Author Topic: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?  (Read 16837 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Deeqe Luul

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« on: August 07, 2011, 06:37:23 PM »
asc wr wbr  ramadaan kariin to all members

dhaqtarka waaxaan weydiin lahaa asagoo mahadsan

gabar walaashay ah ayaa loo soo tuuraya baariaan minka ah, marka waxay rabtaa in loo sharaxo  sida uu baaritaan kaas u dhacaayo,
 maadaama ay tahay garbar bikro ah,
saameeyn may ku yeelanaysaa  gabarnimadeeda mase

waad mahadsan tihiin dhamaan tiin akhyaarta




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #1 on: August 08, 2011, 09:43:49 PM »
Maxaad kaa jeedaa baaritan minka ah? baaritaanka magaciisa saxda ah noo sheeg fadlan si lagaaga jaahil bixiyo?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Deeqe Luul

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #2 on: August 08, 2011, 11:43:12 PM »
waa baaritaanka ka hortaga kansarka oo laga booro minka afkiisa hore ((cervical Cancer)
 mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #3 on: August 09, 2011, 12:42:50 AM »
Markii haweenta laga baarayo cudurka kaankarada ku dhaca afka ilmo galeenka "Cervical Cancer" waxaa la sameeyaa laba baaritaan oo kala ah:


Imtixaanka Dheddigga iyo Dheeh Marinta Pap
Imtixaanka dheddigga waxaa loo sameeyaa si loo hubiyo cudurrada siilka, afka ilma-galeenka, ilma-galeenka, iyo ugxansideyaasha. Dheeh marinta pap waa baaritaan hubinaya is-beddello ku yimid afka ilmagaleenka, kaasoo laga yaabo in uu yahay calaamad hore ee kansar.
Imtixaan naas ayaa sidoo kale laga yaabaa in lagugu sameeyo.
Haweenku waa in ay imtixaan iyo dheeh marinta maraanta ugu horryasa helaan saddex sanno gudahood markay bilaabaan inay galmoodaan ama da’da 21. Taas kadib, warso takhtarkaaga inta jeer ee aad u baahan tahay imtixaankan taas oo ku salaysan da’daada iyo taariikhda caafimaadkaaga. Badi dumarku waxay maraan imtixaankan 1 illa 3
sannadood mar.

Waqtiga Baaritaanka
• Kalkaaliso ayaa wax kaa weydiinaysa caafimaadkaaga. Cabbirka dhiiggaaga iyo miisaankaaga ayaa la hubinayaa.
• Kalkaalisadu qol ayey kuu kaxaynaysaa. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad furto canbuurkaaga ama iska bixiso kor-gashiga si naaska lagaaga imtixaano.
• Waxaad u baahan tahay inaad dharka iska bixiso laga billaabo sinaha ilaa hoos. Waxaa lagu siin doonaa warqad aad lugaha iyo caloosha ku daboolatid inta aad miiska imtixaanka saaran tahay.
• Waxaa laga yaabaa in uu dhakhtarkaagu ku billaabo imtixaanka naasaha, isagoo si dabacsan u tuutuujinaya naas kasta si uu uga baaro wax barar ah.
• Imtixaanka naasaha ka dib, dhakhtarkaagu wuxuu ku weydiinayaa inaad lugahaaga saarto dhinaca miiska ee lugsaarka loogu talagalay aadna hoos u dhaqaajiso dhinaca geeska miiska. Jilbahaaga ha kala furmeen.
• Dhakhtarkaagu wuxuu fadhiisanayaa lugahaaga agtooda wuxuuna daarayaa nal si uu u arko hoostaada waqtiga baaritaanka.
• Dhakhtarkaagu wuxuu taabanayaa gudaha bowdadaada iyo daloolka hoostaada si uu u hubiyo calaamado cudur, soo buurasho ama dhibaatooyin kale.
• Qalab ayaa si tartiib ah loo gelinayaa hoostaada. Hoostaada ayuu kala furayaa oo kala haynayaa si loo baaro. Neef qoto dheer afka ka jiid si ay kaaga caawiso inaad is kala bixiso. U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad dareento wax xanuun ah ama lur.
• Dhakhtarkaagu wuxuu soo xaaqayaa afka ilmo galeenka si uu u helo xoogaa unugyo ah. Tan waxaa loo yaqaannaa Dheeh Marinta Pap. Unugyada waxaa loo dirayaa baaritaan.
• Qalabka ayaa lagaa soo saarayaa.

• Iyadoo gacno gashi ugu jiro, ayuu dhakhtarkaagu 2 farood gelinayaa hoostaada.
• Gacanta kale, ayuu dhakhtarkaagu ku riixi doonaa ubucdaada hoose si uu u dareemo qaabka iyo cabbirka ilma-galeenkaaga iyo ugxansideyaasha.
• Markuu imtixaanku dhammaado, dharkaaga ayaad gashan kartaa.


Baaridda Unugyada Hoosta haweeneyda (Colposcopy)
Colposcopy waa baaritaan la sameeyo si loo hubiyo unugyada aan caadiga ahayn ee cawradaada iyo afka ilmo galeenka. Waxaa laga yaabaa in colposcopy lagu marsiiyo haddii baaritaanka dheeha la isku eego uu muujiyo unugyo aan caadi ahayn. Takhtarku wuxuu isticmaalayaa aalad weyneyso ah si uu u hubiyo unug aan caadi ahayn ee cawrada iyo afka ilmo galeenka. Sambal unug oo yar, oo loo yaqaanno unugyo soo qaadid (biopsy), ayaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si shaybaarka loogu soo hubiyo.
Baaritaankaaga waqtiga ugu imow. Baaritaanku wuxuu qaadanayaa ilaa 15-20 daqiiqadood. Qorsheyso in aan halkaan joogi doonto ilaa 2 saacadood.

Muddada Baaritaanku socdo
• Waxaa laga yaabaa in aad xidhato goonnada isbitaalka.
• Waxaa lagugu caawin doonaa in aad fuusho miiska baaritaanka. Dhabarka u seexo ka dibna lugaha saaro xarkaha soo lusha ee kala qaadaya.
• Afka ilmo galeenka ayaa waxaa lagu daboolayaa milan khal oo khafiif ah. Taasi waxay unugyada aan caadiga ahayn ka dhigeysaa kuwo soo baxa.
• Takhtarku wuxuu unugyo aan caadi ahayn ka hubinayaa cawradaada iyo afka ilmo galeenka.
• Haddii takhtarkaagu uu doonayo in uu sambal unug ka qaado cawradaada, waxaad dareemi doontaa xoogaa xanuun ah ama casiraad xooggan. Taasi waxay kaaga baabi• doontaa ilaa 1 daqiiqo.
• Wixii dhiig bax ah waxaa lagu joojinayaa cadaadis iyo milan kiimiko ah.

Daryeelka marka aad Guriga joogto
• Galmo ha sameynin, isticmaal suufka dhiigga ama saliingaha hoosta loo isticmaalo ilaa 24 saacadood.
• Haddii unugyo lagaa soo qaaday, waxaa laga yaabaa in dhiig yar ka yimaado cawrada maalin dhan. Waxaad xidhataa suuf.
• Waad maydhan kartaa. Tubbo biyo xooggan ha ku qubeysan ilaa 3 maalmood.

Tani waxay kordhin kartaa fursadda in aad jeermis qaaddo.
Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
• Dhiig bax fara badan halkaasoo aad suufka saacad ku qoyneyso
• Casiraad ama xanuun daran ee uur ku jirta
• Qar-qaryo ama qandho ah 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah
• Dheecaan cawrada ka imaanaya oo si xun u uraya.

Baaritaanka PAP Smear ayaa horreeya kadib haddii la arko unugyo aan dabiici ahayn ayaa la sameeyaa baaritaanka ku xigo ee Colposcopy, laakiin su'aasha meesha taagan ayaa ah maadaama isbadalka unugyada aan caadiga ahayn uu sameeyo cudurka HPV "Human Papilloma Virus" kaasoo lagu kala qaado galmada kaliya, sida aad sheegtayne gabadha ay bikro tahay, maxaa ay tahay sababta looga shakiyay in ay u baahantahay PAP Smear waa haddii aysan qoyskeeda ka jirin taariikh cudurkaan kansarka afka ilmo-galeenka oo taxadar ahaan loo baarayo.
Laakiin haddii aysan jirin arrintaas dhaxalka ah, sabab muhiim ah oo gabar bikro ah loogu diro baaritaankaan ma muuqdo illaa inuu jiro sabab kale oo muhiim ah oo takhtarka uu kuu diray kala hadlay qofka loo diray mooyee.

midda kale baaritaanka PAP Smear inuu dillaaciyo xuubka bikrada way suurowdaa maadaama qalabka la isticmaalayo dhici karto in aad loogu weyneeyo meesha si safiican loo arko afka ilmogaleenka.
Baaritaankaan waxaa badanaa loo diraa haweenka galmooda oo aan bikrada ahayn.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Siciido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #4 on: August 11, 2011, 09:59:03 PM »

Asc wr wb

Walaal, salaan kadib.

Waxaan filayaa inaad ka hadlaysid baaritaanka ah sadex sanadeedka, laga bilaabo marka ay gabadhu 23 jirsato hadii DK la daganyahay.
Lægmandsord waa "undersøgelse af livmoderhalsen". Dhakhaatiirtunna waxay u yaqaanaan smear ama PAP (af ingiriisi).

