Author Topic: Su'aal: Bipolar disorder or manic depression?  (Read 7977 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sadia

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Bipolar disorder or manic depression?
« on: August 14, 2011, 05:09:55 PM »
Waa maxay cudurka manic depression? sideena loo daaweyaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Bipolar disorder or manic depression?
« Reply #1 on: August 21, 2011, 01:42:07 PM »
Ciladda dabeecadda isbeddesha ama waxa loo yaqaanno "Biopolar Disorder" waa xaalad caafimaad oo aad u daran. Dadka qaba waxaa la soo gudboonaada dabeecado aad isu beddela oo kala duwan.
Waxay u dhaxeeyaan in ay mararka qaarkooda qabaan tamar badan, "sarreysa” iyo/ama xanaaq dhawi, marka kalena ay noqdaan madluun iyo rajo la’aan, haddana ay halkoodii hore ku soo noqdaan. Badanaa, waxay qabaan dabeecado caadi ah. Dareenka sarreeya waxaa loo yaqaan waalli (mania).
Dareenka hooseeyana waa niyad-jab.

Ciladda dareenka maskaxda ee durbadiiba isbeddela waxaa uu noqon karaa mid ay reeruhu isu gudbiyaan.
Caadi ahaan waxaa uu billawdaa dhammaadka qaangaarka ama xilliyada hore ee qof weyn la noqdo.
Haddii aad filaysid in aad qabtid, u sheeg dhakhtarkaaga. Baaritaan caafimaad ayaa kala saari kara xanuunada kale ee keeni kara isbeddelka dabeecadda.
Haddii aan la daaweyn, ciladda dabeecadda isbeddesha waxay keeni kartaa in uu dhibaato ku timaad xiriirka dadka kala dhaxeeya, shaqada iyo waxbarashada oo hooseysa, iyo xittaa in uu qofka is-dilo.

Hase ahaatee, waxaa jira habab loo daaweeyo oo waxtar leh:
daawooyinka iyo "daaweynta hadalka". Isku dhafka labada ayaa caadi ahaan waxtar fiican leh.

Halkaan ka baro xanuunnada maskaxda iyo sida loola tacaallo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,785.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 4
Views: 30512
Last post May 04, 2008, 06:19:13 PM
by SomaliDoc
Fahmitaanka Niyad Jabka (Depression)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 5
Views: 68057
Last post April 02, 2015, 03:53:47 PM
by SomaliDoc
Do You Suffer From Winter Depression?!

Started by MuslimDocBoard Islam and Medicine

Replies: 1
Views: 6707
Last post January 15, 2008, 03:38:17 PM
by Sumayya
How to fight depression? A very simple way!!!

Started by YaxyaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 3
Views: 6668
Last post March 04, 2008, 09:53:29 PM
by Basal
Somali Depression Profile

Started by Waxbaro!Board Cudurrada Maskaxda

Replies: 7
Views: 17491
Last post April 30, 2008, 12:32:58 PM
by Pharmacist