Author Topic: Faaidada Naas Nuujinta  (Read 44776 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Faaidada Naas Nuujinta
« on: November 01, 2007, 01:12:58 AM »


Naas nuujinta faaido aad u wayn ayaa ku jirta, ilaaheyne quraankiisa in laba sano la nuujiyo cunuga ayuu ku sheegay.
Waxaan isku dayayaa inaan idiin soo koobo faaidada naas nuujinta ay u leedahay cunuga iyo hooyadaba.

Faaidada ay u leedahay hooyada:
  • Uma baahna diyaarin
  • Dhaqaale ahaan, waa cuntada aduunka ugu raqiisan
  • Waa cunto waqti walba diyaar ah, habeen, maalin iyo meel walba aad joogtid
  • Waxay saacidaa minka unuu xirmo oo dhiiga istaago markii haweenka ay dhalaan
  • Xiriirka hooyada iyo cunuga ayuu siyaadiyaa (Emotional satisfaction)
  • Wuxuu yareeyaa cancerka ku dhaca naasaha haweenka
  • Wuxuu dheereeyaa, ilmahaaga waqtiga u kala dhaxeeya (birth spacing) taasoo ka qeyb qaadata (Family plannig)

Faaidada ay u leedahay cunuga:
  • Waa cunto dabiici ah oo isku dheeli tiran, lagana heli karo wax kasto oo nafaqo ah oo uu u baahanyahay cunugaaga.
    - waxaa ku jira lactose badan kaasoo keena "Glactolipids + Fatty acids" kuwaasoo ka qeybta koriinka maskaxda, diraaso cusub oo la sameeyay waxa ay sheegtay ilmaha la nuujiyay ay ka maskax sareeyaan ilmaha aan la nuujin.
    - Waxaa kaloo caanaha hooyada ku jira "Cholesterol" kaasoo ka qeyb qaata xuubid saarida neerfaha iyo ka hortaga inuu dhiiga fadhiisto xidida.
    - Proteinka ku jira caanaha hooyada waa brotiinada ugu sahlan ee caloosha ay shiido karto.
    - Phosphate-ka ku yar caanaha hooyada waxay ka hortagtaa inuu calcium-ka yaraado, kaasoo aad ugu muhiimsan ilmaha.
  • Waqti walbo diyaar, waa cuntada mar walbaa u baahato aad heli karto
  • Waa fresh mar walbo uma baahno in lagu daaro wax xifdiya.
  • Heer kulkiisa waa heer sare, mana qaboobo mana kululo
  • Caloosha wax dhib ah uma keenaan, si sahlan ayaa lagu shiidaa, si sahlane xiidmaha waa looga dhuuqaa taaso ku saacida cunuga inuu safiican u hurdo safiicane u koro.
  • Caadifada ayey siyaadisaa
  • Cunuga hooyadiis kama fogaanayo, iyadaa koriinkiisa ku dadaaleyso
  • Caanaha hooyada infection-ka way ka hortagaan noocyadiisa kala duwan
  • Caanaha hooyada waxaa ka buuxa waxii ka hortagi lahaa "Inflammations" sida Vitamin C iyo E.
  • Caanaha hooyada waxaa ku jira wixii ka hortagi lahaa xasaasiyad inuu qaado cunugaaga "anti-allergic", taasi oo yareyneyso cudurada qaar sida, neefta, sanboorka, iyo cuncunka maqaarka ku dhaca kuwaasoo laga keeno caanaha xoolaha.
  • Caanaha hooyada waxaa ku jira antibody IgA kasso albaabada ka xira proteino qalaad in laga dhuuqo xiidmaha, kuwaasoo qatar ku noqon kara ilmaha yaryar.
  • Ilmaha hooyadood naas nuujisay, waxay ka badbaadaan cudurka lafaha qaloociya ee "Rickets", maxaa yeelay caanaha hooyada waxaa ku badan Vitamin D iyo Calcium/Phospate isku dheeli tiran
  • Caanaha hooyada waxay ka hortagaan in ilmaha ay ku dhacdo dhiig yari.
    - Caanaha hooyada waxaa ku jira bir 2 jeer ka badan inta caanah lo'da ku jirta
    - Caanaha hooyada waxaa ku jira waxyaabo u kaalmeeya ama saacida in birta si sahlan looga nuuqo xiidmaha
    - Birta ku jirta caanaha hooyada saxarada ma soo raacdo caksiga kan lo'da
  • Ilmaha la nuujiyay ilkahooda way ka koriin fiican yihiin ilmaha aan la naas nuujin
  • Caanaha hooyada looga baqi maayo, inay uraan amaba sumoobaan oo ilaahaa meel xafidan galiyay

Akhriso qoraallo kale oo xiriir la leh:

http://somalidoc.com


In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Faaidada Naas Nuujinta
« Reply #1 on: November 01, 2007, 04:25:07 PM »
Thanks Diagnostic for your Nice topic

waxan rabay in xooga aan ku daro oo muhiim aan u arkay.
-in hooyada ay naaska nuujiso cunugeeda 8mar maalintii ugu yaraan.
_in ilmaha lagu quudiyo caanaha naaska kaliya ilaa inta uu ka gaarayo 6bilood.
waxa jira qaab wanaagsan oo laga rabo in hooyada ay naaska u nuujiso ilmaheeda waana sidan.
1-in madaxiisa iyo jirkiisa inta kale ay wada simanyiin.
2-in wajiga ilamah nuugaya uu ka soo horjeedo naaska hooyada
3-in ay ay hoyada ilamaha xambarsantahay aysana u dhaxaynin jirkeeda iyo jirkiisa wax maro ah yacni (Skin to Skin).
4-in ay (xalamada) ama (Nipple) naaska hooyada ay ku wadajirto afka ilmaha nugayo naaska.
Thanks all of U
Munim
 
Education Opens the Doors

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Faaidada Naas Nuujinta
« Reply #2 on: November 02, 2007, 08:29:22 PM »
Aad iyo aad ayaa u mahadsantahay walaal diagnostic, mawduucyadaan oo kale ayaan u baahanahay oo ka qeyb qaadanayo wacyi galinta dadkeena somaliyeed.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Faaidada Naas Nuujinta
« Reply #3 on: November 06, 2007, 04:29:32 PM »
Waa mawduuc muhiim,
Waxaan rabaa inaan wax yar ku daro arinta ah in ilmaha la nuujiyay ay ka maskax badanyihiin ilmaha lagu soo koriyey caanaha lo'da.

Taasi waa sax, waana arin jirta, laakiin culimada waxa ay in muddo ah raadinayeen cilaaqada ka dhaxeyso caanaha hooyada iyo maskaxda ilmaha, iyo saameeynta ay ku leedahay inta ay la egtahay.

Shalay waxaa lagu guuleestay in la helo gene arintaas oo dhan sharxaya loona soo gaabiyey "FADS2", gene-kaan oo ka jawaabi doona su'aalihii ay culimadaan is weydiinayeen jaawabne ay u la'aayeen.

Halkaan ka akhriso mawduucaan

Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

Su'aal: labada naas iyo labada xaniin oo kala wayn?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10677
Last post August 30, 2015, 07:08:45 PM
by SomaliDoc
Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 118600
Last post August 16, 2020, 04:44:27 PM
by Cabdalle78
Faaidada Daawada Xabatu Sawda

Started by Samawade180sBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 18126
Last post September 05, 2009, 01:48:12 AM
by Samawade180s
Faaidada barashada Laboratory iyo Masterkiisa?

Started by Cabdiqani_ysfBoard Lab Students and Technicians

Replies: 0
Views: 19647
Last post February 23, 2015, 03:21:33 PM
by Cabdiqani_ysf
Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?

Started by HusniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 141473
Last post January 09, 2019, 09:40:06 PM
by SomaliDoc