Colorectal CancerWaxaa kaloo loo yaqaanaa "colon cancer" or bowel cancer, waa cancerka 3-aad ee dunida ugu badan iyo kan 2-aad dhinaca dhimashada.
sanadkasta waxaa u dhinta 655,000 oo qof aduunka oo dhan.
Qofku inuu cancerkaas qabo waxaa lagu ogaan karaa iyadoo lagu baaro waxa loo yaqaano "colonoscopy", daaweyntiisane waa qaliin kaliya, inkastoo xaladaha badankood lagu daro "chemotherapy".
Calaamadaha:cancer-kaan badanaa calaamado lagu fahmo malahan ilaa uu ka gaaro xaalad xun, sidaa awgeed dadka ka waaweyn 40 sano waa laga baaraa si routine ah.
Hadii calaamado uu lahaadane waxa ay ku xirantahay cancerka qeybta uu uga dhacay, markastoo meesha uu ku dhacay u dhawdahay dabada kulamaa calaamadaha la arko.
- Qofka oo dareemo saxaro adeeg ama shuban
- Saxarada oo is badasho kalarkeeda iyo qaabkeeda
- Saxarada oo dhiig lagu arko (laamina u ekaato)
- Qofka oo dareema inay saxaro hayso, markuu mushqusha tagane ka imaan wayso (tenesmus)
- Saxarada oo is badasho dhumuceeda (diameter)
- Qofka oo saxarada ka soo bixi wayso (bowel obstruction)
Waxaa kaloo jira calaamado aan xiriir la laheen meeshu cancerka uu ku dhacay oo laga helo qofka noocaan ah:
- Dhiig yari oo lagu fahmi karo, wareer, indho madoobaasho iyo wadno garaac saaid ah
- Qofka oo ka xiranto appetite-ka
- Daal iyo tabardarri joogto ah
- Miisaanka qofka oo is dhimo
Waxaa kaloo jiro calaamado lagu fahmo markuu cancerku uu faafo oo uu gaaro xubno kale oo jirka ka tirsan:
- Qofka oo naqaska dhibo amaba ku xirmo (markaas sanbabada ayuu gaaray)
- Qofka oo xanuunto meesha beerka ku aadan, cagaarshowne ka muuqdo, hadii la wiisiteeyane beerku bararanyahay (beerka ayuu ku faafay)
Maxaa keeni kara cudurkaan?Ilaa iyo hadda ma jirto wax la ogyahay oo keeno cancerkaan, laakiin waxaa jira waxyaabo siyaadiya qatarta cudurkaan ama soo dadajiyo inuu kugu dhaco cudurkaan, waxaana ka mid ah:
- Da'daada: kulamaa qofka uu sii waynaado kulamaa qatartiisu ay badato (badanaana waxa ay ku dhacdaa da'da u dhaxeyso 60 ilaa 70
- In ay jiraan waxa loo yaqaano "Polyp" oo ah wax yaroo kuusan oo ku dhagan darbiga xiidmahaaga, waana la gooyaa hadii la arko marka lagaa baarayo cudurkaan.
- Naagaha hadii ay qabaan cancer ku dhacay minka ama naasaha waxa ay halis ugu jiraan cancerkaan.
- Dhaxal: hadii ay jiraan qof qoyskiina cudurkaan uu ku dhacay, qofkaasoo da'diisu ay ka weyntahay 55 jir.
- Cuduro kale: waxaa jiro cuduro kale oo hadii qofku ku dhacaan, cudurkaan ku dhicidiisa u sahlanaan karo waxaana ka mid ah cudurada loo yaqaano "Inflammatory bowel diseases (UC & CD)".
- Sigaar cabidda: Kuwo sigaarka aad u caba cudurkaan way u dhintaan, kabadan inta aanan cabin (naagaha: 40%, Nimanka: 30%)
- Cuntada: Cuntooyinka qaar ayaa lala xariiriyay cudurkaan waxaana ka mid ah: hilibka gaduudan, cuntooyinka ugu fiican oo loo cuni karane waa qudaarta, iyo fruutka.
- Dhaqdhaqaaqa qofka: tani waxa ay yareysaa halista aad u leedahay cudurkaan.
- Qamrada: way siyaadisaa qatarta cancerkaan.
Sidee lagu ogaadaa cudurkaan inaan qabo?waxa lagugu sameynayaa baaritaano noocyo badan leh, kuwaasoo ka mid ah:
- Digital Rectal Examination: Farta oo lagu raadiyo hadii ay jiraan wax mushkilad ah.
- Fecal Occult Blood Test: Dhiiga saxarada laga helo oo la baaro.
- Sigmoidoscopy and Colonoscopy: waa qalab lagu fiirinayo in ay wax abnormal ahi ka jiraan gudaha xiidmahaaga.
Waa noocee cancerkaan?hadii la baaro unugyada cancerkaan waxa ay ukala baxaan noocyo dhawr ah, laakiin 95% waxaa ay noqonayaan "Adenocarcinoma" (waana nooca ugu xun), kuwa kale oo iyagane ah "Lymphoma" iyo "Squamouse cell carcinoma".
Hadii aan qabo cudurkaan, sidee ku ogaan karaa qatartiisa inta ay gaarsiisantahay?Cancer walba waxa uu leeyahay waxa loo yaqaano "Staging" ama marxaladeyn, oo lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisanyahay cancerkaan, tani faaidadeedu waxa ay faaido u tahay bukaanka iyo dhakhtarka qaliinka sameynayo.
Cancerkaan marka la marxaladeynayo waxa la adeegsadaa nidaamyo kala duwan, laakiin waxaa ugu caansan uguna sahlan Duke ("Duke System", kaasoo u kala qaybinayo sidatan:
- A - Cancerka waxa uu ku egyahay xiidmaha darbiyadiisa.
- B - Cancerka wuu ka gudbay darbiyada oo waxa uu gaaray xubnaha dariska ah sida qanjirka ragga iyo kaadi haysta (prostate and bladder).
- C - Cancerka oo gaaray "Lymph Nodes".
- D - Cancerka oo meelo fogfog aaday sida beerka iyo sanbabada oo kale.
Maxaa daawo u ah cudurkaan?Daaweynta cancerkaan waxa ay xiriir la leedahay marxaladaeynta aan kor ku soo xusnay, hadii cancerka marxalada ugu horeysa la arko, uusan meelne u faafin waa la daaweyn karaa.
Daaweyntiisane waa in la qalo oo la gooyo qeybta uu gaaray cancerkaas, kadibne la raacsiiyo "Chemotherapy iyo Radiotherapy" taasoo ay xadideeyso markale marxaladeynta.
Marka qaliinka kaliya uu qofku ku daawoobi karo waa markii cancerka meelne u dhaqaaqin oo hal meel oo kaliya ku egyahay, laakiin haduu ka gudbo oo dhakhtarku ogaado in qaliin kaliya aysan waxne tareynin, wuxuu sameeyaa "Colostomy" markii uu xubinta uu gaaray oo wada gooyo.
Colostomy waa in qofka dhinac caloosha kamid ah uu furo kadibne ku xariiriyo qeyb xiidmaha ka mid ah si qofka dhinacaas uga saxaroodo.
Maleeyahay daawo ama talaal ka hortag ah cancerkaan?Waxaa xusid mudan in mar hadda laga joogo sanad (november 2006) ay shirkad british ah ay sheegtay inay ku guuleysatay in ay sameysay talaal loogu tala galay cancerkaan, una bixisay "TroVax", laakiin wax information dheeri ah kama hayo.
Intee la egtahay haduu cudurkaan igu dhaco inaan ka badbaado?Sida aan soo sheegnay cancerkaan waa lambar labo aduunka dhinaca dilitaanka bukaanka, taasoo sabab u ah in aan horay laga fahmin, iyo isagoo si dhakhso ah u faafo.
laakiin hadii qofku islamarkuu ku dhaco cancerkaan la daaweeyo, badbaadadiisu waxa ay ka badantahay 5 jeer qofkii waqti danbo lagu arko, tani waxaa lagu ogaan karaa in qaliinka ka hor iyo kadiba laga baaro bukaanka waxa loo yaqaano "CEA level = Carcinoembryonic antigen test".
Walaal Hasan, hadii aan u imaado su'aashaada ku saabsan "Ileal Conduit".
"Ileal Conduit" waxaa loo yaqaanaa markii kaadida loo sameeyo meel kale oo lagu xareeyo kana soo baxdo, waxaana la isticmaalaa markii kaadi haysta ay mushkilad gaarto.
xariga kadida ay soo raacdo ayaa lagu xariirinayaa qeybta xiidmaha oo loo yaqaano "Ileum", qofka biniaadanka waxa uu qabaa hal "Ileum" taasi oo macnaheeda ah, saxarada iyo kaadida hal meel ayey ka soo wada baxayaan.
Mida ku saabsan infection-ka waa sax way dhici kartaa in qofka loo sameeyay qaliinka noocaan ah uu infection qaado, sidaa awgeed waa in bukaanka la baraa calaamadaha infectionka kaadida ku dhaca.
Bukaanka loo sameeyay "Colostomy + Urostomy" waxa uu u baahanyahay xanaaneyn gooni ah, sidaa darteed wadamada horay u hormaray waxa ay leeyihiin waxa loo yaqaano "Stoma Nurses" oo ah kalkaaliyaal loogu talagalay bukaanka noocaan oo kale.
Dr.Mahdi