Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka Gondhalaariya?  (Read 29329 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Waa maxay cudurka Gondhalaariya?
« on: August 11, 2011, 09:51:23 PM »
Asc dhaqaatiirta iyo aqyaarta sharafta leh. Bacda salaam. Doctor su'aal ayaa iga fuqi la' su'aashu waa cudurka Gondhalaariya, cudurkaan calaamadihiisa waxaan ku aragnay, marka hore Qanjirada qalka, kuwa qoorta, kuwa qarqarada (garbaha), kuwa kil kilaha, docaha naasaha & meelahaas qaarka sare ah oo uu bar bariyo ka dibna uu kolba mid qarxo dheecaamo isku qasana uu soo daayo, sida malax iyo dhiig mix isku ah. Haddaba Doctor waa maxay cudurkaan cudurada uu ka farcamo ama uu la groupka yahay? Dadka badan oo uu ku dhacay waxay yidhaahdeen waa TB-da qanjirada, waxaanu qofka ku reebaa raad aan la mahdin. Ayadoo dadka qaarkood lagu daweeyey gub gubis, sar sarid iyo dhir mar marin IWM. Marka  dhaqtarow maadaama ay su'aashani in badan igu war wareegtay fadlan faahfaahin badan naga sii cudurkaan iyo qaababka loo daaweyn karo, calaamadihiisa sida loo garto iyo wixi la halmaala. Jawaabtaada aad baanu u sugeynaa. Mahadsanid. Wabilaahi Towfiiq. Ramadaanul Kariim.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Gondhalaariya?
« Reply #1 on: August 21, 2011, 12:34:19 PM »


Gondallaariyo ama waxa caafimaad ahaan loo yaqaanno "Scrofula" waa tiibiida ku dhacdo qanjirrada kuwaas oo ugu horreeya kuwa qoorta, kilkilaha iyo meelo kalaba.

cudurkaan maahan mid cusub waa cudurrada faafo midkii ugu horreeyay oo la ogaado waxayna reer galbeedku aaminsanaan jireen in boqorrada kaliya ay daaweeyaan cudurkaan.

Gondallaariyada waxaa keeno bakteeriyada qaaxada keento ee la yaqaanno, waxaana loo kala qaadaa sida tiibiida loo kala qaado.
Tiibishada ma keento gaajo, jug ama qabow kugu raagay ama ee waxaa keeno jeermis il ma aragto ah oo lagu kala qaado neefsashada, daawane leh.

Astaamaha cudurkaan waxaa ka mid ah:
  • Qandho
  • Qanjirrada oo barara xanuunne aan lahayn
  • Boog leh dheecaan malax
  • Dhidid badan.

Cudurro badan ayaa qanjirrada barariya sida kansarka, infekshanka bakteeriyada cadiga ah, Aydhiska iyo cudurro kalaba.

Cudurka gondallaariyada waxaa lagu gartaa baritaanno dhowr oo ay ka mid yihiin:
  • Cad ka qaadis lagu baarayo sheybaar si loo eego bakteeriyada tiibiida.
  • Raajo la saarayo feeraha si loo fiiriyo in tiibiida ay feeraha jirto.
  • Dheecan ka qaadis iyo beerid.
  • Tb ka baaris dhinaca maqaarka ah.
  • Aydhis ka baaris maadaama cudurka aydhiska iyo tiibiida ay xiriir helis ah leeyihiin.

Cudurkaan waxaa lagu daaweeyaa kaliya daawada loo qaatoo qaaxada ee la yqaanno taasoo ah dhowr daawo oo loogu talagalay oo la sku qaato laakiin muddada la qaadanayo ayaa ka dheer midka qaaxada.
Qofkii qaata daawadaan wax cudurkani uu ku reebayo haba yaraatee ma jirto oo wuu baab'aa dhamaantiis.
Haddii aan la daaweynin meeshii waxay noqotaa meel dheecaan iyo malax si joogto ah uga socoto oo boog leh mar mar dillacda.
Fadlan baro oo ogow in cudurka gondallaariyada aanan gubis iyo tuujis midnaba lagu daaweyn ee u baahanyahay kaliya daawada tiibiidka.

Aqoon u yeelo cudurka Qaaxada ama Tiibishada (Tuberculosis)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdulkadir1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su,aal ku saabsan Gondhalaariya?
« Reply #2 on: July 14, 2020, 02:08:10 PM »
Waxan akhristay cashirkaa gondhalaariyaha ku saabsan, hada kahor anoo somalia jooga ayuu igu dhacay oo qoorta fin igaso baxay dhakhtarkan tegay 6 bil oo keliyan dawada qaatay hada yurub ban jooga dhawr marban dhakhtarkayga usheegay inay marhore igu dhacday hadana aan iskaga shikisanahay inay iguso labatay baadhitaano farabadan oon maray waxba waa layga waayay xataa 2 marbaa raajato laysaray anuuse waxan dareemaaa mar marka qaarkood qoorta inuu fin yariis ihi i dhex socsocdo. Maxa xala oon sameeyaa markaa dictor?


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66520
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69537
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62457
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46730
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44981
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc