General Discussions > Feel Free Here

Su'aalaha Bisha Ramadaan

<< < (10/14) > >>

Dr.Habiib:

Su`aasha 20:
ummada waliba  marka ay ka leexdaan wada alle, illaah waxuu u soo diraa rasuul kaasi oo afkooda ku hadla oo umada u sheega xaqqa iyo in  illaah laga baqa, ilaahna uu mid kaliya  yahay waxii ka soo harayna ay khalqi illaah yihiin.
Arrintaas marka ay rusasha la imadaan waxaa ay dadka gaalada ah ee wadada alle ka bayray isku dayaan in rasuulka waxa uu wata beeniyaan oo ay wax walbo oo ay isku hir istaagi karaan in risaaladiisa gudan samaynaan. ayada xaalada qaar xataa ay gaarta in dil loo maleega rusasha.

Haddaba waxaad sheegtaa rasuulkii qoomkiisa ay dabka (naar) u shideen ay  ku tuureen si uu ugubta, lakiin illaah asoo nabad qaba ka soo saaray.

Siciido:

Nabiga ay qoomkiisu isku dayeen inay gubaan waa; nabi Ibrahim (cs)

Dr.Habiib:

[color=red]jawaabta 20:[/color]

Siciido waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee su`aasha jawaabta uga bixasay.
 jawaabta waa sax.
 

Dr.Habiib:
Su`aasha 21:
sida aan ognahay adoomada alle waxaa ku nimcaysatay nimcooyin badan, BINAADANKA   alle waxuu uu siiyay fikar iyo nimcada hadalka oo ay ooga duwan yihiin khalaa`iqda kala sida xaywaanada.

Qur`aanka waxaa  ku arooray laba xaywaan oo hadlay sida bin aadanka oo kale.

Haddaba waxaad sheegta magacyada labadaas  xaywaan iyo meesha ay qur`aanka kaga soo arooren.

Dr.Habiib:

jawaabta 21:
lada xaywaan ee hadla waa :
 1.quraanjada ama  af carabiga loo yaqaana (namli).
 2. Shimbirka hudhud loo yaqaana af caribiga.
waxa ku soo arooreen suuratu AL-NAMLI aayadaha 18 ilaa 24

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version