Walaal, marka baaritaanka la sameenayo "tools" baa la isticmaalaa keenaya in ay gabadhnimada saameeyn ku yeelankarto. Markaa hadii aan xaas la ahayn waxaan gabdhaha kula talinlahaa in ay sugaan ilaa ay xaas ka noqdaan.


Offline Deeqe Luul

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #5 on: August 11, 2011, 10:41:22 PM »
wsc wr wbr  awalallan waad mahadsantahay dear dr. sidda hufan oo aad noooga jaahil bixisay.

@ siciido abaayo haa waa  (forebyggende undersøgelse mod livmoderhalskræft)ga gabadhaha ayaa gaartay 23 sano marka waa loo soo tuuray baaritaanka lkn wey ka cabsatay.

Offline Gabadh

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #6 on: August 11, 2011, 11:36:03 PM »
Dhib ma lahan, aniga ayaa hada dhaw maray, (VATPINDE) oo dheer uun baa minka afkiisa dhacaan looga soo qadaa.. hadeey bikra tahay koleey ilama ahan in eey dhib u keeneeysa.. hadii eey iska daayso dhib ka weeyn tee ka baqaneeyso ayaa ku imaan karo

Offline Siciido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #7 on: August 12, 2011, 02:10:56 PM »
Bismillah

Deeqe Luul:
Waan fahmey walaal. Walaashaa wey ku fiicantahay in ay iska hubiso inta aysan galin baaritaankaas.
As a physician I've perfomed this procedure and walaal it's still my advice for the girl to wait until there is no longer an issue.
As mentioned before the screening starts when the woman is 23 years old and continues till the age of 64. This and the fact that the risk factors for cervical cancer are not predominant in muslim societies (so far) makes it valid to advise muslim girls to wait until the can have the procedure performed without any worries, inshaAllah.

I hope this is helpfull walaal.

And I'm very much interested in finding out if the opinion of other muslim physicians differ from mine. Please do write if you've encountered this issue and what your stand is. Jzk

wsc

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #8 on: August 13, 2011, 02:05:25 PM »

A/S dhamaan waxaan ku darsanayaa aniaga naf ahaantayda madama gabadha ay bikro tahay  nina u tagin  no way ay u ogolaato inay ka yeesho inay is baarto sababatoo ah way fiican tahay early stage  in la sii baaro  lakiin gabadhaan wax sexual active maba ay sameen more aad xaas tahay oo nin ku qabo waa ka qatarasan tahay marka aniga my advice gabdhaan walasheey ah waa in ay diidaa arintaas  hadayba yada isku arkin xanuun ama aysana dareemin astaamo  isbadal ku yimaada xaha mink



                                                                                                            wabilaahi towfiiq

Offline Deeqe Luul

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #9 on: August 13, 2011, 04:14:41 PM »
wsc wr wbr  waad mahadsantihiin dhamaantiin walalayaal.  gaar ahaan cisiido iyo raaliyo abaayoyaal aybo way ka baqaysaa oo saas bay walaashay u soo ban dhigtay in ay maqasho waxa ay wallalaheed kale ka qabaan, oo aha talo iyo tuaasle markale wey idiin mahad celinaysaa  weeyna iska daysay maa daaama ay wax xanuun ah ay isku arkin ayana ahayn xaas ama sexsual active sameeyn allan ka magan galnay xunaan ee





                                                        asc  ramadaan kariin

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #10 on: August 14, 2011, 04:11:35 AM »
Asc.? Walaal inanta yaan la furfurin oo la taa taaban, marka la guursado Insha Allah ka dib oo sayga ka masuulka noqda arrinta ha furdaamiyo dhaqaalaha lagu bixin lahaa na ha u diyaariee u kaadiya. Ha dagdagina. Inanta-na ha ka nixini-na Ilaahay cudur saas u weyn uma keenee. Waxaad u sheegtaa walaashey iney Habeenka Leyla tul Qadriga ku dadaasho ileyn waa habeen Kheyr badane oo uu Alle aqbalayo ducada Adoomadiisa. Walaal Alle ha ku waafajiyo Habeenkaas Insha Allaah. Mahadsanidiin dhamaantiin dhaqaatiir & aqyaarey. Ramadan kariim.dan kariim.
Talo SAARO Allaah

Offline Deeqe Luul

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: muxuu yahay baaritaanka minka?
« Reply #11 on: August 14, 2011, 02:24:11 PM »
wcs wr wbr
 @ CilmiSabce:   waad ku mahad santahay talada aad siiyay walaasheey, ayna alxamdulilah caafimaad keeda waa 100% alxm. warka waa saad sheegay   bay noqon insha allah


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23175
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291272
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78255
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53596
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Majiraa Jawaab Ilmuhu Bixiyo Markuu Caafimaadkiisu Taam yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7119
Last post August 15, 2015, 12:52:33 PM
by SomaliDoc