Author Topic: Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Sin (Misig) xanuunka?  (Read 9210 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Maasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Sin (Misig) xanuunka?
« on: August 27, 2011, 10:33:08 PM »
Asc dhamaantiin, gaar ahaan dhaqaatiirta sharafta leh. Salaan ka dib. Dhaqtar waxaan rabaa in aad ii sheegto xanuunada la xiriira misigta ama sinta iyo loo daaweeyo ama daawooyinka loo qaato. Dhaqtar muddo hadda laga joogo saddex sano ayaan waxaan isku arkay sin xanuun kaas oo ah xanuun kaar ah gaar ahaan habeenkii marka uu qaboow jiro. Waxaana ilaa waqtigaas dhowrkii biloodba mar isku arkaayey xanuunkaan, waxayna ugu sii daran tahay marka aan jiifo & marka aan soo kacayo. Dhaqtar waxa jirtay in aan mar raajo & kumbuyuur is saaray, waxayna dhaqtaradii i yiraahdeen "wax ku jaban ma jirto" waxayna ii qoreen kaniiniyaal, kuwaasoo aan xasuusneyn magacyadooda, daawadiise waxba iima aysan tarin, mar hore ayaana iigu dambeysay isticmaalka daawooyinkaas, xanuunkii oo marba sin iga qabanaya ayaa hadba igu soo noq-noqonaya. Marka Dhaqtar waxaan kaa codsanayaa in aad i siisid wixii talo, tusaale & daawo ah ee xanuunkaan la xiriira. Waad Mahadsan tahay Dhaqtar. Aqyaartana dhamaantiin waan idin wada salaamayaa. Ramadaan Kariim.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Sin (Misig) xanuunka?
« Reply #1 on: September 21, 2011, 04:17:41 PM »
Sinta waa kalagoyska isku hayo bowdada iyo misigta.

Xanuunno dhowr ah ayaa ku dhaco sinta, taasoo lagu garan karo baaritaan raajo, xanuunnada ku dhaca waxaa ka mid ah Riixa"Osteoarthritis" oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html

Talo ahaan waxaan ku siin lahaa in aad ku laabato takhtarkaagii una sheegtid in xanuunkii kugu siyaaday daawadiina ay wax kaa tari la'dahay maxaayeelay kalagoysyo xanuunnada waxaa lagula tacaalaa daawooyin kala duwan oo la kala hormain karo iyadoo u dhiganto heerka uu marayo xanuunkaaga.

Haddii raajadu ay caadi tahay waxaa kaloo la samayn karaa baaritaanno kale oo ka mid ah in kalagoyska dheecaan laga qaado oo la baaro haddii uu ku dhacay caabuq sida TB-da oo kale.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Adan4613

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Sin (Misig) xanuunka?
« Reply #2 on: September 25, 2011, 08:23:17 PM »
sck walaalkeey xuunka sinta sheegtay aad ayaan ugu faxaý jawaabta uu taqtarka ku siiyay ,hadana anigan ma lihi sin waxaa igu jira bir oo booskii sinta waa laga saaray madaxii sintana waxaa lagu bdalay plastic iyi bir ,laakiin shil baan galay,howe every wadanka aan ku noolahay ee yurub waxaan ku arakay dad badan oo laga bdalayo sinta siiba waayeelka iyo dad bdan ay kadhaanto sinta ama lisanto oo ay ka yaaraato booska ay ku jiratay.
sck


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17314
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14912
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21525
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 40520
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87883
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!