Author Topic: Su'aal: Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Nerves & Epilepsy?  (Read 7172 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Nerves & Epilepsy?
« on: August 09, 2011, 03:45:45 AM »
Asc? Bacda slm Doctors iyo aqyaarey. Ilmaha yar yari marka uu ku dhaco cudur keena qalalka, waxa aalaaba dhacda in ay Waalidku garan waayaan cudurka uu ilmuhu la rafrafanayo, matalan haddii ay qandho jiro oo ay gaadho heerka 40'c ama 104'f cunugguna ay qandhadaasi ku keento convulsions, inta badan Waalidku waxay yidhaahdaan NEERFAA haya, kol waa maxay Xidhiidhka ka dhexeeya Nerve iyo Epilepsy? Waa maxay calaamadaha ay ku kala duwan yihiin. Waalidiinta qaar waxay ilmaha siiyaan Tegratol 200 (Nuerotol 200) iyo Travtaron, ama phenobarbital, diazipam and so (otc!) ayadoo waalidku ay ku daydaan hebelba saas buu u qaataa!! Haddaba Doctor waxyaalahaasi ma yihiin dawooyin sax ah? Maxa la sameyn karaa si loo kala fahmo su'aasha sare? Thanks.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Nerves & Epilepsy?
« Reply #1 on: August 10, 2011, 05:29:11 PM »
Ma jiro cudur la yiraahdo neerfo laakiin soomalida ayaa cudurradaa ku dhaca habdhiska neerfayaasha nooc walba ha lahaadaan waxay u taqaannaa neefo maadaama aqoon aysan u lahayn cudurradaas iyo noocyadoda kala duwan, tusaale ahaan, haddii qofku qalasho hal gacan ama hal dhinac ama qalal qabo ama mininjaytis qabo ama faalig qabo waxay u wada taqaannaa neerfo.

Qallalku waa cudur sidiisa u jira, warbixintiisane horay ayaan uga jawabnay, ilmaha ku dhaco gariirka "convulsion" qandho darteed maahan cudur ee gariirka waxaa keenay qnadhadaas siyaadada ah waxayna u badantahay caruurta u dhaxayso lexda bilood illaa lexda sano. laakiin haddii gariir aan la socon qandho oo muddo jiray aad aragto waa qallal "Epilepsy" waxaanakeeni karo waxyaabo badan.

Midda kale daawooyinka dhamaatood waxay joojiyaan gariirka, qandho ha keento ama qalal wax kalaba, in takhtar la'aan la qaatane waa qalad oo caruurta way u dhiman kartaa, tusaale ahaan caruurta qaarjeexa ku dhaco "Pneumonia" oo qandhadoodu siyaadada tahay, haddii ay qallal keenaan oo hooyadu siiso diazepam waxaa dhici karto in cunuggaas uu joojiyo neefsiga oo sidaa ku nafbaxo maadaama daawadaan ay hoos u dhigto shaqada habdhiska neefsiga. tani waa hal tusaalo kaliya.

Gariirka maadaama uu calaamad lagu garto uu yahay cudurka qallalka, isla daawooyinkaan ayaa lagu daaweeyaa cudurka qallalka.

Waxaan rajaynayaa in ay kuu kala caddaatay su'aashaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66557
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69569
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62501
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46757
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45003
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc