Author Topic: Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?  (Read 51486 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Fatxifoos

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?
« on: August 11, 2011, 01:54:24 AM »
Asc walaalayaal sidaad u dhan tihiin? Ramadaan kariim. Intaas Ka dib.
Md. Dhaqtar ilmaha uu Maduxu weynaaday maxa lagu daaweeyaa? Madaxa oo la gub gubo ma tahay daawo? Madax weynaadka caruurta waa maxay?
Waxa ku dhex jira Madaxa gudihiisa Ma biyaa? Ma hawaa <air>? Ma dhiig baa? Mise waa (unknown)?!
Sidee ugu haboon ee loo daaweyn karaa ayadoo aan daawo dhaqameed la adeegsan isla markaana daawo qiima jaban fadlan haday jirto noo sheeg. Allaah Kariim.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?
« Reply #1 on: August 21, 2011, 11:42:21 AM »


Waa maxay madaxa weynaado caruurta qaar?
Cudurka madax weyninka waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Hydrocephalus".

Erayga hydrocephalus macnihiisu waa maskaxda oo biyo ku jiraan, taasoo ka dhalatay in biyaha sidii loogu talagalay looga dhuugin maskaxda, ama in biyo badan uu soo saarayo xuubka maskaxda.

biyaha waxaa eebbe ugu talagalay in maskaxda iyo xangullaha ay ka ilaaliyaan jugta iyo cadaadiska, biyahaasuu qadar cayiman haddii ay ka bataan ay keeneyso in maskaxdu ay bararto.

Cudurkaan ilmaha way ku dhashaan, qaarne wuu ku dhacaa markay dhashaan ka dib inkastoo aan la ogeynin sababta u keentay.

Ilmaha ku dhasho waxaa u keeni kara dhiig-karka uurka, sumoyga, khmara cabidda xilliga uurka, iyo dhaxal.

Cudur walba oo ku dhaca xuubka maskaxda ama cadaadiska maskaxda siyaadiyo sida burooyinka iyo isbadalka xididada maskaxda waxay keenaan cudurkaan maskax-biyoolaha.

Cudurka qoor-gooyaha "meningitis" haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa maskax biyoolaha, raac link-gaan si aad wax uga barato cudurka qoorgooyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5470.0.html
Sidoo kale daawooyinka qaar way keenaan, xitaa haddii vitamiinka A uu qofka wax badan ka qaato oo aan loogu talo galin.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan aya ugu horreysa:
  • madax weynaasho.
  • xididada basada oo barara oo muuqda.
  • indhaha oo hoos u gala baalasha taasoo la moodo qorax sii dhacayso.
  • Madaxa oo dhawaaq sidii qaraha sameeyo haddii la taabto.
  • murqaha lugaha oo adkaada.
  • madax xanuun, matag, isku-kaadin iyo arag cawaran.

Cudurkaan wuxuu raacsiisanyahay cudurrada ku dhaca neerfayaasha, waxaana ku shuqul leh dhakhaatiirta cilmiga neerfayaasha iyo dhakhaatiirta qalliinka maskaxda "Neurologists & Neurosurgeons"
Akhriso waxa neerfaha uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html

Baaritaannada lagu samayn karo qofka waa:
  • Raajo
  • Sawir kumbuyutar

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Daaweyntu waxay ku xirantahay dagdagnimaa xaaladda bukaanka taasoo ah haddii xaaladdu halis tahay in laga soo saaro biyaha saaidka ah taasoo la adeegsan karo in biyaha laga miiro xagga dhabarka haddii biyaha maskaxda ku jiro iy midda dhabarka ay isku xariirsanyihiin.

midda labaad oo ah in qalliin la sameeyo iyadoo maskaxda la galiyo tubo biyaha ka soo saarto oo ku shubto dhow meel sida xuubka caloosha ama wadnaha, tubadaas oo qofka ku jiraysa muddo dheer.

way jiraan daawo caawis ah oo la siiyo bukaank haddii xaaladda ay yasirantahay sida daawooyinka yareeyso soo saaridda biyaha maskaxda ama biyaha badiyo dhuugista biyaha maskaxda.

Ogow cudurkaan waa cudur u baahan takhtar takhasus u leh, ee maahan cudur laga daaweyn karo farmashi ama takhtar guud.

Daawada ha qaadanin hadduusan dhakhtar kuu qorin.

Cudurka markuu bilawga yahay way sahlantahay in wax laga qabto laakiin haddii uu ku fogaado caruurtu waxay ka qaadaan in neerfaha maskaxda uu saameyo sida in ay naafoobaan ama qalal uu ku dhaco.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?
« Reply #2 on: August 21, 2011, 01:43:34 PM »
Laakiin dhaqtar gub gubista la gub gubo meelaha weynaaday miyaaney madaxa ka dhigeyn sidii uu ahaa markiisii hore (normal size)? Dad iyo caruur badan oo waxan arkay madax guban oo dhag noqday! Haddaba Doctor Taasi maxay tahay?
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?
« Reply #3 on: August 21, 2011, 02:29:18 PM »
Gubistu waa caado dhaqameed badanaa soomaalidu aaminsantahay in lagu daaweeyo xaalado dhowr ah oo ay ka mid tahay cudurkaan laakiin maahan wax cilmi ahaan sax ah maxaa yeelay cillada keentay xanuunkaan iyo qaabka gubista maahan wax isku dhigma ama xallin karo.

Sido kale waxaad ogaataa oo la isku waafaqsanyahay cudur walbo oo la gubo waa cudur la garan waayay daawadiisa ama la fahmi waayay, waana arrin aan soomaalida kaliya ku ekeyn oo bin'aadanka ay ka wada simanyihiin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?
« Reply #4 on: May 18, 2015, 10:57:16 AM »
ASC, salan kadib waxa sii daba joogaaa mawduucaan, dictora madax waynin ay ilmaha isaga dhashaan oon ahayn midkaan maskaxda biyaha kujira ah an lahayn calaamadihiis lkn cunuga iska madax wayn yahay wax dhibaata ahna uusan qabin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo daweeyaa Caruurta uu Maduxu weynaaday?
« Reply #5 on: May 20, 2015, 03:08:44 PM »
Waa in aad dhakhtar u geysaa si loo ogaado waxa keenay madax weynida, kadib ayaa laguu sheegi karaa haddii ay cudur tahay iyo in ay dhibaato keeni karto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33559
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21116
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53588
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23638
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26238
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!