Author Topic: Su'aal: Mal malka ma daawaa?  (Read 8955 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Mal malka ma daawaa?
« on: August 12, 2011, 11:09:22 PM »
Asc wrt wbt? Ramadaan kariim dhaqtarada iyo aqyaarta qiimaha leh. Dhaqtar, waxaan aqristay  faa'iidada saliid Macsarada (Queen of Oils) ee aad webka soo dhigteen. Markaas ka dib saliid oo dhan waan iska fogeeye Macsarada mooyee!
Dhinaca kale, haddii aan su'aashayda galo  Dhaqtarow xabagta loo yaqaan Mal-Malka ma daawaa? Gaar ahaan caruurta ma u daawaa? Tusaale inta la budeeyo oo biyo lagu daro oo caruurta la marmariyo si ay shaashada (noocyada urta, wax cusub, madax weynaadka IWM... kd...) uga celiyaan.
Sidoo kale Dhaqtarow, haddii uu nin ragga cabbo Galaas Mal-mar qasan ah, ma dhab baa in uu noqonayo nin Ciniin (impotence) ah? Fadlan Doctor Malmalka sidii macsarada aad diirada u saartay oo kale u saar (waa haddii ay dhici karto inuu daawo yahay). Waxa kale oo jira geedo kale oo dawo ahaan loo isticmaalo sida xabagta Haddi-ga la yidhaa please say more.
Thanks all. Wabilaahi Towfiiq.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Mal malka ma daawaa?
« Reply #1 on: August 21, 2011, 01:23:02 PM »
Xabagtu waxay ka mid tahay daawo dhaqameedyada soomaalidu isticmaasho waxyaabo badana ayayna u isticmaalaan, laakiin waxaa illaa iyo hadda la isku raacsanyahay kaliya in riixa iyo lafaha ay waxtar fiican u leedahay oo lagu daaweeyo.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3616.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Qoraxda Oo La Isku Dhigdhigo, Ma U Daawaa Lafa Xanuunka?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7428
Last post March 10, 2012, 12:54:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15743
Last post October 31, 2011, 10:33:59 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Caanaha Dameeraha, Ma Daawaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19860
Last post September 27, 2017, 02:59:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wan Jabsadey, Ma Daawaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3840
Last post August 26, 2015, 03:24:04 PM
by CilmiSabca