Author Topic: Su'aal: Xasaasiyadu ama erlajigu makeeni karaa jidh ololka?  (Read 8672 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Xasaasiyadu ama erlajigu makeeni karaa jidh ololka?
« on: September 11, 2011, 05:43:28 PM »
asc dhamaantiin dhakhaatiirta sharafta leh ee sida hagar la'aanta wax noogu faa ideynaysa
markaa maanta ama mawduucaygu wuxuu ku saabsanyahay laba su'aalood
*su'aasheyda ugu horeysa waxa weeye : (xaasaasiyadu makeeni kartaa jidh ololka iyo finan ka soo baxa yar yar oo kasoo baxa dhabarka dushiisa)
*su;aasheyda 2-aad na (waxaan daal ka dareema lugaha iyo gacmaha mar mar taasna maxaa keeni kara.)
Asalaamu calaykum waraxma tullaahi wabarakaatu
 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xasaasiyadu ama erlajigu makeeni karaa jidh ololka?
« Reply #1 on: September 20, 2011, 04:40:55 PM »
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlaayo xasaasiyadda iyo xajiinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html

Midda kale daalka aad ka dareemeyso gacmaha iyo lugaha ma mid kugu cusub baa mise horay ayaa isugu arki jirtay?
xanuunka maxaa kaloo la socdo oo calaamado ah? goormuu daalka kugu badan yahay? wax isbadal ah oo maqaarka ma jiraa? daawooyin aad qaadato ma jiraan? ka waran dareenka lugaha iyo cagaha?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Xasaasiyadu ama erlajigu makeeni karaa jidh ololka?
« Reply #2 on: April 04, 2012, 02:45:55 PM »
suualaha aad i waydiiseen jawaabahoodi waa kuwan
Midda kale daalka aad ka dareemeyso gacmaha iyo lugaha ma mid kugu cusub baa
xanuun cusub maaha ilaa hada waxaan xanuunkan dareemayey mudo sanad ah
mise horay ayaa isugu arki jirtay?
xanuukan horey iskuga ma arki jirin balse kadib markii la iga helay TB ee aan daawooyinka dhameystay ayaa xanuunkan dareemay
xanuunka maxaa kaloo la socdo oo calaamado ah?
waxa la socda oo kale dhabar xanuun diiqad welwel
goormuu daalka kugu badan yahay?
markaan soo tooso ama aan hawl qabto
wax isbadal ah oo maqaarka ma jiraa?
finan aan wajiga kuleeyahay mooye wax kale majiro
daawooyin aad qaadato ma jiraan?
iminka wax daawo ah ma qaato lknse kuwa TB TAYDHOODKHA IYO INFECTION KA ayaan hore uqaatey

mudo dheerna waxaan soo cunayay kiniino la dagaalama infection la yidhi dhiiguu raacay oo wadnaha ayuu gaadhay
da'dayduna waa 17 sano markii kiniinka infection ka aan cunayeyna waxay ahayd 13 ilaa 14 sano
ka waran dareenka lugaha iyo cagaha?
aad baad umahadsantihiin dhakhaatiir somalidoc insha allah khyr
waa tabar dari  aan ka dareemayo lugaha iyo gacmaha markaan socdo ama jimicsi sameeyo waan fiicnaada



Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xasaasiyadu ama erlajigu makeeni karaa jidh ololka?
« Reply #3 on: April 06, 2012, 06:18:59 PM »
Maadaama uusan ahayn xanuun neerfo ama lafo, way iska sahlan tahay insha'llah haduu yahay daal kaliya oo u badan markaa hurdada ka soo toositd kadibna aad ka caafmaadid.

Laakiin su'aasha igu taagan ayay waxay tahay: sida aad ka dhawaajisay waxaa lagaa sheegay infection raacay dhiigga oo wadnaha saameeyay adigoo yar, daawane aad u qaadatay ee muxuu ahaa xanuunkaas?

Haddii sida aan u malaynayo xanuun loo yaqaanno "Infective Endocarditis" oo badanaa da'da aad sheegtay ku badan oona ka dhalato bakteeriyo dhiigga raacday oo dhaawac gaarsiisay haniyayaasha wadnaha, bakteeryadaas meelaha ugu badan ee ka imaan karto waa dhuunta waxayna ku badan tahay qofka qaba quuman soo noqnoqdo.

Bakteeriyadaas meelaha kale ee tagto markii dhiigga ay raacdo waxaa ka mid ah kalagoysyada oo noqon karaan kuwa gacmaha ama lugaha labadaba.

Haddii information dheeraad ah naga siiyo wixii aad ka xasuusato xanuunkaas way fiicnaan lahayd.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Xasaasiyadu ama erlajigu makeeni karaa jidh ololka?
« Reply #4 on: April 10, 2012, 11:29:04 PM »
xanuunkaas waxaan ka xasuustaa >> ugu horeyna waxaan lahaa
* tabar darri iyo daal
* wadne xanuun
* miisaanka jidhkuna wuu is dhimayey
* beer kuna xanuun ayaan ka dareemi jiray sidaan filayo
kadibna dhakhtar ayaa la igeeyey wadna xanuun ayaa la iga helay
computer xaga wadnahana waa la i mariyey
dhiigagna waa la iga qaaday,jawaabtiina waxay noqotay xanuun uu Diktoorku kusheegayey infection dhiiga raacay, wadnahana  infakshankaa gaadhay ayuu yidhi kadibna daawooyin ayuu ii bilaabay
mudo 15 cisho ah markuu cuno daawooyinka kiniinka ah, igu soo noqda ayuu yidhi
kadib markaan dhawr jeer cuney kiniinadaas ee uu xanuunkina wali tagi waayey ayuu ii qorey irbado, irbadahaas oo uu todbaad kiiba mar la igu mudi jiray
mudo dhawr bil ah markaan qaadaney irbadii.... ugu dambeyn xanuunkii infekshanku wuu iga tagey sida shaybaadhku sheegay
sidiibaanaaan ku caafimaaday.... WAA INTAA intaan ka xasuusto xanuunkan 
 xanuunkan magac kale la igu ma sheegin waa ((infekshan dhiiga raacay ))