students in aad tihiin dad lagu seexdo ee yaa la seexan, lana ogaado in ay arinta tahay masuuliyad aad u balaaran oo malinta qiyamaha la iswaydiindoono qof waliba iyo sida uu ula dhaqmay bukankiisa.
Thanks all of U
Munim
Education Opens the Doors

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Hadii aan Ogaan Lahaa!!
« Reply #2 on: November 02, 2007, 07:24:16 PM »
Pharmacists never say that, what is wrong with you fellow doctors?!!!
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.