Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka Paranoia?  (Read 12758 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Waa maxay cudurka Paranoia?
« on: August 08, 2011, 03:17:48 AM »
Asc dhamaantiin, Ramadaan kariim. Dhaqaartiir fadlan noo sharxa saameyska Caafimaad ee Cudurka shakiga dhaliya ee la yidhaahdo paranoia. sida uu ku yimaado, waxa keena iyo sida loo daweeyo. Waxan maqlay maandooriyeyaasha ayaa keena sida: xashiishada, amfatamiinta, hiraawiinta, qaatka, morfeynta Iwm. Ma run baa?


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Paranoia?
« Reply #1 on: August 10, 2011, 05:30:57 PM »


PARANOID DISORDER waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa SHAKIGA WAALLIDA AH.

Tani macnaheedu waa in qofku uu aamino ama rumeeyo wax aanan jirin xaaladdaan oo socoto ugu yaraan muddo 1 bil ka badan. tani maahan mid aan la fahmi karin ee waa arrin timaado xaalado dhici karo sida in qofku uu rumeeyo in la dabajoogo, ama cunnada sun logu darayo, ama cudur la qaadsiinayo, ama qof uu jecelyahay uu khiyaanayo saaxiibkiis ama xaaskiis.

Markii loo fiiriyo cudurka waallida ee skitsofereniya, dhalanteed-ka maahan mid badan waxayna badanaa u badantahay dadka da' dhexaadka ah, cillada kaliyane waa qofka oo aamisan wax aanan jirin.

Dhalanteedkaan wuxuu leeyahay noocyo badan laakiin waxaa ugu caansan kuwaan:
1- Erotomanic: dhalanteedkaan waa in qofka uu aamino in qof kale uu jecelyahay sida dadka caanka ah oo filimada jilo ama fanaaniinta ah, markaasuu qofka isku dayayaa sidii qofkaaas ula xiriiri lahaa si dareenkiisa ugu muujiyo.

2- Grandiose: dhalanteedkaan waa in qofku uu aamino inuu yahay qof qiimo leh oo qadarin mudan kaasoo leh awoodo xad dhaaf ah ama xirfado aysan dadka kale lahayn, waxaa macquul ah inuu sheegto boqornimo, nabinimo ama mararka qaar inuu isagaba dunida kala wado.

3- Jealous: dhalanteedkan wuxuu qofka aaminayaa in lamaanihiisu uu khiyaanayo ama gogol dhaaf samaynayo taasoo halis uu ugeysan karo isagoo qaba masayrkaan waallida ah.

4- Persecutory: dhalanteedkaan wuxuu qofka rumeynayaa in la daba joogo, la jaajuusayo, taleefannada laga dheygeysanayo, baaritaan lagu hayo, kaasoo ku kallifayso inuu badanaa la xiriiro isteeshinnada iyo maxkamadaha si uu u dacwoodo, ama sirdoonno dowladu shisheeyey uu magangalyo ka dalbado maadaama uu rumeysanyahay in dowladdiisa ay damacsantahay in ay disho!.

5- Somatic: dhalanteedkaan waa rumeyn walli ah oo la xiriirto jirka, waxaa dhici karto inuu qofku rumeeyo inuu aad u urayo ama cod xaywaan uu ka dhex yeerayo ama muuqaal bahaleed uu leeyahay ama wax aan caadi ahayn ay jirkiisa ku dhex jiraan.

CALAAMADAHA:
cudurkaan shakiga waallida ah wuxaa u nugloon badanaa dadka leh shakhsiyad shakinimo, tusaale ahaan: waxaa arkaysaa qof in uu kugu kalsoonaado ay dhib tahay, qof hadallada qaar kala soo baxo handadaad ama hadal xun oo isaga lala damacsanyahay, diyaar u ah inuu jawaab difaac ah ka bixiyo hadallo iska fudud.

GARASHADA: cudurkaan dadka qaba waxaa lagu ogaadaa in la wareysto oo wiisito muuqaaleed iyo dhaqan ahaan lagu sameeyo, taasoo lagu kala saarayo cudurrada lagu qaldi karo cilladaan.

DAAWEYN: cilladaan ma keento waalli qofka u naafoobayo oo uusan la shaqaysan karin, badanaa dadka noocaan ahina way ku dhex noolaan karaan bulshada waa haddii aysan naftooda iyo dadka kale aysan qatar ku ahayn markaasoo qasab ay tahay in isbitaal al jiifiyo.

TALO: Dadka qaba cudurkaan waa in ay la xiriiraan takhtar dhimirka ah si loo daaweeyo.

Badanaa maandooriyaasha waxay keenaan dhalanteed maskaxeed kaliya ee badankood ma keenaan shaki waalli ah markii laga reebo qaar yar.
Farqiga u dhaxeeyo waa in qofka maandooriyaha isticmaalo uu arko, uriyo ama maqlo wax aan jirin ama dad sheekeysanayo meesha shakiga waallidaan ay tahay qofka wax uu aaminsanyahay oo ka dhaadhacsan.

Si aad u ogaatid cilladaan cudurka ay ka farcantay ee iskitsofereeniya, halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,930.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Thanks
« Reply #2 on: August 11, 2011, 12:33:34 AM »
Dhaqtar jawaabtii way na shaafisay waadna mahadsan tahay. Wabilaahi towfiiq.
Talo SAARO Allaah


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66490
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69511
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62433
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46717
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44972
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc