Author Topic: Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?  (Read 25554 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ayaanle11

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?
« on: July 17, 2011, 12:37:46 PM »
Marka hore waan idin salaamayaa dhamaan bahda somalidoc.com. gaar ahaan diktoorada webta bulshada ugu adeega,
walaal salaan ka dib waxaan ahay wiil somaliyeed oo dhalinyaro ah {28years} oo jooga dalka somalia
walaal sida aad la wada socotaan dalkeenii meelkasta wuu ka burbursan yahay haba ugusii xumaadeen adeegyadii caafimaadkuye,
sidaa awgeed ayaan aniguna ula kulmay caqabad u baahan dhakhtar aan dalka ka helo maadaama oo aanan dalalka kale tegikarin duruufaha jira awgeed,
walaal waxa i haya xanuunka loo yaqaan Obsessive-Compulsive Disorder {ocd}
wuxuuna i hayay mudo ilaa 5-sano gaadhaysa,
berigii hore lama garanayn waxa ay tahay jiradan i haysaa balse mudo dhoweyd oo aan si joogto ah dabagal iyo baadhitaan dheeri ah u sameeyay oo aan meelo badan la xidhiidhay oo aan astaamaha xanuunka ugawaramay dhakhtaro badan waxa la ii xaqiijiyay inay ciladani tahay jirada loo yaqaan Obsessive-Compulsive Disorder {ocd}
dhawr diktoor oo aan u tegayna midkastaa markuu i waraystay wuxuu ii qoray dawooyinka ay ka mid yihiin:
1.amitriptyline 25mg 6months
2.fluoxaten 20mg  3 months
3.tofranil 25mg   3months
iyo dhowr dawo oo markii hore la ii qori jiray inta aan si wanaagsan loo fahmin ciladani waxa ay tahay, wax is bedel ahna kama dareemin dawooyinkaa la ii qorayay  dhakhtarada aan u tegayayna intooda badan waxay u badnaayeen diktooro general ah
oo aan xanuunadan ku takhasusin, sidaa awgeed waxay igula taliyeen in aan anigu dhakhtar isu noqdo oo aan bal isku dayo in aan waxyaabaha qaarkood kudedaalo in aan iska jaro,
sida aad ogtihiina xanuunkani dhibtiisa ugu badaniba waa inaad iska saarikariwaydid wax ku mashquuliyay oo aad hadana si cad u aragtid in aanay muhiim ahayn ku mashquulkoodu, sidaa awgeed way igu adkaatay in aan waxyaabaha igusoo noqnoqonaya ama i cadaadinaya iska saaro dhakhtar ku takhasusay oo si joogto ah iila taliya dawana iigu qora la"aantiis.

hadaba walaal waxaan u baahanahay inaad iga caawisaan xanuunkan dhibta wayn igu haya bal sidii xal loogu raadin lahaa oo aan u heli lahaa dhakhtar aan la xidhiidho, tusaale ahaan internetka oo iminka noqday aalad waxyaabo badan fududaysay oo lagu wada xidhiidho
maadaama oo aanay duruuftu ii saamaxayn dhakhtar debedeed.

walaal waan idinka warsugayaa sidaa iyo j wada xidhiidh wacan wsc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?
« Reply #1 on: July 19, 2011, 07:41:27 PM »
Shakiga badan iyo waswaaska waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Obsessive Compulsive Disorder" tan oo lagu macneeyo Ciladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCD
Ciladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.
Haddii aad qabto OCD, oo aad qabtid, fakar soo noqnoqda oo murugo leh ee loo yaqaan walwal taagan.
Waxaad si soo noq-noqota isku daydaa isla wixii si aad isugu daydo in uu fakarka ku daayo. Tallaabooyinka soo noq-noqda waxaa loo yaqaan kuwo aad ku khasban tahay.
Tusaale ahaan fakarka kugu taagan waxaa uu noqon karaa cabsi aad ka qabto jeermiska ama cabsi aad ka qabto in lagu xanuujiyo.
Waxyaabaha aad ku khasban tahay in aad sameyso ayaa waxaa ka mid ah gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdo, in aad wax tiriso, alaabta oo aad iska eegto ama nadiifiso.
Tusaale ahaan waxay aad uga muuqataa dadka weysada dhib kala kulmo oo ka shakiya in dhowr jeer ay xubnahooda dhaqaan iyagoo aamisan in weli weysada aysan sax ahayn oo meelo jirka ka mid ah sidii la rabay loo dhaqin.
Waxaa ka mid ah salaada markii la xiranayo oo iyadane ay qofka inuu niyeystay iyo in kale ay dhib ku tahay taasoo keeni karto in salaadda dhowr jeer xirto.
Waxaa ka mid ah in qofka uu wax kasto inuu tiriyo jecel yahay oo meel hadduu soo galo wixii is leh inuu tiriyo ama wixii tirsami karaba inuu tiriyo ama lacag tiris ha ahaato ama wax kalaba.
Waxaa kaloo ka mid ah in wixii isleh uu jecel yahay qofkaani inuu isku aadiyo, haddii kale niyadda uma dagayso sida mathaln wax isku midab ah in aysan is raacin oo kale, sida ka muuqato sawirkaan hoose:

