Author Topic: AIDS-ka Halkuu Ka Soo Galay Mareykanka?!  (Read 7127 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
AIDS-ka Halkuu Ka Soo Galay Mareykanka?!
« on: October 30, 2007, 06:33:12 AM »
Waa tii noola sheegay in Cudurkaan dilaaga ah uu asalkiisa afrika ka yimid, 1980-tameyadiina lagu arkay dhiman qaniisiin ah oo ku nool Los Angles, New York City iyo San Francisco kuwaasoo u dhintay cudurkaas, sanad ka dib cudur ahaan ayaa loo aqoonsaday.

Manta jornaal ka soo baxa jamacada arizona ayaa lagu sheegay in viruska keeno cudurka AIDS-ka uu soo galiyay wadanka mareykanka nin ka yimid jasiirada Haiti markuu sanadka ahaa 1969, intaasi loogama harin oo waxaa lagu daray waxaana Haiti keenay 3 sano ka hor nin ka yimid afrikada dhexe!!!.

Culumadan ku saxiixan warqadan lagu soo dabacay jornalkan ayaa arintaas dabagal dheer ku sameeyay markii ay genetic ahaan u baareen dhiigagii ugu horeeyay ee laga qaaday dadka qabay cudurkaan.

Professor ka qeyb qaatay baaritaankaan kana tirsan jamacada Miami ayaa cadeeyay in 1979-kii uu arkay qaxooti Haitiyaan ah oo cudur AIDS-ka calaamadihiisa kale qabaan, kaasoo gadaal laga ogaaday inuu AIDS ahaa.

Goormaa la heli doonaa qofkii keenay afrika hadiiba ay saxtahay warka naloo sheegay?!!!, laakiin looguma talagalin in meel kale loo sii raadiyo maxaayeelay waxaa la yiri cudurka waxa uu afrikada dhexe ka bilawday sanadka 1930 markii dadka halkaa dagan ay bilaabeen inay qashaan daanyeerada loo yaqaano chimpanzees.

Ugu dambeyntii africa weliba reer afrikada dhexe waxa ay mas'uul ka yihiin cudur dilay 25 million qof, 40 million-kalane la iil daranyihiin.

Real Pharmacist


Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


Offline MuslimDoc

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 103
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Muslim then Doctor
Re: AIDS-ka Halkuu Ka Soo Galay Mareykanka?!
« Reply #1 on: November 01, 2007, 02:45:58 PM »
Waa la ogaay ayaan u maleynayaa ina haytiyiinta ay soo galiyeen cudurka AIDS dhulka mareykanka, maxaa yeelay 18 sano ka hor waa tii hay'ada mareykanka ee u qaabilsan cuntada iyo daawada ee loo soo gaabiyo "FDA" ay ka mamnuucday hayitiyiinta inay dhiig bixiyaan ama laga qaadaba si loo xareeyo.

Taasi waa mid, mida kale waagii uu ku cusbaa cudurka mareykanka waxaa la dhihi jiray ka Fogaada 4 "H", kuwaasoo loola jeedo: (Homosexuals, Haitians, Hemophiliacs & Heroin addicts).

Maxaa soo cusboonaaday maanta aan ka aheen in jaaliyad dhan oo ku nool wadanka mareykanka cudur halis ah dambigiisa loo saariyo talafashinadane laga sheego, taasi waxay horseedi kartaa dhaceeb iyo aargoosi wayna u badantahay ee la soco bilaha soo socdo.

MuslimDoc
The Muslim doctor shares with the Muslim patient the two main characteristics:
the faith in God and destiny, and the conviction that there is a cure for every disease.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: AIDS-ka Halkuu Ka Soo Galay Mareykanka?!
« Reply #2 on: November 02, 2007, 07:49:28 PM »
Calling whole nation a Vectors of AIDS or Messengers of Death are really annoying!!!

And as you predicted muslimdoc, the Haitians start expressing their anger!
click here to know

Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com