Author Topic: SU'AAL: SAXARADA OO DHIIG SOO RAACAAYO?  (Read 22884 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hotboy911

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: SAXARADA OO DHIIG SOO RAACAAYO?
« on: July 25, 2011, 01:52:15 AM »
Dr............ salaan sharafleh


Salaan kadib dr mudo hatan laga joogo 2 sano ayaan u tagey dhakhtar kaas oo aan sifican u fahmi wayaay  madama usan ku hadleyn luqadii hooyo balse dr wakhtigaa saxaradeyda ku maan arkin wax dhiig ah  balse hada laba cisho ka hor ayaan saxaradeyda ku arkey dhig  lakin hada oo 2 sano kasoo wareegtey ayan saxaradeyda ku arkey dhiig.

 bal ila eeg 2 kahore waxa u isoo qorey sidatan,
                                                          
                                                        COMPLETE BLOOD PICTURE (CBP)


INVESTIGATION                                      RESULT                                                    BIOLOGICAL REFERENCE INTERVAL


Hemoglobin                                             14.6   g/dL                                                        13 - 18

Red Blood Cell Count                                4.6 Millions/cumm                                                4.5 - 6.5

Packed Cell Volume (PCV)                         41.5 %                                                             40 - 54

Total WBC Count                                    5400 Cells/cumm                                                 4000 - 110000

DIFFERENTIAL COUNT    

Neutrophils                                            *38 %                                                                 40 - 80

Lymphocytes                                         *51%                                                                  20 - 45

Monocytes                                             09 %                                                                  2 - 10

Eosinophils                                             02 %                                                                   1 - 6

Bosophils                                               00 %                                                                    0 - 2  


peripheral Smear                                    RBC  - Normacytic  Normochromic
                                                           WBC -Mild lymiphocytosis and
                                                            02% reactive lymphocytes .
                                                             Plateslets - Adequate.


METHOD ; Automation / manual
                                                    
                                                                           END OF REPORT

*Denotes values out of reference range

anigoo kaa codsanayaa inaad isoo sharaxdo    labadan u calaamada sarey  1. NEUTROPHILS  *38%            40 - 80

                                                                                                    2.  LYMPHOCY      *51%            20 - 45


dr......... waxaan kaarajeynayaa inaad talo aad isoo siin doonto  aadna waan kaga mahadcelinayaa anigoo ku soo gudbin dona  kolba waxa aad iga baahato  adna waad u mahdsantahey


BALSE MAXAA KEENI KARA DHIIGAA AYAAD U MALEYN SOO RAACAYA SAXARADA   BALSEWAXAAN U MALEYNAYAA XAGEYGA  INU DHIGAN KA IMANAAYO XAGA AY FEDHUHU ISKA YIMADAAN XAGA HOSE LABDA NAAS DHEXDOODA HALKAAS OO MARMARKA QAR  AAN KA DAEERO SHANQADH AAD MODO NAQAS TAAS  OO MAR MAR AAN DHIIG ANAN GARANEYN MEEL UKA IMANAYO UU AFKA IGA SO BIXI JIREY BALSE AAD DHAKHTAR U TAGEY ISALA KAN  KAASO X-RAY I DIREY KADIN  WAA OK  CAADI AYAAD TAHEY WAX BA MASOO BIXIN IYI DHI ...

TNKZ      DR....

                                                          
    














Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: SAXARADA OO DHIIG SOO RAACAAYO?
« Reply #1 on: July 29, 2011, 08:02:37 PM »
maadaama cabbirka guud ee dhigga cad "WBC" uu dabiici yahay wax laga walwalo maahan haddii "neutrophils"-ka ay yaraadaan ama "lymphpcytes"-ka ay bataan maxaa yeelay labadooda waxyaabo badan ayaa badali karin oo uu ka mid noqon karo xitaa hargabka.

Sidaa darteed waxaa muhiim ah in tirada guud ee "WBC" ay is badasho markaas ayaad welweli kartaa, haddii muddo ka dib aad baaritaankaan ku celiso waxay u bdantahay in ay caadigeeda ku laabato.

Midda saxarada dhiiggga ah itna aan kaaga jawaabin waxaan jeclahay in aan ku weydiiyo dhowr su'aalodo si loo fahmo xanuunka ku hayo:
1- dhiigga ma mid fresh ah mise mid madow?
2- saxarada miyuu mar waliba la socdaa mise marmar ayuu kaligiis imaadaa? ma ka dambeeyaa mise wuu ka soo horreeyaa? mise saxarada ayuu ku dhex qasanyahay?
3- xanuunka malawadka aad dareemeyso ma jiraa markaa saxarooneyso? ama in aad weli saxarada aadan dhameyn oo aad u baahantahay weli in aad saxaroooto, markaasne aysan waxna kaa imaaneyn?
4- ma qabtaa calool xanuun, dibbiro, calool majiir, matag, qandho iwm?
5- baabasiir ma leedahay?
6- dildillaac futada ah oo markaa saxarooneyso xanuun iyo dhiig cusub ay kaa imaanayaan ma leedahay?
7- ma leedahay bog xanuun iyo in aad hadda ka hor dhiig matagatay?