Haddii aan la daaweyn, OCD waxay la wareegi kartaa qaab nololeedkaaga.
Dadka wax darsa waxay ku fakaraan in dadka qaba OCD aysan maskaxdooda si fiican u shaqeynin.
Badanaa reerka ayaa isu gudbiya. Caadi ahaan waxay calaamaduhu billawdaan carruurnimada ama xilliga qaangaarka.
Caadi ahaan waxaa waxtar leh daawooyinka iyo nidaamka daaweynta ee isku jira.

In aad la kaashato xanuunkaaga takhtar ku taqasusay cudurrada maanka waa muhiim si uu kaaga taakuleeyo dhibka aad daeemeyso.
daaweyntu waa 3 nooc, mid waa daawada kaniiniga ah (medication), midna waa dabciga oo la badalo (Cognitive behavioral therapy), midna waa (Psychotherapy).

In labada qeyb oo ugu korreysa la isla isticmaalo waa midda ugu muhiimsan daawenta cilladaan.
Tusaale ahaan: Dabciga badalidda ayaa waxaa loo sameeyaa qaab ah in qofka lagu dhaliyo ama lagu qasbo xaalad ka mid ah xaaladaha uu dhibsanayo oo ku abuurayso cillad ku taagan taasoo si tartiib ah loogu booriyo qofka in uu is xakameeyo una adkeysto sida ugu saxsan oo uga jawaabi lahaa cillada maskaxda kaga taagan.

Xanuunnada noocaan ah waxay u baahantahay in aad la kulanto takhtar oo aad la fadhiisato ee in aad internetka kala sheekeysato wax saa u sii weyn kugu saacidi mayso maxaa yeelay xanuunkaan daawentiisu waxay u baahantahay wada fadhiisasho iyo isla dhaqmis.
Takhaatiir ku taqasusay cuduradaan waa laga helayaa dalka oo way joogaan inkastoo aysan ku badneyn.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waa na weydiin kartaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ayaanle11

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?
« Reply #2 on: July 20, 2011, 11:46:53 AM »
Walaal waan helay jawaabtii qaaliga ahayd ee aad isoo siisaye alle khayr iyo wanaag hakugu abaal mariyo aamiin.  intaa ka bacdi walaal waxaad iyana tafaasiil dheeri ah iga siisaan dawooyinkan aan halkan hoose kusoo qori doono xanuunkan wax maka taraan, waana kuwan dawooyinkii dhowaan la ii qoray: 1.deanxit tablet (40tablets)  2.xanax tablet 0.25mg (15tablet) dawadan waxa ii qoray dhakhtar yamani ah oo iminka dalka shaqo dhakhtarnimo ku jooga wuxuuna igu yidhi dawadaas debeda u dirso. markaa su'aashaydu waa dawadan maloo qaataa xanuunka ocd  mise doctor-kale ayaan raadsadaa?. waad mahadsan tihiin walaal sidaa iyo jawaab.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?
« Reply #3 on: July 29, 2011, 07:25:29 PM »
daawada Deanxit waxay ka koobantahay laba daawo oo isku jirto oo kala ah: fluxpentixol iyo melitracen, lamana qaato illaa in uu takhtar kuu qoro mooyee.
waxaana loo isticmaalaa welwelka maadaama cilladaaan ay asalkeedu welwel yahay.

daawada kale ee Xanax iyadane waa daawo kale oo loo siticmlaalo welwelka inuu yareeyo qofkane dajiyo waxayna isku koox yihiin daawada kale ee caanka ah "Diazepam".

daawada kore waa laga yaabaa in aysan wadanka oollin laakiin midda hoose way taallaa.

badanaa labadaan daawo la iskuma qaato illaa in ay dantu qasabto oo mid kaligiis wax kaa tari waayo mooyee, sidaa darteed haddii takhtarka aad u tagay uusan ahayn mid taqasus u leh cilmiga cudurrada maanka "Psychiatrist", la xiriir takhtar kale.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?
« Reply #4 on: July 31, 2011, 01:50:03 PM »
Antidepressants can help symptoms of OCD but please do not mix more than one medications.Fluoxetin 20-40mg,or Anafranil 75-100mg for atleast six months will be enough to control some symptoms.I do not think that we have psychiatrist in Somlia who can perform CBT but hope i am wrong.Ogaw,udurka OCD waali ma keeno
Dr.fidow

Offline Zaki7

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan qabaa cudurka OCD, Ila taliya?
« Reply #5 on: March 13, 2019, 09:50:11 AM »
Asc, wr wb,    Bacda Salaan    dhamaan  takhaatiirta  waad ku mahadsan tihiin  dadaalka aad bulshada u haysaan,ilaahay  ha idin ka abaal mariyo. arimahan aad kaso hadasheen  ayan raba qaabka ay ii hayaan

Waxaan rabaa inaan ku darsado  arin aniga i haysata, waxaan isku arkay  walwalka  iyo Walaac  saaid ah     khaas ahaan  marka reerka ila joogo.   tusaale hadaan ka baxsho aniga waxay iga heesata xaga xaaskayga ( malaha jacaylka igu badan  ) ma jecli xaaaskayga inay guriga ka baxdo.  waxaan ka baqaa haday irida ka dagato  in  dhib ay garaan sida in dhalinyarada meelaha marmarya ay wax garsiiyan  in ay xoogaan,  haday taxi raacdo lala fakado, haday racdo gawarida dadwaynah  inay ka dhacdo, ama inay magalada ku dhunto  anigo og waxaas oo dhan inaysan jirin.    inta badan ha bixin ban dhaha aniga uso adeega   haday baxdana walwalba isaga kay taagan.  xaafada haday kaligeed joogto ama loosoo dhacaa ayan is dhahaa.   balse hadi an ogahay in qof wehel ah uu la joogo ama ay lasocoto  ma dareemo waxaas aan kor kuso xusay.   intaanan reerka yeelan  waxaas malahayn.

sido kale aniga shaqsi ahaan  waxaan aad u jeclahay  in wax waliba toosan yihiin iskuna aadan yihiin shay walbana uu yaalo mesha loogu tala galay.  hadan waayo ama arki waayo waan dhibsada   balse waxa dhici karta inan cidna u sheegin waan isaga dulqaata way dhacda marmar inta dulqadan waayo aan anigu hawshi qabto  madam arageda igu badanayo ama igaso horbaxayo.  waxaan aad u jeclahay kalarka cadaanka ah tusane kalarka dharka kan guriga alaata  gaariga  .  sido kale waxan jeclahay wax walba inay nadiif yahiin. her waxan garay  inan wax ku cabo koob cad oo wax ka muqanayan. lkn hadan waayo makala jecli kaliya wan jeclaay. wana doorbida hadan helayo.

naftayda markan kaligay ahay   wax walba wan u dulqadan karaa  sidaasna iiguma badna walwalka balse  waxaan isku arkaa  walaac   hadaan rabo inan shay gato hadan rabo inan meel aado iyo hadaan rabo inan wax qabsado waan ku wareeraa mana garto waxa aan rabo iyo meel aan ka bilaabo.   tan ugu daran waa anigo oo gaara isla markiiba goaan aan a fiirsan anigo markaas isku heesta inan si fiican uga fikiray  waxana laga yaaba  waxan go,anka ka garay in  1 daqiqo kahor la iisheegay xata aanan hubsan.  hadi qofkale i yimiad 2 daqiiqo kadib arinti wax ka duwana iishago  hadana markiba waxan wareegaya 360 degree wana isbadalaya go,an cusub ban qadanaya  mid sadaxad hadu ii yimado  sidii si lamid ah. ila heer aniga aan iska yaabo garana wayo waxa iiffiican iyo mid aan qaato.

waxaa mar mar igu dhacda  in rabitaan kayga  aan isaga daayo  qof kale rabitaan kiisa anigo isku dayay qofkaan inaan qanicyo  marmar ka qaar anigo og in wax faaiido ah iigu jirin waxana xoga saara inta badan qancinta dadka kale.

xaga OCD nadaadafa  waxaan jeclahay inan farahayga oomo ku dhaqo  xiliga cuntada waxana waxana ugu jeclahay oo isdhaha way ku nadiifisay oo ka doorbida  shampada iyo sabunta  waa oomada.

ugu danbeen arinta  "intrusive sexual thoughts"  waan isku arkay   mana rabo inan sii faafahsho madama ila wanagsaneen.  balse  maxaan ku xalin karaa.

raali ahaada qoraalka waan dheereyay  balse saaka ayaan ogaaday inan leeyahay qaybo kamida    1)anxiety 2)OCD IYO 3)IST
Fadlan talo igasoo siiya.


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25778
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47853
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29414
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24781
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35235
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc