Author Topic: Su'aal: Waa maxay Hernia?  (Read 48532 times)

0 Members and 6 Guests are viewing this topic.

Offline Alihasan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay Hernia?
« on: September 17, 2015, 08:05:27 PM »
Waa maxay hernia xageese ku dhacdaa intee uqaybsantaa calamdeheeda seeloo dawaynkara




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Hernia?
« Reply #1 on: September 18, 2015, 01:38:19 PM »


Waa maxay eerno (hernia)?
Eernadu ama bog-dilaacu waxay timaadaa markii mindhiciradu ka soo gudbaan maqaarka ku daboolan ubucda ama caloosha.
Waxay ka timaadaa dabacsanaan ku dhacda murqaha taasoo samaysa meelo ay mindhicaradu soo riixan karaan oo banaan ugu soo bixi karaan.

Meeqo nooc oo hernia ayaa jirto?
Eernadu waxay ku dhacdaa dhowr qeyb oo ka mid ah caloosha:
1- Bogga ayay ku samaysmi kartaa waxaana loo yaqaanaa "epigastric hernia"
2- Waxa ka soo bixi kartaa xudunta ama dhinacyadeeda waxaana loo yaqaanaa "umblical hernia"
4- waxay ku samaymi kartaa qaska waxaana loo yaqaanaa "inguinal hernia" waana mida ugu caansan waxaana loo sii kala qaybiyaa mid meesha saracda ku ah iyo mid xaniinta u sii gudubto, midda xaniinta u sii dhaadhacdo waxay soomaalida u taqaanaa "Sheelo".
5- Waxay kaloo eernadu ka samaysmi kartaa lugta qeybteeda kore meesha xididada sinta iyo lugta kaga gudbaan, waxaana loo yaqaanaa "Femoral hernia"
6- Waxaa kaloo jirta eerno aan kor ka muuqay oo caloosha qeyb ka mid ah gudaha u gasho feeraha waxaana loo yaqaanaa "Hiatus Hernia"


Maxaa keeno eernada?
Waxa ugu badan waa cadaadis si kadis ah loo saaro murqaha caloosha sida in aad si qaldan wax culus u qaado oo kale, qufac joogto ah aad lahayd, qaliin horay laguug sameeyay sida haweenka ilmaha lagu qalo dhowr jeer, ama calool fadhi muddo ku hayay oo aad la jiiranaysay ama dhaawac gaaray murqaha ku daboolan caloosha ama ooyinta badan markay caruurta yaryar yihiin.

Waa maxay astaamaha la dareemo?
Meel caloosha ka mid ah oo soo kuusan ayaa badanaa la isku arkaa, cadaadis ama xanuun, marmarka qaar waxba lama dareemo.
Xaaladaha qaar, waxay noqontaa xaalad degdeg ah "emergency" markii mindhicirka banaanka u soo baxay uu ceejismo ama maroojismo, taasoo keenayso in dhiigga ka xirmo.

Sidee lagu ogaadaa in eerno aan qabo?\
Badanaa lama sameeyo wax baaritaan dhiigag iyo wax la mid ah si loo ogaado in aad eqabtid eerno ama bog-dillaac.
Dhakhtarku wuu ku wiisiteyn doonaa oo gacantiisa ayuu ku raadin doonaa in eerno ay jirto, waxaa laga yaabaa inuu ku amro in aad qufacdid ama istaagtid si loo fiiriyo in eernadu ay jirto.
Waxuu dhakhtarka markaa ka dib kuu diri doonaa scan ama computer si warbixin dheeraad ah looga helo eernada iyo heerka ay gaarsiisan tahay.

Eernadu yay ku badan tahay?
Waxay ku badan tahay raga khaas ahaan kullamaa ay sii waynaadaan, waxay ku sii badan tahay dadka xamaaliga ah oo qaado waxyaabaha culculus, dadka ceelasha shubo, dadka dhagaxaanta jabiyo iyo qofkasta oo howl culus qabto oo wax qaadis ah.

Sidee loo daaweeyaa?
Xanuunka eernada daawadiisu waa qalliin, ma jiro daawo afka laga qaato ama cirbado wax ka tara.
Waxaana fiican in lagaa qalo marka ay cusub tahay, marmarka qaar waxaa dhacdo in mindhiciradu marka ay soo baxaan in ay maroojismaan oo dhiiga ka xirmo taasoo ah xaalad emergency ah.

Qalliinku wuu fudud yahay haddii aysan wax cillad eernada ka baxsan aysan jirin.

Sidee looga hortagaa eernada?
Waxaa looga hortagi karaa adigoo raaca talooyinkaan:
1- Wax aad u culus ha qaadin, hadii aad qaadidna calooshaada haka kor marinin.
2- Haddii ay saxaradu kugu adag tahay, isku day in aad cunno ama daawo ku socodsiiso, iska ilaali jiirashada.
4- Haddii aad leedahay qufac siyaado ah, u tag dhakhtar si lagaaga daaweeyo.
5- Haddii qalliin lagugu sameeyo, raac talooyinka dhakhtarka, iska ilaali in aad wax culus qaadid.

Akhriso qoraal ku saabsan Eeranada lagu qaldo cudurka gaaska: "Hiatal Hernia": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,798.0.html

Haddii aad su'aalo qabtid noogu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66492
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69513
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62435
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46718
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44974
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc