Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?  (Read 50299 times)

0 Members and 6 Guests are viewing this topic.

Offline Cabdidheeere

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?
« on: August 13, 2011, 05:48:48 PM »
asc walaal wana  idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh ee noo hagar baxaya walal  su'aasheydu waxaa weeye  waxan jiraa 27 yaraateydii waxaa ibarari jirtey xiniinta bidix  mar mar wayna iska raysan jirtey mudo sanada ah  isku man arag   saaka ayan iyadoo ixanuunaysa soo kacey  ilaa gumerkana xanuun ayan kadareemayaa waxogaa olol ah  marka walal maxaad u malayn haysaan  ad ayan idin salaamay  wax galmo ahna masameyn  waqti dheer   calool istaag  waan leeyahay xanunka ka hor  iyo gas   asc
walal faah faahin ayan idin ka sugayaa wabilaahi tow fiiq

Asc  walalal aad ayad u mahadsan tahay dr  ilaahay kumanka naarta laga xoreyn hakugu daro walal, walal  xiniinta modo hore ayay i barari jirtey laakin in mudo ah isku ma aran  mudo 10  cisho laga joogo ayay xanuun saa id ah keentey  waxaan la xiriiray dr  waxuu iidiray baadhitaan  conputer ayaa xiinta la iga bariyey waxuu sheegay in ay jiraan  small Varicocele  xanuunka ilaa gumeerka sare waa ixanuunaa ilaa dhinaca  bidixda ee misikta ilaa dhabarka  dr  maxaa igula talin lahayd  xanuunkan xaalkiisa isoo faah faahi iyo daawadiisa qeer ilaahay haku siiiyo asc



Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cilladda Bararka Xididada Xiniinta (Varicocele)
« Reply #1 on: August 26, 2011, 07:40:05 PM »


Cudurkaan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa "Varicocele", waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha (Vein) uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keensanaysaa in dhiig badan xididada ku aruuraan oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqanyso xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.

Varicocele wuu ku dhacaa hal xiniin ama labadaba, laakiin boqolkiiba 85% wuxuu ku dhacaa xininta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska ah u taga wadnaha.

Xanuunkaan Varicocele waxaa lagu tiriyaa xanuunada ragga u keena madhalysnimada, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 15% sababaha ragga madhalaysnimada u keena, waxayna ka timaadaa unugyada dhalmada qaabilsan oo howlgaba,  sababtuna waaa heerkulka dhiigga xiniinta ku raagay oo sarreeya, heerkulkaasi wuxuu yareeyaa tirada iyo tayada shahwada.

Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.

Xididada arooriyaasha Alle wuxuu ku dhex abuuray wax loo yaqaano Haniye (Valve) oo howshoodu tahay in dhiigga uusan dib ugu soo laaban meesha uu ka baxo, cilladaani waxay timaadaa markuu haniya shaqayn waayo ama daciif noqdo, taasi ayaa keento in dhiigga mar walba dib u soo laabto oo xaniinta ka bixi waayo.

Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
Badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cilladaan, laakiin waxay dadka qaar dareemi karaan xanuun xaniinyaha ah, culeys laga dareemo xiniinyaha, xiniinta oo baaba'do ama yaraato muddo kadib iyo xididada bararkooda oo soo kordho.

Sidee loo hubin karaa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaaladaha qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii bilaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
  • Ultrasound kalarka ah (Doppler Ultrasound).
  • Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
  • Baaritaan xididada arooriyaasha.

Waxaase ugu muhiimsan baaritaanka ugu korreeya, waana muhiim in cilladaan laga sooco dhowr xanuun oo badanaa lagu qaldo waxaa ka mid ah Eeranada qoraha gasho (Scrotal hernia), Biyaha xiniinyaha galo (Hydrocele), Jugta xiniinyaha gaarto (Testicular hemorrhage or hematoma), Caabuqa xiniinya ku dhaca (Orchitis) Iyo kuwa kale oo badan.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Haddii aadan xaas lahayn, wax xanuune aysan kugu hayn ama baaritaanka shahwadane ay normal tahay ama caruur aad dhashay, wax daawo ah uma baahnid, waxaana cilladaan ay ku badan tahay dadka caatada, da'dooduna u dhaxayso 15 illaa 25 sano.
Haddii xanuun uu jiro ama shakki madhalaysnimo ay jirto ama cabsi alga dareemo baaritaanka shahwada, waxaa qofka lagu sameeyaa qalliin haddii loo yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo lagu xirayo xidddada jiran.
Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, taasoo hadii aad u baahatid kaala hadli doono dhakhtarkaaga.

Xanuunkana ma soo laaban karaa?
Rajada ka soo kabsashada xanuunka waa mid fiican inkastoo boqolkiiba 5% ay soo laabato ama dhici karto ina xaniintu ay biyo galaan taasoo isku badasho xaalad kale oo loo yaqaanno "Hydrocele" tanne qalliin kale oo sahlan ayaa lagu saxaa iyadane.

Haddii aad u baahan tahay faahfahain dheeraad ah ama xiisaynayso inaad dhakhtarka toos ugala tashatid cilladaan, waxaad ka faa'idaysan kartaa barnaamijka la sheekeysiga dhakhtarka, adigoo massage noogu soo dira boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Caafimaad buuxa baan idiin rajaynayaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Cabdidheeere

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #2 on: September 01, 2011, 08:31:46 PM »
asc walaal aad ayad u mahadsantihiin sida fiican eed iiga soo jawaabteen qeer ilaahay ha idinka siiyo walal  waan fahmay  marka walal

xanuunka joogto ayuu iihayaa waliba xiniinta kale xataa waa iga xanuuntaa in kasta oosan iyada xidideeda  dhiig fadh fadhiyin marka walal su'aasheydu waxeytahay  xiligan ma awoodo qaliin
 xaalado  dhaqaale  marka maxaan  xanuunka ku dhimi karaa   walaal   aad ayad umahadsantihin  baara kalaahu fiikum drs asc

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #3 on: September 06, 2011, 09:23:34 AM »
Heerka uu marayo xanuunkaaga iyo in aad qalliin ka badbaadi karto waxaad kala tashataa takhtarkaaga si laguu baaro loona ogaado.

Mahadsanid

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Guul Wade

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #4 on: November 08, 2014, 05:05:34 PM »
asc waan idin salaamy  sharaftaleh walaal waxaan qabaa xanuun kaan varicocele waxaa la igu samayeeyey qaliin xiniinta bidix ah 7 sano kadib ayaan dr u tagay india waa la isaaray altrasound 2 bada xiniiyoodba natiijada waxay noqoty inuu wali cudurka jiro lkn labada xaniiyoodba uu ka jiro marka wuxuu dhahay dr ka waxaan kuu dirayaa semen analysis hadii sperm kaaga uu ok noqdo ooma baahnid qaliin resultgii semenka wuxuu noqday 32% wuxuu dhahay ooma baahnid qaliin daawana kuma siinayo ee bax iska tag marka xiniinta midig ayaan wax yaroo gubosho ah markaan aad u kacsado oo ay biyo iga imaan .......marka maxaad igula talin laheedeen/\?....

waad mahad santihiin

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #5 on: November 09, 2014, 03:39:01 AM »
Sida aan kor ku soo xusay, xanuunkaan Varcocele ama xidido bararka xiniinta wuxuu keenaa madhalaysnimo, waa haddii uu dhaawac gaarsiiyo unugyada soo saarayay shahwada, sidaa darteed ayuu takhtarka shahwadaada u baaray, inkastoo 32% aysan cadayn waxa aad ka wadid, maxaayeelay baaritaankaan qeybo badan ayaa laga fiiriyaa shahwada oo jawaabta way ka badan tahay warbxinta aad noo sheegtay.

Tusaale ahaan sida jawaabta semen analaysis loo soo qoro, halkaan ka akhri: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5340.0.html

Haddii jawaabtaada oo dhameestiran heli karno waa laga yaabaa in aan kuu fasirno jawaabta uu takhtarka kuu siiyay waxa uu ula jeeday iyo wixii talo habboon inaad samayso.

Caafimad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Mr.cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #6 on: November 11, 2014, 08:09:43 PM »
aasc walaal wana  idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh ee noo hagar baxaya walal  su'aasheydu waxaa weeye  waxan jiraa 24 yaraateydii ilaa iyo hada waxaan xaninta bidix kuleyahay burtuqyoyar xanun   ma igu heyso.  burtuqyadaas   malintaan arkaayay ilaa iyo manta wax is badal ah ma ku arkin  burtaqyadas markaan jiifo  mala arko  macni maqaban kartit . marka maxaa  igula talin laheyd .  max xas ahna ma lihi .
dhanka hamiga raga   waa okei. 

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #7 on: November 12, 2014, 10:50:20 AM »
Sida aad u sheegeyso waxay u badan tahay in xanuunkaan aan kor ku soo xusnay oo yar inuu ku hayo, wayna dhacdaa, dhib hadaysan kugu haynin, hal xaniin ay tahay, weligeedna intaas ay la ekeyd oo aysan burtuqyada sii siyaadin, wax dhib ah ma lahan.

Mida u baadan in wax laga qabto waa mida aan kor uga shekeynay.