Fadlan ka soo jawab su'aalahaas si aan fikrad uga qaadanno xanuunkaaga...
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hotboy911

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: SU'AAL: SAXARADA OO DHIIG SOO RAACAAYO?
« Reply #2 on: August 06, 2011, 07:21:05 PM »
Dr... aad ayaan ku salamayaa wanad ku mahadsantahey sidaad u mada somaliyeed u cawineysaan  ,  hadaba aan kaaga jawaabo su,aalahaa aad i weydisey

1.haa dhiigu waa mid faresh ah (markastana lama socdo saxarada ee waa mar mar uun)

2.haa mar mar ayuuu so racaa saxarada, marba ma yimaado kaligii ,kamana so horeyo ,kamana dambeyo ee saxarada ayuu la socdaa oo dhiancyada ayaa kaga dhagsanyahey  ee maha dhexda markaa waaxa aan ku arkaa oo qudha marka aad modo iney saxaradu yara adagtahey  oo qudha

3.maya ma jiro xanuun malawadka ah oo aan dareemaayo (marmarka qaar ayaa jira inaan xaarku so bixi waayo taas oo aan u maleynaayo ineytahey calool istaag).

4.haa calool xanuunkaasi inuu igu yara badanyahey ayaad modaa markaan cuno cunto basbaasku ku badanyahey ,dibiradana marmar waan dareemaa , calool ma jiraan waa jira isna mar mar ,,,,, lakin ma jiraan             matag              iyo qandho  iskuma arag

5.maya ma lihi babaasiir  ............ lagima shegein

6. maya malihi wax dilaac ah  iyo xanuunba

7.haa waan leyahey bog xanuun  mar mar ayaan ku arki jirey candhuufteyda dhiig   balse maan matagin wax dhiig ah  amba iskumaan arag matag dhiiga

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: SAXARADA OO DHIIG SOO RAACAAYO?
« Reply #3 on: August 08, 2011, 07:51:56 PM »
Badanaa haddii dhiig fresh ah uu la socdo saxarada wuxuu ka yimid qeybta hoose ee marinka dheefshiidka.
waxyaabaha keena arintan waxaa ka mid ah baabasiirka isagoo ugu badan sababaha keeno dhiig fresh ah oo la socdo saxarada waxaana lagu ogaan karaa si sahlan haddii lagu wiisiteeyo.
Halkaan ka akhriso warbixin dhameestiran oo ku saabsan cudurka baabasiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html

Midda kale waa inuu jiro dillaac futada ah kaasoo isagane lagu ogaan karo wiisitada oo la arki karo dildillaac yaryar oo ku sameysmay futada wuxuu uga duwanyahay baabasiirka inuu aad uga xanuun badanyahay, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan dildillaaca futada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2811.0.html

Caabuq ku dhaca dahaarka saaran maroorka ayaa keeni kara saxarada oo dhiig soo raaco waxaa kaloo la jiri karo axalo ama walxo diif oo kale iyo malax taasoo tilmaamaysa in uu infakshan ku dhacay darbiga maroorka.

Caabuq ku dhaca xiidmaha waaweyn ayaa keeni kara dhiig saxarada la socdo, cudurradaas oo ugu horreyaan laba cudur oo loo kala yaqaanno: boogoobidda xiidmaha iyo bararidda xiidmaha. laakiin labadaan xaaladood waxaa badanaa la socdo shuban oo saxaro adag ma lahan waxayna ridaan miisaanka qofka haddii aan la daaweyn.
Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan labadaan cudur:
1- Boogoobidda xiidmaha "Ulcerative Collitis": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html
2- Bararidda Xiidmaha "Corhn's disease": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html

Waxyaabaha kale oo keeni karo dhibaatadaan saxaro-dhiigga waxaa ka mid ah: kaankarada ku dhacdo maroorka ama xiidmaha taasoo warbixin buuxka oo ku saabsan halkaan aad ka heli doontid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,418.0.html

Baaritaannada loo baahanyahay in lagu kala sooco xanuunnadaan oo laga yaabo in taktarkaaga uu kuu diro waxaa ka mid ah: saxarada oo la baaro iyadoo laga fiirinayo gooryaan ama walxo kale iyo in la eego gudaha maroorka iyadoo la adeegsanayo qalab loogu tala galay "Sigmoidoscopy"

Haddii intaan cudur lagaa waayo waxaa dhici karo aad qabtid cudurka lurta leh ee xiidmaha "Irritable bowel syndrome" kaasoo keeni kara cilladaan inkastoo uusan ku badneyn in dhiig noocaan ah uu keeno, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html

Waxaa muhiim ah in aad la xiriirto takhtar si laguu baaro loona ogaado xanuunkaaga, inkastoo iila egtahay xanuunka aad ka cabanayso in uu ka socdo dhibaato la xiriirto gidaarka maroorka maadaama dhigga uu dhinacyada uu saxarada kaga dhaganyahay uuna badanaa soo muuqdo markii saxaradu adagtahay, laakiin waxaan u baahantahay in aad takhtar la xiriirtid si loo hubiyo xanuunkaga lagaagana daaweeyo.

Mahadsanid
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22380
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26119
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20108
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy / Iklaamsiyada

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 38041
Last post September 02, 2008, 09:52:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?

Started by Maizah BBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58097
Last post January 13, 2016, 01:48:41 PM
by SomaliDoc