Author Topic: Su'aal: Maseyrka daawo ma leeyahay?!  (Read 17945 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Maseyrka daawo ma leeyahay?!
« on: August 21, 2011, 10:27:08 PM »
Asc Dhaqaatiirta qadarinta leh iyo memberska mudan ixtiraamka. Kuligiin Walaalayaal Ramadaan Kariim Allow Naarta Naga wada Xoree oo inoo dhaaf dambiyadeena, Ilaahayow Laylatul Qadriga na wada haleelsii. Aamiin. Intaas ka dib. Dhaqtar Maseyrka (Jealous) ama Hinaasaha ma cudur baa? Daawo-se ma leeyahay? Dabcan qodobka Maseyrka waxan ula jeedaa nooc walba oo maseyrida la xidhiidha sida;- saluugga, xasadka/ka nixida iyo dudmada uu qof ka qaado horumar uu qof kale sameeyey. Dhaqtar waxan arkay qof Maseyr daran qaba (Women) waxana ka yaabay Breakdown-ka haysta! Marka sidee Breakthrough loogu heli karaa? Waxa aanse la yaaba na hay in uu Maseyrku CUDUR yahay iyo in kale. Thanks You Somalidoc. The same 2 all members. Aqyaarey Ramadaan Kariim. Wabilaahi Towfiiq.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maseyrka daawo ma leeyahay?!
« Reply #1 on: August 26, 2011, 09:37:13 PM »


Maseyrka waa xaalad qofku uu dareemo xilliyada qaar laakiin haddii xad dhaaf uu noqdo wuxuu isku badalaaa cudur u baahan in la daaweeyo.

Masayrku wuxuu ka koombaa dhowr dareen oo la isku geeyay oo isugu jira; xanaaq, murugo, neceyb iyo yaqyaqsi.

Masayrku iyo xasadku waa laba dareen oo kala duwan laakiin la isku qaldo.

Masayrku wuxuu noqdo noocyo badan, tusaale ahaan:
  • Masayrka qoyska: waa masayr ka dhex dhaca qoyska dhexdiisa waxayna saameysaa da'yaasha kala duwan iyo xubnaha qoyska oo idil. waxayna ka dhalataa in qof uu waayo daryeel ama in qof kale looga fakarayo sida aan looga fakarayn.
  • Masayrka goobta shaqada: midkaan maahan mid badan laakiin wuxuu ka dhexdhacaa dadka isla shaqeeya ama wax isla barta. waa qofka oo dareemo in waxqabad uu waaye meesha qof kale uu halay, waxayna u badantahay dadka isku shaqada haayo.
  • Masayrka jeceylka: waa midka ugu caansan waxayna dhalataa markii lamaanaha uu qof kale u jalleecsado ama uu kaa jeclaado.
  • Masayrka saaxiibtinimada: kani wuxuu u egyahay midka jacaylka laakin wuu ka duwanyahay. waa midka uu dareento markii saaxiibkaaga uu kugula tartamo wax aad isla wada jeclaateen tusaale labo hablood oo saaxiibo ah haddi hal nin isla jeclaadaan waxaa ka dhex abuurma masayrkaan.

Intaas noocba hadduu xadkooda ay dhaafaan waxay isku badalaan cudur taasoo qofku u baahanyahay in lala xiiiriyo qof aqoon u leh cilmu-nafsiga.
Hadduu maseyrku gaaro heer uu qofka waxyeello caafimaad ama mid jir ahaaneed is gaarsiin rabo, waa in lagu tiriyaa in uu cudur dhimir isku badalay, waana in daawo la siiyaa, waxyaabaha uu qofka wax isku gaarsiin karo waxaa ka mid ah: inuu cunnada diino, cabitaanka diido ama naftiisa ama caruurtiisa uu daryeeli waayo ama noloshooda halis galiyo.

Waxaa dhici karta in uu meesha yimaado dhalanteed masayr taasoo ah cudur halis ah kana mid ah cuudrrada ku dhaca maskaxda, tani macnaheedu waa in qofku uu dareemo in xaaskiisa ay khiyaaneyso ama qof kale saaxiib la tahay taasoo waxna ka jirin, laakiin isagane ama iyada ay ku qanacsanyahay in khiyaano jirta.

Xanuunkan noocaan ah wuxuu keenaa in qofka uu dilo lamaanihiisa masayrkaan wallida ah dartiis, tani waxay u baahantahay takhatar dhimirka ah in lala xiriiro si loo daaweeyo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?

Started by Maajid DalabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6091
Last post July 21, 2017, 07:37:20 PM
by SomaliDoc
Daawo ayuu qaatay Qamaar ayuu ku waashay!

Started by PharmacistBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 1
Views: 11754
Last post November 02, 2007, 07:35:10 PM
by Admin
Su'aal: kala dambeynta biyo-baxa lamaanaha saameyn ma ku leeyahay uureynta?

Started by Suldan10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16357
Last post March 10, 2012, 02:06:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23026
Last post January 11, 2011, 10:28:07 PM
by SomaliDoc
Su?al: Maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10196
Last post March 03, 2011, 01:25:49 AM
by Dr. Acromion