Sababta aadan u qaban karin markaa jiifatid waxaa waaye in qulqulka dhiigga ee xididada ka soo buuxsamay ayaa dib ugu laabanaya xididada waaweyn ee caloosha sidaa ayay burburtuqyada u yaraanayaa, haddii aad istaagtid ama fadhiisatidne dib ayay ugu soo laabanayaan meeshooda.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Mr.cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #8 on: November 13, 2014, 12:43:17 AM »
sax waye Dr markaan is taago waa isku arkaa .  lkn xanun  oo mel dher ah ayaa mar mar ka daremaa  mida bidix tan midigna markaan taabto xanun damqasho cml ah daremaa .  labada xanin waa isla egyihiin markii laga reebo burtuqyada-
 nigisyada igu  dhan ma wadan karo sababtoo ah  xaninyaha ayey iga qabanayaan.
dhaqtarka in aan u tago oo is baro ayaan rabaa .
intas yar oo biloga ah soo malaga hortagi karo.


Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #9 on: November 13, 2014, 12:01:44 PM »
Waa fikrad fiican, takhtar la xiriir si uu fikrad buuxda kaaga siiyo dhibaatada aad dareemeyso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Khaalid Yusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #10 on: February 24, 2015, 11:13:35 PM »
asc waan salaamayaa dhaman dhaqaatiiirta   hadii qofku qabo xanuunka Varcosele  ama xidida bararka looyaqaan  hadii uu dhakhtar u tago oo la baaro ma dhalees inuu yahay miyaa jawaabta soo baxdaa? mise rajo  ayuu leeyahay  uu ku dhalo wad mahadsantihin.

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #11 on: February 25, 2015, 05:03:47 PM »
Qasab ma ahan qof kasto oo qabo Varcocele in uu ma dhalays yahay, hadduu xanuunka raago, wuxuu saameyn karaa unguyada shahwada, in iyaga la baaro ayaana lagu ogaan karaa in aad ma dhalays tahay oo shahwadii soo saaristeeda yaraatay iyo in kale, laakiin baaritaanka lagu ogaado varicocele-ka sida in la saaro computer oo kale ma lagu ogaado madhalaysnimo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Khaalid Yusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #12 on: February 25, 2015, 08:42:28 PM »
Aad ayad  u mahad santihiin waxan idin waydiin lahaa sababta keenta xiniinyo bararka  Varcocele  ma  xididada oo howl gabaa mise waxaa keena xanuun  ku  qabta oo aad dareemayso oo asal ka yimi galmada ama siigada intee ka bilaabmaa xanuunkan markiisa hore mise hal mar ayad isku arkaysaa xaniinyaha oo bararay?

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: XINIINYA ama qooodhe xanuun?
« Reply #13 on: March 04, 2015, 04:09:17 PM »
Varicocele badanaa ma lahan xanuun qofka qabanayo oo uu dareemayo, mana ahan xanuun galmada la xiriiro waa cillad ku timid xididada qooraha oo aanan dhiiga qulqulkiisa wadi karin oo keenaysa inay bararaan oo dhiiga ku haro.

Asalkiisa wuxuu ka bilawdaa in haniyaha arooriyaasha "Vein valves" oo ah cad yar oo sida carabka oo kale oo eebe ku abuuray darbiyaha gudaha ee arooriyaasha, howshiisane ay tahay inuu ka qeybqaato habsami u socodka qulqulka dhiiga markii ay jiradaan, taasoo keenaysa inuu dhiiga ku aruuro xididada arooriyaasha kadibne ay bararaan.
Waa cillada ku wada dhacda xididada arooriyaasha, gaarne uma ahan xanuunkaan kaliya, dad ayuu kaga dhacaa lugaha, dad ayuu caloosha kaga dahcaa, dad ayuu dabada kaga dahcaa iyo meelo kalaba.

Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Mr.cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?
« Reply #14 on: November 11, 2016, 01:00:35 PM »
Asc Dr.  Mahdi.   Walal waa mahadsantahay sida wanagsan oo aad no garab tagantahay.
Dr. hada kahor yaad ka hadashay xanunka kudhaca xininyaha.   Dr.waxaan u tagay dhakhtar waxaa la ii saray  (ultralyd) marka waxey i dhaheen xininyahaada waa isla eg yihiin.  Aniga xininta bidix wax yar oo culeys ah aan ka daremaa.  Mana i xanunto lkn tan midig ayaa mar mar la iga qabtaa daqiqado yar kadib waa iska ficnadaa.
Mida kale cudurkan  haduu qabo qofka ow gursado  ow dhaliwaayo qalinka kadib rajo maleyay mase waa siduu ma dhaleysi u noqday.  Kistoo Allah wax walba qadaro
Mahadsanid Dr.

 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2157
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 43036
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11310
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 13799
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3657
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc