Author Topic: Su'aal: Wakhti intee leeg ayuu shaybaarku sheegi karaa xanuunadan?  (Read 5231 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Asc marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda webka gaar ahaan drs-ka
intaa ka bacdi walaal waxaad ii sheegtaan ama ii sharaxdaan su'aashan oo ah:
markaad qof xanuunsanaya cirbad ku durtid ee ay adigana ku mudo cirbadii ama needle-kii
haduu qofku xanuun qabay sida xanuunada cirbadaha lagu kala qaado wakhti intee le leg
ayaad is baadhi kartaa ama shaybaarku kuu kala sheegi karaa natiijada dhabta ah?


walaal khayr baan inoo rajaynayaa dhamaanteen wsc.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wakhti intee leeg ayuu shaybaarku sheegi karaa xanuunadan?
« Reply #1 on: September 06, 2011, 10:16:08 AM »
Markii cirbad ama wax af-mudac leh ku dhaawacaan, isla markiiba dhiiggaaga kama soo muuqdaan xanuunnada lagu kala qaado dhiigga sida aydhiska, cagaarshowga iyo wixii la mid ah.

Markii dhaawac ku gaaro illaa inta baaritaanka lagu arkayo wax tilmaamayo xanuunka waxaa u dhaxeyso muddo caafimaad ahaan loo yaqaanno "Window Period" oo ah waqtiga u dhaxeeya markii wax ku gaareen illaa marka ugu horreysa oo dhiggaaga wax laga arki karo.

Cudurrada way ku kala duwanyihiin waqtiyadaas waxay kaloo ku kala duwanaan karaan baaritaanka nooca aad heysatid.

Tusaale ahaan cudurka Aydhiska waqtiga uu u baahnaan karo celceliskiisu waa 25 maalin waa markii la adeegsanayo "HIV-1 antibody testing".
markii la adeegsanayo baaritaanka "HIV antigen testing" muddadaas way soo gaabanaysaa oo waxay noqoneysaa 16 maalmood kaliya.
haddii la adeegsanayo baaritaan ka casrisan sida "Nucleic Acid Testing" wuxuu sheegi karaa cudur in aad qaaday 12 maalmood ka dib markuu dhaawac ku gaaray.

Waxaad ogaataa badanaa cirbad mudista lagama qaado cudur, inta ka qaado waa wax aad u yar.

Hadii cirbad ku muddo meesha dhawaca ku dhaq saabuun iyo biy isla markii.
hadii aadan heysan saabuun isticmaal aalkolo ama walxaha gacmaha lagu dhaqo.
haddii aad shaqo ku jirtid la socodsii madaxaaga in ay wax ku mudeen, kadibna takhtar la xiriir si laguu siiyo ka hortagga markii wax ku gaaraan "PEP".
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: